Dugsiyada Al Huda Oo hantiyey Inta Badan 10-kii Arday Ee Ugu Sareeye Dugsiyada Hoose Dhexe

0
606

Picture5Hargeysa (Geeska)- Dalladda AL-Huda Schools waxaa Hoos Iymaada  7 dugsi  oo Hoose/Dhexe, mida sare iyo Saddex Machad oo u gaara Qaur’anka kariimka. Dallada Al-Huda waxay Haysaa arday dhan 6000 kun oo arday , Dallada Al-Huda waxay qayb laxaadle ka qaadatay Soo saarista Jiilka hagaaya ummada.

Dallada Al-Huda waxa ay bilawday dadaalka ay ugu jirta Kobcinta iyo tayeynta waxbarashada da’yarta , dadaalkani wuu soo bilaama ilaa 20 sanno ka hor waxaa tusaale u ah dugsiga Al-Huda oo ah Aasaaska iskuulada Al-Huda .

Dallada Al-Huda Schools waxay hormood u ahayd dugsiyada ka jira somalilaand , sannad dugsiyeedka 2014-2015 Dalladda Al-Huda waxay Qayb laxaadle ka qaadatay Top Tenka u sareeya Dusgsiyada H/dhexe ee Somaliland iyadoo ay ku guulaysteen ardayda dugsiyada hoos yimaada dallada Alhuda lix ka mid ah 10kii u sareeyay fasalada 8aad. Kuwaas oo kala ah: Dugsiga AlRayaan oo ku guulaystay kaalmaha 1aad, 2aad iyo 10aad, Dugsiga IbnulQayim oo ku guulaystay kaalinta 3aad oo uu kula jiro isla dugsiga AlRayaan. Halka dugsiga AlHudana uu ku guulaystay kaalmaha 4aad iyo 10aad oo uu kula jiro dugsiga AlRayaan. Kaalmahaas aan soo sheegnayna waa marka loo eego xaga darajooyinka ardaydu ay keeneen. Dhanka kalena 10kii hablood ee u sareeyay waxa dugsiyada Dallada Alhuda ay sidoo kale ku guulaysteen Lix ka mid ah 10kii hablood ee u sareeyay Imtixaankii shahaadiga ahaa ee 2014-2015 kusaas oo kala ah:  Dugsiga AlRayaan oo ku guulaystay 2 kaalmood, Dugsiga IbnulQayim oo ku guulaystay hal kaalin. Halka dugsiga AlHudana uu ku guulaystay 3 kaalmood.

Dugsiyada Dalladda Al-Huda iyo sida ay uga kala muuqdeen 10ka ArdayEe ugu sareeya imtaxaanka shahaadiga JSL. Tobanka arday ee dalka oo dhan ugu sareeyey JSL

Kaalinta

Magaca ardayga

Dugsiga

1

Cabdiqani Mustafe Nuur Jaamac

AL-RAYAAN

2

Kaalid Abdi Xasan Cadaad

AL-RAYAAN

3

Hoodo Xasan Salaan Cali

IBNUL-QAYIM

4

Samda Shacbaan Cabdi Cilmi

AL-HUDA

10

Layla ismaacil shukri Cabdi

AL-RAYAAN

10

Samsam Cumar Fadal Imaan

AL-HUDA

Tobanka Hablood ee ugu sareeyey Imtixaanka Shahaadiba ah

Kaalinta

Magaca ardayga

Dugsiga

2

Hoodo Xasan Salaan Cali

IBNUL-QAYIM

3

Samda Shacbaan Cabdi Cilmi

AL-HUDA

5

Samsam Cumar Fadal Imaan

AL-HUDA

6

Layla ismaacil shukri Cabdi

AL-RAYAAN

7

Habi Ismaacil Muuse Cali

AL-RAYAAN

8

Hoodo Maxamed Sheekh Xasan

AL-HUDA