Erey Sagootis Ah: Jannadu Nasiibkaaga Ha Noqoto: Axmed Yuusuf Ducaale

0
1361

Picture1Axmed Maxamed Aadan, Qaybe wuxu shaqada ka bilaabay Hargeysa 1954kii. Markii xigayna Berbera ayuu ka noqday Xoghayaha Fulinta ee Dawladda Hoose.
Ka dibna xarunta HGSA ayaa loo soo beddelay, markaas ayaa wax barasho UK loogu dirray . Markii uu soo noqday waxa loo magacaabay Xilka ‘The House Clark’ ee Majliskii Tashriiciga ahaa (Legislative Council). Marka ay Somaliland Xorriyaddeedii qaadatay, oo uu is-raacii dhacay, waxa loo magacaabay in uu safiir ka noqdo Moscow, kadibna Washington. Muddo ka dib wasaarada arrimaha dibada ayuu ku soo noqday halkaas uu ku danbeeyay in uu Wasiirka arrimaha dibadda uu noqdo .Somaliland marka ay la soo noqotay Madaxbanaanideedii, dhawr sano ka dib waxa loo doortay in uu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland, xilkaas oo uu hayey muddo. Immikana, Alla ha u naxariistee oo Ilaahii lahaa oofsadeyna waxa uu La-taliye u ahaa Madaxweynaha maanta Xilka haya. Ka horna, markuu xilkii ka degay Gudoomiyaha Golaha Wakiillada wuxu La-taliye u ahaa Madaxweynihii hore ee Ra’yaale.
Alla ha u naxariistee muddo 60 sanno ku dhow, ayuu Soomaali u shaqeynayey haddii ay tahay Somaliland Protectorate, Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed iyo Jamhuuriyadda Somaliland. Abaal buu ku lahaa, qaddarinna wuu ka mudnaa Soomaali.
Xantu waa ceeb. Muddo dheer, Ilaahay baa nafta hayee, hadduu ku bukey Hargeysa, waxa waajibku ahaa Xukuumada Somaliland iyo hoggaanka dalka oo ah Madaxweynaha in Dhakhtar dibedda ah la geeyo, iyada oo la gudayo abaalka uu ku lahaa Soomaali oo dhan. In aas qaran lagu fakirayo ayaa laga yaabaa. Waxa ay ahayd in ay daaweyn qaran ka horeyso.
Gebagebo:
Waxa la yaab leh Buuga uu Marxuumku qorey (Qaybe) shalay ayuu I soo gaadhay. Waxaa ii soo diray Walaalkay (Boobe). Mooyi si aan u akhriyi murrugo awgeed. Xidhiidh gaar ah oo aniga iyo Marxuumka naga dhexeeyay ma jirin. Aqoon guud ayaa na kulmisay. Wuxu iigu muuqdaa muwaaddin dalkiisa wuxuu gashaday aanay waxba kaga soo noqon . Waxaan ugu duceynayaa in uu Rabbi ka yeelo Marxuum Qaybe: