Faysal Cali Waraabe Oo $ 5000 Ku Wareejiyay Afgarad

0
550

Hargeysa(Geeska)-Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa shalay lacag dhan 5000 Dollar ku wareejiyay Guddida Horumarinta Af-Garad .

1

Lacagtan ayaa ahayd tii uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ka ballan qaaday Xafladii Wan-qasha Degmada Cusub ee Gumburaha Ee Gobolka Hawd .

Waxaana madashi lacagta lagu wareejinayay ku sugnaa Af-hayeenka Guud Ee Xisbiga UCID Maxamed Xasan Shabaash, Gudoomiyaha Guddida Af-Garad Ee Beelaha Arab Dr Maxamed Warsame Ducaale iyo Xubno ka mid ah Guddida Af-Garad .

Gudoomiyaha Guddida Af-Garad Dr Maxamed Warsame ayaa Uga mahad-naqay Gudoomiye Faysal sida uu u fuliyay Ballanqaadkii uu sameeyay, isagoo ku amaanay doorka uu Gudoomiyuhu ka qaato horumarka dalka .