Dilkii Usaama Bin Laadin: Buug Daaha Ka Rogaya Runtii Uu Maamulka Obama Qariyey Kamaal A. Cali (3)

0
616

1Dooddaas adag ee sirdoonku ka yeeshay shakiga uu Obama qabay, waxaa ka soo baxay in bartilmaameedka koowaad ee sirdoonka Maraykanku uu noqdo sidii ay u soo heli lahaayeen dheecaanka DNA-ga ee cidda gurigan deggen, si ay u hubiyaan in Usaama Bin Laadin uu ka mid yahay. Dhinaca kalana intii weli lagu gudo jiray dabayaaqada xilligii deyrta ee sannadkaas 2010 ka, Maraykanku waxa uu awood weyn saaray sidii uu ugu qancin lahaa taliyaha sare ee ciidamada qalabka sida ee Baakistaan iyo taliyaha Sirdoonka in ay ka soo tanaasulaan mawqifkaas diidmada qayaxan ahaa, oo ay ogolaadaan wada-shaqayn iyo wixii jira oo la isu qiro. Labadan masuul ayaa sirdoonka Maryakanku uu si cad ugala hadlay arrinta Usaama Bin Laadin, iyaga oo u shegaya in ay heleen xog sirdoon oo muujinaysa in Kaamboolkaas guryaha ku dhex yaalla dadka ku nool uu ka mid yahay shakhsi aad u muhiim ah, sidaa awgeed ay u sheegaan wixii xog ay arrintaas ka hayaan.

Sarkaalkii sirdoonka Baakistaan ka tirsanaan jiray ee warka siinayey CIA waxa uu sheegay in Bin Laadin intii u dhexeysay sannadihii 2001dii illaa 2006dii uu si qarsoodi ah ugu noolaa buuraha Hindu Kush oo ah buuro silsilad ah oo dhereran 8 boqol oo kiiloo mitir oo u dhexeeya badhtamaha Afgaanistaan illaa woqooyiga dalka Baakistaan, halkaas oo ay kula noolaayeen qaar ka mid ah xaasaskiisa iyo carruurtiisu. Laakiin sannadkii 2006 ayaa sirdoonka Baakistaan ee ISI ay soo qabteen Usaama kadib markii ay laaluusheen dad deegaanka ah oo ku wacad furay Usaama, kuna soo hoggaamiyey ISI da.

Jonathon Bank (Xohayaha sirdoonka ee safaaradda Maraykanku ku leeyahay Baakistan) waxa kale oo loo sheegay in Usaama markaas la qabtay uu aad u xanuunsanayey, sidaa awgeed uu Sirdoonka Baakistan amar ku siiyey Dr. Amiir Casiis oo ah Janaraal dhakhtar ah oo ka tirsan milateriga Baakistaan in uu u guuro meel ka agdhow Usaama oo uu daweeyo. Usaama aakhirkii waa uu bogsaday in kasta oo uu muddo sii bukay, xitaa intii uu gurigan Abbottabad ku jiray.

“Muddo badan naguma ay qaadan in aan sirdoonka Baakistaan ka helno caawimadii aanu uga baahnayn, waayo qudhoodu waxa ay doonayeen in aanu u xaqiijinno sii wadista caawimadii milateri ee Maraykanku siinayey, taas oo xaddi fiican oo ka mid ahi uu ku baxo maalgelinta dagaalka ka dhanka ah argagaxisada, saraakiisha sare ee ISI qudhoodana ay ugu jirtay faa’idooyin ay ka mid tahay in ammaankooda la xoojiyo, sida in loo iibiyo baaburuta quruxda badan ee aanay xabbaddu karin, Ilaalo amnigiisa sugta oo tayo badan iyo in guryo u gaar ah loo dhiso” sidaa waxaa xaqiijiyey sarkaal ka hawlgabay sirdoonka Maraykanka. Isaga oo weliba intaas ku sii daray in ay jireen waxyaabo intaas ka sii badan oo miiska hoostiisa la isku weydaarsado, sida in Waaxda difaaca ee Maraykanku ay sanduuqeeda dhaqaalaha gunnooyin fiican uga samayso saraakiisha sare ee ciidamada Baakistaan.

Laakiin sida uu Hersh qoraalkiisan ku sheegay sirdoonka Maraykanku marka uu wada hadalladan la galayey sirdoonka iyo saraakiisha milateriga ee Baakistaan, dhinaca jilicsan uun ma’ ay taagnayn oo ballan-qaadyadaas iyo abaalmarinaha Maraykanku bixinayo oo qudha ma’ ay tirinaynahayn, balse dhinaca kalana waxa ay ka tusayeen cawaaqib xumada Baakistaan ka raaci karta arrintan, si saraakiisha Baakistaan ay u arkaan in Maraykanku gacanna daba-case ku sito gacanna soodh. Sidaa awgeed Maraykanku waxa ay sirdoonka Baakistaan ugu hanjabayeen in haddii ay is afgarad diidaan iyaguna dhankooda fashilin doonaan in Baakistaan ay weligeedba dhulkeeda ku qarsanasay nina dunida oo dhami raadinayso. Arrintaas oo ugu yaraan markan aanay Baakistaan diyaar u ahayn, maadaama oo ay xidhiidh fiican la’ lahayd Daalibaanta Afgaanistaan iyo ururro kale oo Jihaadi ah, ma’ay doonayn in ay ogaadaan in Baakistaan ay ku wacad furtay oo iyadu ay qabatay Usaama, weliba xabsi guri ku hayso, markii dambana Maraykan ku soo hagtay. Hersh waxa uu sheegayaa in sababta kale ee Baakistaan warwarka ku haysay ay ahayd boqortooyada Sucuudiga, oo uu sheegay in ay iyadu maalgelinaysay ilaalinta iyo xabsiguri ku haynta Usaama Bin Laadin tan iyo markii ay Baakistaantu gacanta ku dhigeen. Sarkaalka sirdoonka Maraykanka ka tirsanaan jiray oo u waramay Hersh waxa uu sheegay in Sucuudigu aanu doonayn in Baakistaan ay noo sheegto in ay gacanta ku hayso Bin Laadin, waayo waxa uu ahaa muwaadin Sucuudi ah” sidaa awgeed ma’ay doonayn in uu dalkaas gacanta u galo si aanay muwaadiniinteedu u dareemin in aanay dawladdoodu awood u lahayn in ay iyadu la xisaabtanto dadkeeda. “Sucuudigu waxa uu Baaksitaanta u sheegay in ay qariyaan arrinta Usaama, waxa ay ka cabsi qabeen in haddii aanu ogaanno joogitaankiisa Baakistaan, aanu culays ku saari karno Baakistaanta in ugu yaraan ay noo fasaxaan in aanu la kulanno Bin Laadin, si aanu waraysiyo uga qaadno oo ay suurtogal tahay in aanu ka helno xog la xidhiidha in dhaqaale badan uu jihaadkiisu ka helo dadka Sucuudiga ah ee dhaqaalaha badan haysta” ayaa uu yidhi sarkaalkan hawlgabka ahaa.

Ugu dambayntii Baakistaantu waxa ay ku qanceen in ay arrinta Usaama kala shaqeeyaan Maraykanka laakiin qaabka loo gelayo la isla eego, taas beddelkeedana Baakistaan lagu soo burqiyo caawimo Milateri oo aad u badan, gaar ahaan dhinaca farsamada milateriga ee casriga ah.

Wax yaabaha kale ee Baakistaan ay arrintani u suurtogelisay waxaa ka mid ah in Maraykanku uu ka aamuso una garaabo aaminsanaanta ay qabeen saraakiisha sare ee sirdoonka Baakistaan ee ahayd in xidhiidh ay la yeeshaan Daalibaanta Afghaanistaan, ay muhiim u tahay amniga Qaranka ee Baakistaan. ISI waxa ay doonaysay in ay dheellitirto xidhiidhka adag ee deriskeeda ay colka yihiin (Hindiya) la yeesheen dawladda Afgaanistaan. Si kastaba ha ahaato ee Maraykanku ma’ uu doonayn in arrintan Usaama iyo arrin kale oo kastaaba ay sabab u noqoto in uu xumaado xidhiidhka uu la leeyahay Baakistaan. Waxaa aan marnaba maskaxda laga saari karin in Baakistaan oo leh awoodda Nukliyeerka, ay inta badan warbaahinta reer galbeedku Hubkeeda Nukliyeerka ku tilmaamaan, Bambka Islaamiga ah, iyaga oo taas uga gol leh in hubkani uu sababi karo in Baakistaan ay qayb ka noqoto quwadaha ku loollamaya Bariga dhex, gaar ahaan haddiii ay colaadi ka dhex qaraxdo Israa’iil iyo dalalka bariga dhexe oo Sucuudigu ugu horreeyo. Laga soo bilaabo markii sannadihii Toddobaatanaadkii ay Baakistaan bilowday in ay dhisto awooddeeda dhinaca hubka iyo qalabka miilateriga oo samayska Nukliyeerku ka mid yahay, illaa maanta oo la tuhmayo in ay Baakistaan haysato in ka badan Boqol madaxdayada Nukliyeerka ah, Maraykanku waxa uu garwaaqsaday in amniga Maraykan uu ku xidhan yahay in uu xidhiidh milateri iyo sirdoon oo adag la yeesho Baaksitaan. Arrintaas oo guulaysatay dhinaca Baakistaanna aad uga hirgashay.

“Ciidamada Baakistaan waxa ay aaminsan yihiin in ay qoys keliya yihiin” ayaa uu yidhi sarkaalka hawlgabka ahaa, isaga oo itnaas ku sii daray, “Saraakiisha iyo taliyeyaashuu waxa ay askarta hoose ugu yeedhaan ubadkoodii, dhammaan saraakiishuna waxa ay isula dhaqmaan sida walaalaha. Arrintaas oo aad ay ugaga duwan yihiin Milateriga Maraykanka. Sarkaakiisha sare ee ciidamada Baakistaan waxa ay aaminsan yihiin in ay yihiin wax-garadkii iyo labeentii umaddooda, sidaas awgeedna uu xil ka saaran yahay in ay dadkooda ilaaliyaan, oo xitaa ay ka ilaaliyaan dabka kaga imanaya muslimiinta xagjirka ah. Dhinaca kalana Baakistaantu waxa ay aaminsan yihiin xiddhiidh adag oo ay la yeeshaan Maraykanku uu yahay hub adag oo ay kaga hortegi karaan in uu daandaansi kaga yimaaddo Hindiya” La soco…..