Dumuqraadiyadu waa nidaamka waqti dheer ka soo shaqaynayey wadamada reer galbeedka, taasoo markii danbe soo gaadhay qaarada madow ee Afrika, iyada oo ay aad u adkaatay in ay nidaamka dumuqraadiyadu ka hirgalo, sababta oo ah Afrika waxay caan ku tahay xukunka jacayl aan dumuqraadiyadu ogalayn, qabyaalad, taasoo iyana aan dumuqraadiyadu aanay ogolayn iyo doorasho lagu shubto.
Somaliland waxay ka gudubtey nidaamkii ku dhisnaa axdi qarameedka sanadkii 2002-dii, waxaynu u gudubka nidaamka asxaabta badan {Multi Part System}, waxay gashay doorashooyin goleyaal degaan oo ku dhisnaa nidaamka dumuqraadiga ah, inkastoo ay xisbiyadii waqtigaa laga dhex arkayey qabaa’il.
Waxaynu qaadanay nidaanka dumuqraadiyada, si loo helo doorashooyin xor iyo xalaal ah, in qofka muwaadinka ah la doorto, isna uu wax dooran karo, sida ku cad distoorka dalka, in laga boxo qabiilka oo dumuqraadiyadu shaqayso, in codka marka la qaado loo raaco halka aqlibayadu marto, waxaasoo dhammi waa mabaadiida ay leedahay dumuqraadiyadu {Principles Of Democracy}.
15 sano oo aynu ku faanayney dumuqraadiyad, halkee baynu maraynaa? Waxaa maanta la filayey in dadka iyo xisbiyada qaranku ay u bislaadaan hanaanka dumuqraadiyada, balse maanta waxaa muuqata in shacabka Somaliland iyo asxaabta siyaasadu mid waliba ka door biday dumuqraadiyada ama uu ka jeclaaday in uu qabiil ku saleeyo mabaadiidisa siyaasadeed, iyada oo la baalmaray dumuqraadiyadii aynu ka door bidnay ku dhaqanka shareecada islaamka {Sharia Law}, taasoo aan odhan kari waxay waxyeelo wayn ka tahay ka dhaqan la’aanta dumuqraadiyadii aynu qadanay qaranimada iyo horuumarka Somaliland.
Hadaba waxaa is weydiin leh su’aasha ah, maxaa sababay in qabiilku shaqeeyo oo dumuqraadiyadii la tuuro, maxaa asxaabta siyaasada ku kelifay in ay xidhtaan shaadh qabiil oo ay qabiil dabada geliyaan?
Hadii aan ka jawaabo su’aalaha aan kor ku xusay marka aan ka hadlo dhinaca bulshada ama shacabka Somaliland, waxaa jirta dad aan fahamsanaynba waxa ay tahay dumuqraadiyadu, dad dumuqraadiyada ka jecel qabiilka oo neceb dumuqraadiyada iyo dad diidanba ku dhaqanka dumuqraadiyada oo u arka in ay tahay nidaam aan banaanayn oo ka soo horjeeda diinta islaamka.
Arrimahaa ayaa runtii sabab u ah in qabyaaladu xoog noqoto, dumuqraadiyada iyo nidaamkii asxaabta siyaasaduna noqdo mid daciif ah oo ku dhisan qabiil.
Asxaabta Siyaasada Iyo Qabyaalada
Hoggaamiyaasha siyaasada Somaliland ama kuwa hoggaaminaya xisbiyada qaranka, waxay u muuqdaan in aanay daacad ka ahayn hirgelinta iyo ku dhaqanka nidaamka dumuqraadiyada, mid kastaana waxaa uu xooga saarayaa in uu dabada geliyo oo taageero ka helo qabiilka uu ka soo jeedo, taasoo ka fog nidaamka dumuqraadiyada iyo ka hoggaamineed, waana sababta keentay in qabiilku shaqeeyo oo dumuqraadiyaduna socon weydo.
Maxaa looga jeeda
dumuqraadiyad
Abraham Lincoln wuxuu ahaa madaxweynihii 16 aad ee dalka mareykanka March 1861-1865, waxaa uu ahaa nin sharci qayaan ah {lawyer}, sidoo kale halgan u soo galay dumuqraadiyada dalka mareykanka, waxaa ku qeexay dumuqraadiyada, in ay dowladnimadu tahay dadka oo ay tahay dumuqraadiyadu in dadku ay si xor ah u doortaan qof ay doonayaan in uu hoggaamiyo iyada oo aan qabiil loo eegayn,{Government of the people, by the people, for the people}.
Waxaa looga jeedaa dumuqraadiyad in shacabku noqdaan dad u xor ah cida ay dooranayaan iyaga oo aan qabiil u eegayn, in ay jirto sinaan, in ay jirto isla xisaabtan, {accountability}, in ay jirto asxaab siyaasdeed, doorashooyin xor iyo xalaal, saxaafada xor, waasoo dhammi waa nidaanka ay leedahay dumuqraadiyadu.
Waxaasoo dhan Somaliland ay samaysay welina qabiilkii ama qabyaaladii waxay leedahay awood badan iyo saamayn ay xataa ku yeelatay nidaanka dowliga ah ee ay Somaliland leedahay, waana wax soo jirey ilaa waqtigii aynu jirney maxmiyadii Ingiriiska iyo xorriyadii ka dib, welina ay taagan yahay.
Run ahaantii mar hore waa in aan fahamnaa in aanay meel wada gelin ama aanay is qaban dumuqraadiyad iyo qabyaaladi, maaha wax ka wada shaqayn kara meelna wada geli kara, mana aha wax la isku wadi karo ee midkood uun baa meesha ka baxaysa.
Sidee Somaliland looga tirtiri karaa qabyaalada iyo dowladnimada iyo asxaabta siyaasadana looga saari karaa? Kula soco qaybteena labaad ee qormadan xigta insha allaah.
Cabdilaahi Axmed Caarshe