Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii Hore Ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog) ayaa taageero Xoogan u muujiyay Musharaxnimada Guddoomiyaha Xisbga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxaanu si cad shaaca uga qaaday in aanay Jirin cid hor istaagi karta Musharaxnimada Muuse Biixi.
Wasiirkii Hore Ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog) ayaa sidoo kale ku taliyey in Nabadgeliyada la ilaaliyo, waxaanu hadalkan ka sheegay Munaasibada balaadhan oo Shalay lagu qabtay Dalxiis Hotel ee Magaalada Hargeysa oo Beesha uu Dr. Xuseen xoog ka soo jeedo ee degta Koonfurta Hargeysa ay taageere ugu muujinaysay Musharaxnimada Madaxweyne ee Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxaanu Dr Xuseen Xoog ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Khilaafka Kulmiye waxa uu Salka ku hayaa Musharax-baan ahay iyo ma tihid,Qofku in uu yidhaado Musharaxbaan ahay Xeerka Xisbiga Kulmiye iyo Dastuurkaba wuu ku qoran yahay,Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi wuu gayaa in uu is sharaxo; Maantana cid u diidi kartaa ma jirto,waana xaq dastuuriya waxaan shacabka ugu baaqayaa in ay Ilaaliyaan Nabad-galyada Taageerayaasha Xisbiga Kulmiyena waxaan leeyahay aynu nabada ilaashano Anaguna waxaanu nahay kuwa ugu horeeya ee Nabada Ilaaliya,Beesha(Ciidagale) boos loo magacaabo waxa uga Muhiimsan Ilaalinta Nabada Somaliland.” Ayuu yidhi Dr. Xuseen, oo wax badan qabtay wakhtigii uu wasiirka caafimaadka ahaa, islamarkaana ay bulsho badani Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliishay go’aanka uu xilka kaga qaaday.
Wasiirkii hore ee Caafimaadka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxaan Hogaanka Kulmiye iyo Xukuumadaba ugu baaqayaa Ilaalinta Nabad-galyada Somaliland Musharaxnimada Muuse Biixina cid diidi Kartaa ma jirto, Anaguna dadka uu bari isku halaynayo ayaanu nahay hana ku bushaaraysto Muuse Biixi Cabdi”.
Dhinaca kale Odey Cali Quule, Axmed Cismaan iyo Cali Axmed Aw Maxamuud oo iyana halkaas ka hadlay ayaa taageero u muujiyey Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxayna sheegeen inuu xaq iyo xuquuq u leeyahay inuu isku soo taago Musharaxnimada Madaxweyne, waxayna Madaxweynaha Somaliland ugu baaqeen inuu isku kalsoonado oo uu si xor iyo xalaal ah ula tartamo Muuse Biixi,waxayna sheegeen in haddii ay yihiin Cuqaasha, Odeyaasha, Madax dhaqameedka, Aqoonyahanka iyo Dhalinyarada Beesha Koonfurta Hargeysa inay taageersan yihiin Musharaxnimada Madaxweyne ee Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.