Hargeysa(Geeska)-Dr. Cabdi Daahir Cilmi, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Caaqilno ee Beesha uu ka soo jeedo ee Ugaadh Abokor ee beelaha Sacad Muuse oo uu muddo badan xilkaas hayay.
Dr. Cabdi Daahir, ayaa qoraal uu shalay soo saaray oo uu ku socodsiiyay Suldaanka Beesha Ugaadh Abokor iyo wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, oo uu nuqul ka mid ah Geeska Afrika soo gaadhsiiyay wuxuu ku yidhi sidan “Alxamdulilaahi Rabil Caalamiin, mahad oo dhami Allaah ayay u sugnaatay.
Waxan halkan ka salaamayaa salaamaya dhamaan umaddaha islaamka ah meel kasta oo ay joogaan(ASALAAMU CALAYKUM) gaar ahaan ummadda soomaalilaand meel kasata oo ay joogaan wadanka gudihiisa iy dibadiisaba.
Waxan maqaalkan manta qalinka u dul saaray inaan dhamaan ummadda Soomaalilaand isa saamaxno waxii dhib aanu isu gaysanay af iyo adinba. Xagayga ummda soomaalilaand if iyo aakhiro waa iga saamax, aniguna waxan idiinka marti ahay sidoo kale.
Maanta oo ay taariikhdu tahay sanadka hijriyada ama bisha carabiga ahi tahay Dulqicda 21/11/1437. Waxaan ka ruqsaystay Jiif caaqilnimada Beesha Ugaadh Abokor ama Cabdikarim Ugaadh Abokor (Sacad Muuse). Sidaa darteed waxaan ogsiinayaa Suldaanka guud ee Ugaadh Abokor (Suldaan Maxamed Daahir), cuqaasha Beesha Ugaadh Abokor iyo dhamaan cidiii aqoon ii leh inaan maanta oo ay taariikhu tahay 24/08/2016 aan iskay uga ruqsaysatay Jiif caaqilkii aan Beesha ugaadh u ahaa, manta wixii ka dambeeya aanaan ahayn caaqil, is aan ahay muruqmaal.
Waxan halkan mahad uga celinyaa dhamaan cidii iyo wasaardahii wada shaqayntu naga dhaxaysay iyo sidii wanaagsanayd ee aanu u wada shaqaynay.
Inigoo usbuuca dambe xajka tagaya hadii Allaah ogolaadu, waxan goosatay inaan xilkan ka tago, isuna soo ducayno.
Hadaba waxan hawsha u dhaafi doona Suldaanka Beesha ugaadh Abokor, cuqaasha oo ka tashandoona sida ay jagadan u buuxin doonaan.”