Dr. Fadal Oo Dhaliilo U Jeediyay Madaxweynaha Iyo Xukuumadiisa

0
727

fadalHargeysa (Geeska)-Dr.Maxamed Cismaan Fadal oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Somaliland, isla markaana ah xog-hayaha arrimaha dibadda ee xisbiga Waddani, ayaa sheegay in muddadii Xukuumaddani xilka taladda haysay uu hoos u dhac aad u balaadhani ku yimid siyaasadii arrimaha dibadda, sida oo kalena meesha ay ka baxeen wadamo badan oo Somaliland saaxiib la ahaa, waxaa kale oo uu sheegay in iyana dib u dhac ku yimid siyaasada arrimaha guddaha, isaga oo xusay in sharcigii iyo dastuurkii ay xukuumaddani jabisay.

Dr.Maxamed Cismaan Fadal oo Wareysi gaar ah siiyey wargeyska Geeska Afrika ayaa dhanka kale dhaliilo u soo jeediyey madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, waxaana kale oo uu ka hadlay dagaalka ka socda Yamen iyo doorka ay xukuumaddu ka qaadatay, rajada uu ka qabo doorasho inay dalka ka dhacdo, iskaashiga Madasha iyo Mucaaradka iyo waxyaabaha ku kalifay madaxweynaha in uu ka hor istaago ka mid noqoshada Komishanka, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay.“Siyaasada Arrimaha Dibadu waa muraayada Somaliland, ictiraaf doonkii, xidhiidhkii, ixtiraamkii iyo saaxibo ka dhisadkii caalamku wakhtigii Daahir Riyaale ayey aad iyo aad uga xog roonayd, wakhtigan Siillaanyo-na hoos ayey u dhacday, tayadii xidhiidhkeena siyaasada arrimada Dibadda haddii aynu safaarado lahaan jirnay  iyo haddii dad wakiil inaga ahaaba, hoos ayey u dhacday, karaamadi iyo ixtiraamkii uu Caalamku inoo hayey wax badan ayuu dhaawac soo gaadhay, inaga xittaa gudaheena kalsoonida ay dadku ku qabaan Xukuumadda Siillaanyo inay Caalamka wax uga keenayso ama ay ugu maqan tahay meesha wey ka baxday”.

Dr.Maxamed Cismaan Fadal oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, waxaa uu ka hadlay dagaalka muddooyinkii danbe ka socday dalka Yeman iyo mawqifka ay xukuumad Somaliland ka qaadatay. Waxaana uu yidhi:“Agteena maanta dagaal ayaa ka dhacaya, Yamen ayuu dagaalku ka dhacaya, waa dal aynu daris nahay, Yemani waxa ay ku gudban tahay jidkii ugu badnaa ee dhaqaalaheena iyo nolosha  dadkeenu ku xidhnaa ee ahaa Khaliijka, Caalamkii oo dhan,  wadamadii ugu waaweynaa Khaliijka iyo  Wadamadii ugu awooda badnaa Adduunka ayaa dagaalkaas Yamen iskugu yimid, wax allaale wax macno leh oo talo ah oo ahayn Qaxoontiga ayeynu soo dhaweeynaynaa, xukuumaddani ma hayso, laakiin innaga sidee ayey inoo sameeynaysaa, xoolaheena sidee ayey u sameeynaysaa, baayac-mushtarigeena sidee ayey u sameeynaysaa  cuntada, dawooyinka iyo allaabta aynu la soo degno, oo waa taas baddihii la xidhayo, cirkii iyo dhulkiina waa la mid, xukuumaddani talo Allaale talo ay ka qaadatay ma muuqato, masuuliyad ay iska saartay ma jirto, siyaasada arrimaha dibaddu waxa ay ka bilaambanta danta dalkaaga iyo dadkaaga in aad daba-gasho halka ay ku jirto, waxaana xaqiiqo ah in siyaasadii arrimaha dibaddu ay aad iyo aad hoos ugu dhacday”.

Dr Maxamed Cismaan Fadal ayaa mar uu ka hadlaayey wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya yidhi “Marka aynu u nimaadno wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya, waxa wacan in marka hore adiga oo dalkaga jooga, oo karaamadaada leh inaad ogaato qolada ka soo horjeeda waxa ay ku fikirayso ama ay kula imanayso, laakiin marka aad kulantaan haddii aad tidhaahdo maan ogeyn waa ceeb, maxaad ka dooni haddii aanad ogeynba qorshaha iyo waxa uu ku socdo, haddii aanad marka horeba ka sii tashan in aanad Miiska wada fadhiisan, Ajandane aanad la iman, haddii aanad dhammayn, markaas arintaasi waa iska cadaan”.

Dr Maxamed Cismaan Fadal mar uu ka hadlaayey Siyaasada Arrimaha Guddaha ayaa yidhi “Siyaasada Arrimaha Gudduhuna waxba ma dhaanto Siyaasada Arrimaha Dibada, waxayna Siyaasada Arrimaha Gudduhu ka bilaamanta Nabada iyo daganaasha dalka, iyo kalsoonida ay dadku ku joogan dalka, iyo midnimada Qaranku sida ay tahay, taasna weynu ognahay oo afarta hareerood dab ayaa inagaga baxaya, wax xal ah oo muuqda ma jiro, waxa uu werwer ka jiraa Maamulkeenii Guddaha, Doorashooyinkeenii,  wax walba hawada ayey laad-laadan, markaas intaas ka timaado kalsoonida dadka iyo daganaasha ayey ku xidhan tahay, waxayna ka timaada Madaxtooyada iyo kalsoonida lagu qabo, runtii taladdu meel ayey taala oo dadku ku seexda, taas laftigeeda ayuu werwer ku jiraa, oo aynaan ogeyn waxa inagaga soo bixi doona, iyo waxa ka socda,oo waxa aynu ognahay inay ka jiraan kooxo, wax is jiidanayaa  iyo wax is wata, balse dadkeenu iyaga ayaa nabadooda ilaashada , laakiin xilkii dawladii lahaan  jirtay ee ahayd inay dadku ku seexdan, kuna fadhiyaan mana muuqato”.

Dr Fadal mar uu ka hadlaayey Madaxweynaha ayaa yidhi “Madaxweyne dimuqraadiya oo Doorasho lagu doortay, oo Raggii la tartamay ka helay kursigiina ku fadhiya,    waan iska fadhiyayaa, waa iska korodhsanayaa ceeb ayey ku tahay, cidii dooratay ee Kursiga u dhiibatayna ceeb ayey ku tahay, mana qabato, Madaxweynaha Shan Sanno ayaa la doortay oo waa dastuuri, markaas Madaxweynuhu markii uu Barlamaanka hor yimid, ayaa inta uu iska yidhi “Doorashadu dib ayey u dhacaysaa” ayuu iska tagay,oo Gurigiisi dib iskaga galay, maxa dib ugu dhacday, yaa ka masuul ah, midna muu sheegin, waxa laga filaayey inuu yidhaahdo Shantii Sanno ee aad I doorateen, wey dhamaatay, Doorashadii dib ayey u dhacday,oo sababtaas ayey u dhacday, imikana talo deg deg ah ayaan keenaya ee Komishankoow laba ilaa saddex maalmood igu sheega Doorashadu wakhtiga ay ku dhici karto iyo inuu  yidhaahdo oo kale Xisbiyada Qarankoow kaalaya, xilkaygii waan dhaafaya, oo Doorashadii waan qaban kari waayey, oo kaalaya aynu wada qorsheysanee, sidii aynu u wada qaban lahayn Doorashada soo socota, taasna lagama hayn.

Waxa olole looga jiraa oo dadka lagu wareeriya, waa la kordhinayaa, kordhintu waa xaaran, xaqii dadka maaha, Dastuur maaha, Laba Doorasho ayaa is dulsaaran, Kumaan Qof ayaa doonaya inay Barlaamanka u tartamaan, intaas oo qof ayaa doonaya in Kursiga Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenku ku fadhiyo u tartamaan, intaas oo qof ayaa doonaya inay dalka caqli ku soo kordhiyaan, oo waxa qasmay iyo wax xumaaday hagaajiyaan, Xisbiyo ayaa jooga, markaas waa inuu Madaxweynuhu waa inuu miiska soo fadhiista, oo sida ugu deg dega badan oo Xisbiyada kula fadhiista, xal deg deg ahna uu keena, haddii kale Xisbiyada Qaranku wuxuun ayey ka yeeli doonaan”. Dr.Maxamed Cismaan Fadal ayaa mar uu ka hadlaayey madaxweyne Siilaanyo wakhtigii uu mucaaradka ahaa iyo waxa uu ololaha ku geli jiray ayaa yidhi.“Madaxweynuhu waxa uu aad u odhan jiray Dawladd tiro yar oo tayo leh ayaan sameeynayaa, wax alaale waxa uu odhan jiray iyo waxa uu balanqaaday wax laga hayaa ma jirto, Maanta Xukuumadiisa 60-wasiir ayey kor u dhaaftay, 40-wasiirna uu ku dhaliili jiray Daahir Rayaale, waxa Maanta dadka werwerka iyo walbahaarka galiyeyna waa Dawladdaas aan tayada lahayn, oo dalkii iyo dadkiiba ka gufaynayn galdalooliyiinkii looga baahnaa, hogaamin lagu kalsoon yahayna aan muujinayn, wey ku jiraan shaqsiyaad ixtiraam mudan iyo midhadh Wasiiro ah,balse dawladu qof maaha, ee waa nidaam wada socda oo wada shaqayaa, hogaan leh, tayo leh, qorshe leh,  hadaf leh, oo lagu xisaabtamo, balse imika ma aragno, waxa aanu aragnaa shaqsiyaad kala wada socda talooyin kala duwana kala wata”. Dr.Fadal, waxaa uu sida oo kale ka hadlay arrigtidiisa ku aadan la-taliyeyaasha madaxweynaha Somaliland uu dhawaan magacaabay.“Anigu waxa La-taliye Madaxweyne ku tilmaamo oo la dhagaysto oo uu talo ka qaata isma lihi wey jiraan, anigu waxa aan u maleeynayaa taladu dadka la yaqaano kama timaade ee meelo kale ayey ka timaada, La-taliye Madaxweynana waa wakhti lumis,qofka La-taliye lagu magacaabayna waxa aan u haystaa qof la hafray, waayo waxa wax lala taliya marka uu isagu taladda gacanta ku hayo, ee waxa la leeyahayba Odaygu taladda gacanta kuma hayo”.Ayuu yidhi Dr.Maxamed Cismaan Fadal. Xog-hayaha arrimaha dibadda xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Dr.Maxamed Cismaan Fadal, waxaa uu sida oo kale ka hadlay, sida uu arko iscasilaadii wasiir Samaale iyo Abiib Tima-cad, oo dhawaan labaduba iska casilay xilalka wasiirnimo ee wasaaradaha waxbarashada iyo warshadaha Somaliland.  “Cabdicasiis Samaale iyo Abiib Tima-cad sababta ay isku casileen iyaga ayaa garanaya, balse dawladan ayaa ay ka mid ahaayeen, dawladduna dawlad dhaliilan ayey tahay, kooxaha ayeyna ka mid ahaayeen, waxaana u arkaa arimo kooxhaysi”.Ayuu yidhi Dr.Fadal

Dr.Fadal ayaa mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko in Madaxweynuhu ka hor istaago ka mid noqoshada Komishanka ayaa yidhi “Anigu waxa aan ahay Muwaadin u soo shaqayey Somaliland, oo Xisbiga Waddani ayaa I soo xulay, oo yidhi nooga qeyb-gal Komishanka, Shuruudihii la iga baahnaana waan buuxiyey, diyaarna waan u ahaa in aan ka qeyb galo, balse Madaxweynaha ha la weydiiyo sababtuu ii diiday, isaga iyo ceebtiisa, sababta la ii diidayna waxa ay ka mid tahay waxyaabaha badan ee khaldan ee Madaxtooyada ka jira”. Dr.Fadal mar uu ka hadlaayey isbahaysiga Madasha iyo Xisbiyada Mucaaradka ayaa yidhi “Isbahaysiga Madasha iyo Mucaaradku waa Isbahaysi xalaal ah, Isbahaysi danta Somaliland ka dhashay, Isbahaysi werwerka ay Maanta Somaliland marayso  ee xukunkeedii uu sabeeynayo, shuruuceedada aan la fulinayn, Dastuurkeeda aan lagu dhaqmayn,Musuq-maasuqu xadka ka baxay, Doorashooyinkeeda aanay cidi dan ka lahayn, dawladeeda intay haa tidhaahdo dabeedna iska seexaysa ee isku kaashatay, ayey Madasha iyo Mucaaradku isku kaashadeen inay wax ka qabtaan, waxa kale oo ay isku kaashadeen wanaaga waxa ay isku kaashadeen inay Doorashooyinku wakhtigoodii ku dhacaan, waxay isku kaashadeen  in dhibaatada dalka uu hadda ku jiro in aanu ku sii socon, Sharciga wey ilaalinayaan ilaa 26-june, balse marka la gaadho 26-june, oo aan xal kale iman, oo Miiska la soo  wada fadhiisan, lana heshiin,waxa ay isku kaashadeen inay dalka ka nabadgeliyaan sabaynta iyo dayaca”. Dr Fadal ayaa isaga oo fariin u diray Golaha Guurtida iyo Komishanka waxa uu yidhi “Guurtidu waa Hay’ad Qaran, oo Dastuuriya, oo Masuul ah, oo dadka Somaliland meesha u fadhida, waxa tacadiya, wax dadka Somaliland khalad ku ah, inay sameeyso ka fili mayno, waxa aanu filaynaa in Xukuumadda meesha fadhida haddii ay Miiska soo fadhiisan weydo, inay horseed noqoto oo xilka qaadato, oo soo wada fadhiisiso, oo xal aynu ku wada qanacsanahay oo Doorashada wakhti aynu ku gaadhi karno aynu cayimano, Komishankana xil ayaa saaran, hawl hal-bawlo ah ayaa hor taala, haddii ay Dawladdu ka seexatay in aanay iyagu ka seexan weeye, waana inay iyagu Miiska soo saaran wakhtiga ay Doorashadu dhacayso, markaas xal ayaa imanaya” Dr Fadal ayaa mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko Qisaasata ay Xukuumaddu ku bilawday gacan ku dhiiglayaashii dilalka ku xukumay ayaa ku jawaabay “Sharcigii uu hore dalku u lahaa inay wax iska bedelaan uma arko”.