Ergada Golaha Dhexe Ee KULMIYE Ugu Jirta Hawd iyo Hargeysa Oo Cadeeyay Inay Taageersanyihiin Muuse Biixi

0
653

Picture5Hargeysa (Geeska)-Xaflad ballaadhan oo lagu qabtay huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa maanta, taas oo ay ka qaybgaleen 25 xubnood oo ka mid ah ergada golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ugu jira Beesha Arab, ayaa taageero weyn loogu muujiyay murashaxa KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf oo ugu horreyn halkaasi ka hadlay, ayaa sharraxey ujeeddada xafladda, waxaannu yidhi “Guddoomiye waxaan halkan kuugu caddeynayaa xubnaha golaha dhexe xisbiga KULMIYE ugu jira deegaanka oo tiradoodu tahay 41 xubnood in 30 ka mid ahi ay maanta diyaar u yihiin taageeradaada, xubanaha golaha markii ay taladoodii rog-rogeen waxay goosteen inay maanta ku habboon tahay in si toos ah loo taageero Muuse Biixi Cabdi, waxa raggaas ka mid ah oo ku jira ka tirsanaa ururkii SNM, waxa ku jira ganacsatadii, waxa ku jira ninkii sameeyay calanka xisbiga Kulmiye, ninkii sameeyay astaanta xisbiga Kulmiye, waxa kale oo halkan jooga martida ka mid ah ninkii sameeyay astaan Qaranka Somaliland, intaasoo dhan markaad aragto waxay kuu caddeynaysaa in dadka halkan isugu yimi iyo bulshadani ay yihiin kuwii dhidibbada u taagay rukunka iyo aasaaska xisbiga Kulmiye. Dhamaantood isumay keenin qabyaaladi, isumay keenin dano kale oo gaar ahi waxa isu keentay afkaar siyaasaddeed iyo aragti waddaniyadeed, taasaanay kugu taageerayaan guddoomiye, iyagoo ka talo qaatay beeshooda, deegaankooda iyo bulshadoodaba. Ninbaa wuxuu ku maahmaahay ‘Habraa la isku dhaafaye, haddaanan habaryartay keenin’ ragga halkan fadhiya maanta ee golaha dhexe waa raggii uu Muuse Biixi u abtiga ahaa.”

Waxa kaloo uu Xoghayuhu si faahfaahsan uga sheekeeyey aqoonta iyo waayo-aragnimada Guddoomiye Muuse Biixi ee miyi, waxbarasho jaamacadeed ee dibad iyo gudaba iyo siyaasadiisa 35 sanno jirsatay, kuwaas oo uu xusay inay ka dhigayaan qofka ugu mudan ee la saari karo xisbiga KULMIYE, laguna aamini karo hoggaaminta dalka kadib Madaxweyne Siilaanyo. Mr. Maxamed Ibraahim Qabo oo ah la-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka, ahna xubin golaha dhexe ee xisbiga, ayaa sheegay in Somaliland oo muddadii ay jirtay ee 25 sanno ahayd meel wanaagsan gaadhay ay waqtigana u baahan tahay hoggaamiye ka midho-dhaliya hiigsadeeda oo ay ugu horreeyaan hagaajinta arrimaha gudaha, kaasina uu noqon karo Muuse Biixi, “Maanta waxaynu baahannahay nin arramaheenna gudaha yaqaan oo kala dhig-dhiga oo geed-geed u yaqaana, taasna waxaan filayaa cid kaga khibrad badani inaanay tartamayn, golahayaga dhexe markaanu la kulmaynay nin aanu garani muu jirin,” ayuu yidhi Qabo,

Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdillaahi oo ka mid ah madaxdhaqameedka beesha Arab, ayaa isaguna ballanqaaday in beeshiisu ay si buuxda u taageerayso Guddoomiyaha KULMIYE, isla markaana waxa uu farriin u diray Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxaannu yidhi, “Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir waa saaxiibkay, waana nin aanu aad isugu dheernahay, Muuse Biixina waa u abti, anna Muuse Biixi baa ii abti ah waxaan ka xaal siinayaa Muuse hadalkii ka duulay Suldaanka, waxaanan leeyahay iska dhaaf oo yaanay waxba kugu sii mudnaanin adigaa abtigay ah, aniguna abtigaabaan kaa ergeeyee. Waxaanan idin leeyahay Muuse Biixi abaal buu inagu leeyahay waa inaynu abaalkiisii u celinaa.”

Siyaasiga Cabdillaahi Jawaan, ayaa hadal isugu jira dardaaran, taageero iyo kaftan siyaasadeed ka jeediyey madasha, waxaannu soo dhaweeyey go’aanka beeshiisa iyo xubnaha golaha dhexe qaateen ee ay ku taageereen Muuse Biixi oo buu yidhi, “Muuse Biixi ma ammaanayo, laakiin waxaan ku aqaanaa oo uu leeyahay saddex astaamood oo hoggaamiyaha lagu qiimeeyo, kuwaasi oo kala ah aqoon, ammaano iyo awood uu aqoontiisa ku fulin karo, sidoo kale, waxaan ku aqaanaa inuu leeyahay geesinimo. Waxa ina soo maray afar Madaxwayne, Daahir Rayaale mooyaane saddexda kale waxay ahaayeen xeeb-joog, laakiin iminka waa reer Hawd oo lana dhaafin mayo (Madaxwaynenimada), waayo waanu geynaa Madaxweyne-nimada.”

Xildhibaan Cali Marreexaan, oo ka mid ah mudanayaasha Golaha wakiillada Somaliland, ayaa yidhi “Taariikhdaa raggii suntaday ee dhiigga shalalaqdiisanaya arkayey, waranka gaashaankiisana maqlayey ee dagaalamay, ee dhiciyey ee ku dhaawacmay ee qaarkood ku dhinteen haddii lagu faaniyo ama lagu doorto ama loogu hiiliyo yaan laga gubanin ileyn waala joogee. Aniga maalintii iigu horeysay ee aan arkaa waxay ahayd 1989-kii waxaan joogay meesha la yidhaahdo Dhoqoshay oo ahayd Xarumihii halganka, dagaal dadku u yaqaaneen biyo dhaamiska ama gogol xariir oo socday 15 Maalmood oo wixii ay Kaare lahayd Faqash halkaa soo dhigtay, ayaa subax markii aanu toosnay waxa Magaaladii Dhoqoshay ku waabariistay 12 gaadhi oo Tikniko ah oo Galbeed ka yimid, waxa lanagu yidhi waxa Ciidanka wata nin la yidhaahdo Muuse Biixi, waa nin dhuuban, gadh dhuuban oo Cumaamad Madaxa ku sita oo indho god-godan ayaa gaadhi nagaga soo dagay oo aanu salaanay, markaasuu yidhi shalay baan Balli-cabane ka imid, shalay ilaa xalayna waan soo socday imikana waan idin dhaafayaa oo dagaalkii gariirkiisu baxayo ayaan ku socdaa. Waxaas oo dhami waa taariikh is qortay, dhiigga ayaa la is marsaday oo waala isku hiilinayey, imikana tii baa taala, taariikhahaa ciddii ka maqnaydey haddii aanu Muuse raacno inaad na xod-xodato Mooyaane ha naga cabanin..”

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ah hal-doorka doorka muuqda kaga jira tartanka qaban-qaabadiisu socoto ayaa isaguna sheegay “Annagu waanu gaadiidnay oo waanu soo dhacnay oo waa lana soo karbaashay, anigu imika waxaan kaligay ka noolahay afartii nin ee SNM bilaabay, xil la’aantana waan ku dhex joogaa camaystkaa guddoomiye ku xigeenka 1-aad ah mooyaane, laakiin qolooyinka naga soo horjeedaa markii xilka laga beddelay dhammaantood way ka baxeen, kuwo berri laga beddelaana way ka baxayaan, kuwo doorashada laga helaana way ka baxayaan, laakiin anigu waxaan ku kalsoonahay ina Biixi haddii laga heli inaanu ka baxayn xisbiga KULMIYE, haddii aniga la iga beddelo Guddoomiye ku xigeenkana ka bixi maayo”ayuu yidhi, Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed.

Gabogabadii waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxwaynaha Md. Muuse Biixi Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Haddii aynu nahay gobolka HAWD waxa had iyo jeer inoo ballan ah in marka ay heerka Qaran joogto inaynu ka ilaalino xagga sare, waayo marka ay tahay in Qarankan la ilaaliyaba kow baynu ka nahay, maantana Qaran dhis uun baa inoo ballan ah, innagu ku ballami mayno inaynu hoosta ka ciyaarno, xag-xagasho dhexdeena ah waanu ka fognahay oo aragtideenu way ka dheer tahay. Maanta xisbiga xil weyn baa saaran oo talada dalka ayaa saaran, ta koowaad inuu xisbiyada baro doodda iyo sida loo xakameeyo iyo inuu ilaaliyo Qaranka midnimadiisa iyo horumarkiisa, sidaasaa inoo ballan ah.”