Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamuud (Xuseen-Xoog) ayaa tacsi u diray ehelada, shacabka iyo qoyska uu ka geeriyooday Marxuum Xaaji Daahir Cilmi oo ka mid ahaa odayaasha gobalka Awdal oo Axadii ku geeriyooday magaalada Borama.
Dr. Xuseen, wuxuu marxuumka ku tilmaamay oday ruug cadaa nabadeed ahaa oo ka baxay Somaliland, “Waxaan tacsi u dirayaa, qoyska, shacabka iyo ehelada uu ka geeriyooday Marxuum Xaaji Daahir Cilmi, Allena waxaan ka baryayaa inuu marxuumka naxariistii janno ka waraabiyo.” Ayuu yidhi Dr. Xuseen-Xoog, waxaanu intaas raaciyay, “Marxuumku wuxuu ahaa oday nabadeed oo kaalin weyn kaga jiray heshiisiintii iyo isu soo dhawayntii beelaha Somaliland ee walaalaha ah, wuxuu ahaa oday ay shacabka reer Somaliland in badan tabi doonaan kaalinta uu ku baneeyay.”