Dr. Cali Yuusuf Oo Ka Hadlay Dacaayado Laga Faafiyay Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha

0
546

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr  Cali Yuusuf Axmed ayaa ka hadlay qaadashada kaadhka Diiwaangelinta Gobolka Maroodi-jeex oo gaabis badani ka muuqdo, waxanu sheegay in Diiwaangelinta laga fidiyey hadalo been abuur ah iyo daacayado, waxaanu ku taliyey in kaadhka ka qaato.

1

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr  Cali Yuusuf Axmed oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Bulshada reer Somaliland meel kasta oo ay joogto kula taliyey inay muujiyaan madax banaanidooda iyo qaranimadooda, si balaadhana u xusaan xuska sannad guurada 25-aad ee kasoo wareegtay madax banaanida Somaliland ee 18-may"Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Diiwaangelintii si gaabis ah ayey uga socotaa, madaama ay Hargeysi tahay Caasimaddii iyo Magaalo madaxdii dalka, waxa loo baahnaa in dadku si wanaagsan isku diiwaangeliyaan, waxaana Diiwaangelintii lagu soo dhex tuuray dacaayado  raqiis ah, waxaana Dhalinyaradii lagu yidhi qofka is diiwaangaliya ee tahriiba, ee wadan kale qabta, farihiisa ayaa laga helayaa, waxaas wax ka jiraa ma jiro, Diiwaangelintu inaga ayey inoo gooni tahay, sirteedana inaga oo qudha ayaa haysana, marka in la is diiwaangaliyo ayaa wanaagsan, qof walba oo muwaadin ah oo dasuurku u ogaaladay inuu codeeyo, xaq ayuu u leeyahay inuu kaadhka diiwaangelinta cod bixinta qaato, xaq buu u leeyahay inuu u codeeyo ciduu doono, Diiwaangelintana waa Diiwaangelintii ugu quruxda badnayd, maxaa yeelay mar mooye mar labaad qofku ma qaadan karo, si sharciyana wey u socotaa, sidaas awgeed dadweynaha reer Hargeysa waxaan kula talinayaa inay is diiwaangaliyaan, waayo haddii uu qofku doonayo inuu Madaxweyne doorto, haddii wuu doonayo inuu Xildhibaan doorto, qofka kaadhka diiwaangelinta haysta ayaa wax dooran kara.

Ta kale haddii wadan doorasho ka dhacayso waa in dadka wadankaas ku nooli boqolkiiba konton (50%), ay codeeyaan, haddii uu ka hooseeyo codkaasi mid sax ah noqon maayo, si ay Doorashado u gaadho boqolkiiba konton, waa in Diiwaangelintu noqotaa ugu yaraan ilaa iyo boqolkiiba todobaatan, maxa yeelay waxa jira dad iyagu hadhaw aan iman karin, waxaanaan dadka ku boorinayaa inay kaadhkaas qaatan, si ay Doorashadu inoogu noqoto mid xor iyo xalaal inoogu dhacda".

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Wakiilada ayaa mar uu ka hadlaayey xuska 18-may wuxuu yidhi "Waa fursad wanaagsan inaynu xusno sannad guuradii 25-aad ee ka soo wareegtay madax baaninada Somaliland, 18-mayna waa xoriyadeenii aynu la soo noqonay, ee inaga luntay  ee 26-june aynu qaadanay, shan maalmood oo keliya ayeynu xor ahayn markaas ayeynu Somaliya isku biirnay, taasina Somali jecayl ayey ahayd, laakiin Somali jacaylkii iyo doonitaankii aynu doonaynay in shanta Somali meel kasta oo ay joogaan inay isku biiraan waa la garan waayey, wixii inagu dhacay ee ahaa burburkii, dhicii, dilkii iyo qaxiina waa la ogaa, markii ay dhibaatooyinkaasi inagu dhaceen ayaa halgan weyn ka bacdi ayeynu dib ula soo laabanay qaranimadeenii iyo dawladnimadeenii, markaas madaama aynu 25-jirsanay, waxaa loo baahan yahay in 18-may la weyneeyo, oo meel kasta oo dadka reer Somaliland joogaan muujiyaan qadiyadooda, haddii ALLE yidhaahdana ictiraafku wuu iman doonaa".

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Wakiilada Dr Cali Yuusuf Axmed ayaa dhanka kale wuxuu Bulshada kula taliyey inay ka faa'iidaystaan khayraadka dalka, oo wax soo saar la sameeyo, isla markaana Kalluunka Baddaha ku jira laga faa'iidaysto, waxaanu Bulshada kula taliyey inay isku duubnadaan.