Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr Cali Yuusuf Axmed, ayaa ka hadlay qorshaha Xukuumadda ee ku saabsan wax ka qabashada sicir bararka, waxaanu sheegay inuu aad u soo dhaweeynayo qorshaha Xukuumadda ee ah in cashuurta lagu kordhiyo qaadka, waxaanu xusay in qaadku dhib iyo cudur mooye aanu wax faa’iido ah aanu u lahayn Bulshada, waxaanu Shirkadaha keena qaadka ugu baaqay in aanay iska dhego tirin cashuurtan lagu kordhiyey.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr Cali Yuusuf Axmed,ayaa sidoo kale sheegay in Golaha Wakiiladu diyaar u yahay talaabo kasta oo ay Xukuumaddu wax kaga qabanayso sicir bararka, inay iyana wax kala qabtaan, waxaanu baaq nabadeed u diray labada beelood ee dagaalku dhexmaray, waxaanu ugu horeyn yidhi “Dhinaca Sicir bararka waxaan qabaa inay Xukuumaddu aad iyo aad u asiibtay markay tidhi Jaadka Cashuurta ayaa lagu kordhinayaa, Sicir bararka aafada ugu weyn ee aafada qaran ah, waxa weeyaan Jaadka, maalintiiba dhawr boqol oo kun oo doolar, oo aynu sun ku iibsanay iyo cudur ayaa dibadda inooga baxa, haddii la joojiyana anigu waxaan aaminsan nahay boqolkiiba boqol inuu sicir bararku yaraanayo, qaadka lama joojin karo oo weynu ognahay oo wakhtigan waa dhibaato, laakiin se cashuurtaas lagu kordhiyey waa talaabo hore loo qaaday, waayo dadka cunaa wey yareeysanayaan, waxaan maqlaayey Shirkadaha soo dajiya Jaadka, ayaa qaarkood diideen, horta cashuurahan la kordhiyey Shirkadaha ku dhici mayso, cashuurtu waxay ku dhacaysa qofka isticmaala, ee cunaya, iyagu wey sii bixinayaanuun, marka waxay ila tahay Shirkadaha qudhooda dani uguma jirto, Wadanka dhaqaalihiisu inuu burburo, markaas waa inay ogoladaan,cashuurtana si tartiib-tartiiba loo kordhiyo, oo mar kaliya aan halka ugu sareeya la gaadhine, oo matalan lagu bilaabo boqolkiiba konton,boqolkiiba shan iyo todobaatan, uu sidaas noqdo, ilaa dadka ay cunayaan yaraadaan”.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Wakiilada oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Cuduro fara badan buu qaadkani keensadaa, dhiiga ayuu kiciyaa, kolkaas waxa loo baahan yahay in dhakhtarada lagu xoojiyo, qofku marka uu qaadka badsado ee uu xanuunsado, waxa loola ordayaa dhakhtarka dhakhtarkii haddii aan dhaqaale fiican aan la siin waxba kama qaban karayaan caafimaadkiisa, waxaana qabaa talabaadaasi inay tahay talaabo saliima ah, anigu waan ku doodi jiray in jaadka wax laga qabto, sicir bararka ugu weyna waa isaga”.
Mar uu ka hadlaayey Sicir bararka iyo doorka Golahooda ayaa yidhi “Xukuumadda waanu kala shaqeeyan doonaa sicir bararka, imika fasax baanu ku jirnaa, marka fasaxa laga soo noqdo, ee Golaha la soo dhigo, waa laga doodi doonaa insha allaahu, talana waa laga gaadhi doona”
Mar uu ka hadlaayey dhibaatadii ka dhacday Deegaanka Dararweyne ayaa yidhi “Tan Ceel-afweyn waa nasiib daro weyn, wakhti abaar lagu jiro, abaar saddex sanno jirsatay ayaa lagu jiraa, dadkan dagaalamayaa waa inay u naxaan maatida iyo caruurta ay dushooda ku dagaalamayaan, iyagoo abaar ku jir, colna ugu darayaan oo la qaxayo, waa inay ka damqadaan, Diinta islaamku waxay leedahay qofka muslimka ah ee dagaalama, ka wax dila iyo ka la dilaba, waa ehelu naar, waayo waa dad islaam ah, waa inay aakhiradooda u baqaan, dadkii dhintay waxaanu leenahay IILLAAHAY ha u naxariisto, inta ku dhaawacan tayna ILLAAHAY caafimaad ha siiyo, Ceel Afweyn iyo Dararweyne, markaas waa in colaadana la joojiyo, Xukuumaddu talaabo wanaagsan bay ka qaaday, in la kala dhex galo, laakiin waa dad wada degan oo isku abtiyo iyo adeera, isku seediya, oo xidida, dad meel walba wada degan askar meel walba lama dhigi karo, waxaan soo jeedinayaa inuu caqligu shaqeeyo, oo Odayaashu kala dhex galaan, oo ILLAAHAY ha inaga qaboojiyo colaadaas oo in badan soo noq-noqotay, aanay mar dambe inagu soo noqon”