Hargeysa (Geeska)-ALLE ha-u-naxariistee waxa magaalada Aw-barre ee dalka Itoobiya ku geeriyooday Marxuum Guulane Axmed Cali oo ka mid ahaa fannaaniinta reer Somaliland.
ALLE naxariistiisii jannatul Fardawsa ha ka waraabiyee Marxuum Guulane Axmed Cali, waxa uu u geeriyooday xanuun ku soo booday, oo sababay inuu u geeriyoodo, waxaana Marxuumku ifkaga kaga tagey shan caruur ah oo isugu jiray afar wiil iyo hal gabadh. Dhanka kale marxuum Guulane Axmed Cali ayaa qaaday dhowr heesood oo wadani ah. Alle haw naxariisto marxuum Guulana Axmed Cali.