-Hadba qodob la yaab liyo.
-Qubanaha dharaartiyo.
-Ma hadhooyin qorayaa? Hadraawi.
Nasiib-darooyinka qaarkood, sida xadhigii Dr Faadumo Sh Jimcaale ee ka hawl-galaysay Cisbitaalka Maandhaye ee Burco, iyo caruurtii yaryarayd ee Yemen ka soo qaxday, ee badda lagu hor joogsaday iyaka oo gaajoonaaya, idaacadaha uun baa aan ka maqlay, tan se goob-joog baa aan u ahaa. Axaddii (27 September), oo ahayd maalintii xabsiga loo taxaabay dhalinta ka tirsan koox-faneedka Xidigaha Geeska, waxa aan joogay Madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa. Waxa aan soo dhawaynaayay asxaabta midkood oo ka imaanayay Muqdisho, kuna sii jeeday Wisconsin, USA. Saraakiisha madarka oo qaarkood aan la joogay kolkii dhalinta la xidhayay, waxa ay ii sheegeen in ay kooxdu gabi ahantood ba wada siteen baasaaboorro Djibouti ah.
Kolkii ay diyaradda ka soo dageen ba, laamiga ay diyaaraddu istaagto ayaa baabuur loogu geeyay, xabsiga ayaa na loo taxaabay. Maanta oo Salaasa ah, )29 September) ayaa maxkamad la keenay iyaka oo dhalintii wada katiinadaysan sida gacan-ku-dhiiglayaasha, waxaana soo baxday in qaabka loo soo qabqabtay uu qaanuunka garab-marsanaa, isla markaana aan dacwaddooda la dhagaysan Karin. Run ahaan qaabka loo xidhay oo kaliya ma aha qaladku,ee xataa in la xidhayba, iyada oo eeddu ay tahay Muqdisho ayaa ay aadeen ayaa qalad ah. Haa, waa qalad, wax sharci ah na ma ku fadhido, kol hadii aanu sharci ku fadhiyin na, waxa aynu ugu yeedhaynaa af-duub. Dadweyne tiro badan, oo ganacsato, culimo, wakiilada ururada samafalka, iyo ardayba leh ayaa mar kasta iyo maalin kastaba Muqdisho u safra, kana soo noqda, cidina dambi uma qabsato, sax na ma aha in loo qabsadoba, maxaa yeelay sharci sidaas diidayaa ma jiro. Kooxda Xidigaha Geesku waxa ay doonayaan, kuna saxanyihiin, in ay Geeska Afrika ee ay magaciisa sheegteen, oo ah dhulka ay Soomaalidu dagto ku faafaan, laakiin Somaliland waxa ay leedahay, Hargeysa ha dhaafina.
Doodda ah in la xabbiso qof kasta oo Somaliland ka soo jeeda, oo Muqdisho taga, waxa loo cuskadaa xeer aan badiyaa cidi dhaqan gelinin, gabi ahaantiis na loo dejiyay ciddii ama kooxdii ujeedo siyaasad ku saabsan, hadda waa siyaasad uun, u aadda Soomaaliya. Bal u fiirso, qoraalka xeerkan, oo soo baxay October 2003, waxa uu u dhiganyahay sedan: “In cid alaale iyo cidii ku abtirsata Somaliland, dawladd, shicib, Afraad, Ururo, Axsaab, NGO-yada, Aqoon ayahanada, Madaxdhaqameedyada, Suugaan yahanada iyo dhamaanba noocyada ururada Bulshada aanay sinaba uga qayb gali Karin shir kasta iyo arin kasta oo lagaga hadlayo Hindisayaasha Somalia ama lagu heshiisiinayo dhinac ka mid ah kooxaha Somalia ama iyagoo isku dhanba.” Haa, sidaas baa uu xeerku u hadlayaa, mana loo cuskan karo afduubka dhalintan. Sida oo kale, sharci diidaaya in calanka Soomaaliya la huwado ama la barkado ma jiro. Wixii qof ama qofaf ay u arkaan qalad, aanu se xeer ka dagsanayni dambi la isku xidho ma noqon karo. Sida oo kale, dhalintani kolka ay safrayaan, waxa ay wateen baasaaboorro Djibouti, ma aha mid Somaliland. Taas macnaheedu waxa weeyaan, in muwaadiniin wadan kale la iska xidhay.
Kalmadda “Suugaanyahanno” ayaa xeerka ku sheegan, malaha taas ayaa ayna u cuskanayaan xabsiga dhalintan, laakiin “Suugaanyahanku waa marka uu wado amuuro siyaasad la xidhiidha uun, ma aha mar kastaba. Qofkii xeerkaas u akhriya qaabka ah, qof kasta oo Muqdisho aadda waa in la xabbiso, waa qof mirqaansan. Haa, waa qof mirqaansan. Mirqaanku waa midka balwaddu keento, amaba midka caadifaddu keento, kii uu yahayba se waa nasiib-darro. Qof kasta ayaa Muqdisho u safra, dadkaas oo dhan na lama xidhi karo, cidina ma xidhato. Masuuuliyiin Soomaaliya ka socda ayaa Hargeysa yimaadda, dawladdu na waa ogtahay. Masuuliiin Somaliland ka tirsan baa Xamar taga, hadh iyo habeen na tel ka ayaa ay kula hadlaan, cidina wax ma u dirato. Ciyaar caruureedda ha la iska dhaafo.
Guntii iyo gabagabadii, tasarufka noocan ahi waa mid Somaliland-ceebays ah, dadka dhaqankan taageersani na, gudo iyo debedba, Somaliland wax baa ay u dimayaan, waa ay se ceeboobayaan mar kastaba. Waxa soo dhawaanaysa fashilkooda, iyaka ayaana soo dadajinaaya. Sida runtu tahay, aqlabiyadda bulshaddu dhaqankan waa ay necbaysteen, diidmadoda na meel kasta waa ay ku muujinayaan. Makhaayadaha, saxaafadda, iyo baraha xidhiidhka bulshada (Social media) intaba waxa ka socda baaqyo ceebayn iyo cambaarayn ah, waana wax lagu diirsado. Sidaas oo ay tahay, waxa jira kooxo aan tiro badnayn oo qaladka noocan ah, iyo qalad kasta oo la jaad ah ba taageersan. Kooxahaas, oo u badan qurbe-joog, waxa koow ka ah, Somaliland Society Europe )SSE), oo ay mararka qaarkood si guracan wadanaiyaddu u gasho. Mararkaas hog-seegga ah waxa ka mid ah markan oo ay soo saareen baaq ay ku taageereen xabsiga dhalinta. Taas ma la yaabaayo, maxaa yeelay waxyaabo ka sii daran baa aan ku ogahay saaxiibaday.
Waxa aan u soo joogay badtamihii sanaddii 2011, iyada oo magaalada London shir lagu qabtay ay ku diidanaayeen mashruuc lagu dhisaayay cisbitaalka caruurta ee Dr Maxamed Aadan Sheekh. Nasiib wanaag cisbitaalkii waxa laga furay magaalada Hargeysa January 2013, aad na waa loogu reeyay dhab ahaan. Ninka ilmihiisa oo wadnuhu daloolo la geeyay, ee lagu daaweeyay ayuunbaa macnihiisa garan kara. Dhalinta Reer-SSE waxa ay waagaas ku doodaayeen, in aan cisbitaalkaas laga dhisin Hargeysa, sababtu na waxa ay ahayd, kol hadii aanu ninka cisbitaalka taladiisa lahaa, ee loogu magic-darayaa aanu ka soo jeedin Somaliland, waa in aan la keenin Somaliland, oo taas bedelkeeda na la geeyo meelihii uu dhalasho ahaan ka soo jeeday. Mrs Felicita Torriell, oo ah xaaskii Marxuum Dr Maxamed Aadan uu ka dhintay, iyo kooxdii Talyaaniga ahayd ee warbixinta cisbitaalka na siinaysay, oo filaayay mahadnaq, ayaa waji-gabax la luuday, laakiin ma ay niyad jabin. Dadka qarkii, oo aan ka mid ahaa baa aad ugu mahad naqay, kuna amaanay shaqada ay hayaan. Al-muhim, umad kastaaba in badan oo miyir-qabta, iyo in yar oo maro-ku-dheg ah waa ay leedahay, Somaliland na waa ka mid uun. Waxa la joogaa xiligii uu caqligu talin lahaa, ee ceebtani ay joogsan lahayd.
Waa: M. Haaruun – mbiixi@gmail.com