Fadeexad: Xasan Sheekh Oo Isaga Oo Ka Hadlaya Shir Caalamiya Qalday Magaca Madaxweynaha Masar

0
521

Picture4Qaahira (Geeska)- Dhacdo uu wargeyska Al-watan ee ka soo baxa dalka Masar ku tilmaamay wax lala yaabo ayaa ay noqotay markii madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo madal caalamiya khudbad ka jeedinaya uu qalday magaca madaxweynihii uu martida u ahaa ee dalka Masar.

Md. Xasan Sheekh waxa uu ka mid ahaa hoggaamiyeyaal dunida isaga yimi oo magaalada Qaahira kaga qayb galayey kulan uu madaxweynaha Masar u qabtay in dunida uu ku dhiirrigeliyo maalgashiga dalkiisa. Kulankan caalamiga ah oo loogu magac daray, “Shirka Dhaqaalaha; Masar ayaa mustaqbalka ah” ayaa Md. Xasan Sheekh oo doonayey in uu ku soo halqabsado madaxweynaha uu martidda u ahaa ee dalka Masar waxa uu yidhi, “Mudane Madaxweyne Cabdilcasiis As-Siisi” isaga oo magaciisa koowaad qalday magaca koowaad ee madaxweynaha oo ah Cabdilfataax.

Dadka dalka Masar oo dad aad ugu caan ah dacaayadaha siyaasadda iyo in ay lafa guraan ayaa markiiba bar-kulannada bulshada ee ay ku xidhiidhaan ka soo buuxiyey hadallada Xasan Sheekh iyo jawaabo ay ku faalleeyeen. Wargeyska Alwatan ee uu Geeska Afrika warkan ka soo xigtay oo soo qaatay qaar ka mid ah fallooyinka ay dadku ka bixiyeen qaladkan foosha xun ayaa waxaa ka mid ahaa, “Miyaa la waayey cid madaxweynaha Soomaaliya u sheegta in madaxweynaha Masar Cabdifataax Siisi la yidhaahdo” mid kale ayaa yidhi, “Siisi goorma ayaa uu magacii iska beddelay” Halka mid kalana uu bartiisa twitterka ku qoray, “Markaa waxa aan yeelannay madaxweyne isu keenay Masar iyo Sucuudiga oo ah Cabdalcasiis Siisi” Isaga oo uga jeeda in Cabdicasiis uu yahay magaca labaad ee boqorrada dalka Sucuudiga.

In kasta oo qaladku uu qof kasta ka dhici karo haddana waxaa fadeexad noqotay in madaxweyne dal uu kulan sidan oo kale ah qaldo magaca madaxweynaha martida uu u yahay, waxa aanay arrintani sii xiise gelisay dadkii reer Masar ee marka horeba ku doodayey in aanay muhiim ahayn in shirkan lagu casuumo madaxweynayaasha ka soo jeeda dalalka aan iyaga laga filanayn in ay maalgashi imika ku sameeyaan Masar, sida madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Falastiin, waana sababta uu mid ka mid ah dadka reer Masar oo uu shabakaddiisa Twitter ugu qoray, “Madaxweynaha Soomaaliya oo kellidiisa ku maalgashanaya Masar” halka mid kalana uu ku sheegay in “Magac cusub oo madaxweyne uu dalka ku maalgashanayo”