Dib-U-Milicsi Taariikhdii Hore ee Somaliland iyo Turkiga & Farriinta Dr Maxamed-Rashiid Ee Madaxweynaha Turkiga

0
1061

Picture3Waxaan doonayaa in an xusuusta shacabka Somaliland iyo dawladda Turkiga dib ugu soo celiyo taariikhda fog ee u dhaxaysa Somaliland iyo dalka Turkiga.

Cahdigii Boqortooyadii Cusmaaniyiinta (Ottoman Empire), Somaliland waxay ka mid ahayd wadamadii ku hoos jiray xukunkii Boqortooyadaas iyada oo ay Masar wakiil uga ahayd. Aasaartii iyo hadhaagii taariikhiga ahaa ee ka hadhay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ayaa dadka reer Somaliland, gaar ahaan dadka ku nool magaalooyinka xeebuhu, ay wali intifaacsadaan.

Hadhaagan ayaa muujinaya afar qodob oo inoo iftiiminaya xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhaxeeya Somaliland iyo Turkiga. Qodobadaas oo kala ah:

Turkigu waxa uu magaalo xeebeedka Berbera oo ay ku taalo dekadda ugu weyn Somaliland ka dhisay laba dhisme oo taariikhi ah. Dhismaha koowaad waa masaajid wali bad qaba oo dadka reer Berbera ku tukadaan. Masaajidkan waxa loogu magac daray dawladda Turkiga, waxaana la yidhaa Masaajidka Turkiga. Dhismaha kale waa ceelka magaalada Berbera ay ka hesho biyaha ay cabto. Waxaana ceelkaas lagu magacaabaa Dubaar, waxa uuna magaalada Berbera u jiraa shan kilomitir.  Waxa muhiim ah in aan xuso in magaalada Saylac lagu daray Boqortooyadii Cusmaaniyiinta sannadkii 1548. Sababta ugu muhiimsani waxa ay ahayd in magaalada Saylac ay ku taalo boqcad muhiim ah oo ku taal Badda Cas, taas oo waliba u dhow marinka Baab al-Mandab oo ah marin muhiim u ah Bariga. Saylac waxa ay muddo ka badan 300 oo sanno la lahayd xidhiidh ganacsi ganacsato ka soo jeeda Carabta, Beershiya iyo xitaa Hindiya.

Waxa kale oo xusid mudan dhaqanka iyo waxbarashada Islaamiga ah oo ku tusaya xidhiidhka Muslinimo ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Turkiga iyo fanka Turkiga oo kuu muujinaya xidhiidhka taariikheed ee u dhaxeeya labada dal.

Sidoo kale, wakhtigaas Boqortooyadii Cusmaaniyiintu ay ka talinaysay caalamka, ganacsi balaadhan oo la xidhiidha dharka, cuntada iyo qalabka dhismaha ayaa ka dhaxeeyay magaalooyin badan oo Somaliland ah iyo Boqortooyadaas.

Laga bilaabo qarnigii 15aad illaa dhammaadkii qarnigii 19aad, Somaliland waxay Boqortooyadii Turkiga u ahayd goob muhiim ah (Strategic) oo ay ku leeyihiin Bariga Afrika. Wakhtigaas Boqortooyada Cusmaaniyiintu waxa ay taageero u muujiyeen guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Farriin Ku Socota Madaxweynaha Cusub ee Turkiga

Marka hore waxa aan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha cusub ee Turkiga, Recep Tayyip Erdogan. Waxaan Illaahay uga baryayaa in uu u fududeeyo xilka culus ee uu qaaday. Marka labaad waxa aan u sheegayaa in Somaliland ay tahay wadan ka mid ah adduunka. Waxayna xornimadeeda dib ula soo noqotay 1991, kadib markii ay ku hungowday midowgii hore ee ay la samaysay Soomaaliya, kaas oo ay Somaliland gadhwadeen ka ahayd. Haddaba, xaqiiqdu waxa ay tahay madaxweynaha Turkiga iyo Beesha Caalamka oo aad ugu dadaalaya sidii ay dib iskugu soo celin lahaayeen Somaliland iyo Soomaaliya in ay ogaadaan in Somaliland MARNABA, MARNABA, MARNABA ayna dib ugu noqonayn midnimada Soomaaliya. Sidaa darteed, Madaxweynaha Turkiga ee la doortay waa in uu ogaadaa, fahmaana xaqiiqadaas.

Dr. Maxamed-Rashid Sheekh Xasan, Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibeda Somaliland