Diiwaangelintii Codbixiyayaasha Oo Ay Ahayd Inay Toddobaadkan Bilaabanto Oo Dib U Dhacaysa

0
495

Picture7

Hargeysa(Geeska)-Salaasada toddobaadkan oo ay taariikhdu tahay 21 July 2015, waxa ay ku beegantahay maalintii hore loogu asteeyay inay bilaabanto diiwaangelinta cod bixiyayaasha doorashooyinka Somaliland, waxase muuqata inay dib u dhacday.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa bishii April digreeto Madaxweyne oo uu soo saaray waxa uu ku muddeeyay  in diiwaangelinta cod bixiyayaashu gobalada iyo dalka Somaliland ka bilaabanto 21/7/2015, ka dib markii ay guddiga doorashadu Madaxweynaha u soo jeediyeen inuu muddeeyo bilowga diiwaangelinta.

Hase yeeshe ma jirto wax diiwaangelin ah oo wadanka ka bilaabmaysaa. Ma jiro wax war ah oo guddiga doorashada ka soo  baxay oo ku saabsan dib u dhaca diiwaangelinta cod bixiyayaasha. Hase yeeshee Sababta koowaad ee dib u dhaca keentay ayaa ah khilaafka ka taagan qabsoomida doorashooyinka iyadoo uu xeerka doorashooyinku dhigayo in diiwaangelinta cod bixiyayaasha la dhammaystiro lix bilood ka hor doorashada qabsoomaysa.

Guddiga doorashooyinka ayaa la filayaa inay ka hadlaan dib u dhaca ku yimid diiwaangelinta cod bixiyayaasha, waxaana la filayaa inay maanta saxaafada la hadlaan.