Dr. Cali Yuusuf Iyo Lafo-gurka Daawada Sicir Bararka Taagan

0
626

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada Dr Cali Yuusuf Axmed ayaa ka hadlay sicir bararka muddooyinkii ugu dambeeyey dalka ka jiray, waxyaabaha keenay iyo sida ugu wanaagsan ee looga bixi karo Sicir bararka, waxaanu ku taliyey in waxyaabaha dalka laga dhoofinayo la badiyo, oo lagu daro Kalluunka, Beenyada iyo wixii la mid ah, waxa kale oo uu ku baaqay in la joojiyo waxyabaha aan daruuriga ahayn ee dalka loo soo dhoofiyo sida Qaadka oo uu sheegay in aanu muhiim ahayn.

ccccccccccccc

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada Dr Cali Yuusuf Axmed oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan

"Sicir bararku inta badan Dawladdaha soo koraya wuu sameeya, Dawladdaha xitaa horumaray mararka qaar wuu sameeya, waxaana keena Sicir bararka waxa aad dhoofinayso iyo waxa aad soo dhoofsanayso ee aad dibadaha ka keenayso haddii ay kala bataan, oo waxa aad dabada ka keenayso uu ka fara badato waxa aad dhoofinayso, waayo marka uu shilinku bato qof walba waxa uu ku odhanayaa ma haysa dollar,marka dollarkii wuu kacayaa,  inaga waxa aynu dhoofino waxa u badan Xoolo nool, sannadkana abaaro ayaa iska jiray, dagaaladii Yemen ka dhacay ayaa sidoo kale samaayn ku lahaa dhoofkii Xoolaha, halkaasna waxa aan filayaa hoos u dhac ayaa ka yimid.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Dhinaca kale waxa aynu dabada ka soo dhoofsano wey fara badan yihiin, oo wax aynu u baahan ahay iyo wax ayeynaan u baahnayn labaduba wey jiraan, waxa aan loo baahnayn ee aan daruuriga ahayn waxa ka mid ah Qaadka iyo Sigaarka, Qaadkana lacag aad u fara badan ayaa inagaga baxda, lacagta qaadka inagaga baxdaa waxa ay ka fara badan tahay lacagta inaga soo gasha Xoolaha nool, kolkaas hadii la yareeyo waxyaabahaas aan daruuriga ahayn Sicir bararku wuu baaba’ayaa, waaxa nasib daro ah in qoyska dan yar oo laga yaabo in maalintii Aabuhu ku qaliyo labatan ama sodon kun oo reerkaas u noqon lahaa Biil fiican, oo Raashinka reerkiisa ka badnaan lahayd, , Raashinkii dollar ahaan muu qaaliyoobin, ee shilin ahaan ayuu qaaliyoobay, maxa yeelay shilinkeenii ayaa jabay, markaas waxa wacan in la abaaro meelahe ayaa keenay in dollarku qaaliyoobo, lacagteenuna ay jabto".

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada ayaa mar uu ka hadlaayey waxyaabaha kale ee keena Sicir bararka ayaa yidhi "waxa kae oo sicir bararka keeni kara haddii Xukuumadda shaqaalaheedu bato, oo Shilin fara badani suuqa soo galo, oo IMF iyo Baanka Adduunku had iyo jeer dawladdaha uu sidaas SIcir bararku ugu dhaco waxa ay kula taliyaan kharashka dhima, shaqaalaha yareeya, waana dawo qadhaadh, inaga iyada oo dadkii bilaa shaqo yihiin in  la yidhaahdo dhima shaqaalaha; kacdoona ayaa imanaya oo wax fudud maaha, markaas waxa ay aniga ila tahay in dib loogu noqdo oo meelaha ay lacagta fara badani inagaga baxayso dib loogu noqdo, mida kale waa inaynu ku dadaalnaa waxyaabaha aynu dhoofin karno, bad dheer ayeynu leenahay, Kalluun fara badan ayaa ku jira, Kalluunkaasna haddi aynu dhoofino waxa uu noqon lahaa dakhli kale oo inoo soo kordha, oo lacag adag ayaa dibada inaga soo gali lahayd, sida Beenyada iyo Dalxiiska ayaa iyana ka qayb qaadan lahaa dhaqaalaha dalka".

Dr Cali Yuusuf ayaa mar uu ka hadlaayey Baanka wuxuu  yidhi "Anigu ma qabo in Baankuun lagu mashquulo, maxa yeelay haddii uu Baanku aanu lacag adag hayn ma yarayn karo sicir bararka, oo haddii lacagta  ay Xukuumaddu ama Dawladdu u baahan tahay in dibada wax lagaga soo iibiyo suuqa lagu soo daayo, maalinta dambe wey istaagaysaa".