Dhismaha Iyo Dayactirka Dugsiga Dayaxa Ee Gobalka Sanaag Oo La Dhagax Dhigay

0
767

Hargeysa(Geeska)-Munaasabad dhagax-dhig loogu sameenayey bilowga hawsha dib-u-dhiska iyo dayactirka dugsigii Hoyga ahaan jiray ee Dayaxa, ayaa lagu qabtay magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

1

Munaasabadan ayaa waxay calaamad u tahay bilawga Mashruuca Waxbarashada Sool iyo Sanaag, kaas oo ay ujeedadiisu tahay horumarinta helitaanka adeega waxbarashada dugsiga sare ee dadka kunool Gobolada Sool iyo Sanaag, gaar ahaan caruuta ka soo jeedda qoysaska reer guuraaga ah. Mashruucan ayaa waxa maalgaliyay Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), waxaanna hirgalinaysa Wasaaradda Waxbarashada.

.Marka la dhamaystiro hawsha dib u dhiska iyo dayactirka, dugsigu wuxuu noqon doonaa mid si buuxda u shaqaynaya tusaalena u ah dugsiyada kalee hoyga ah ee gobolka ku yaal. Dugsigu waxuu siin doona waxbarasho la tahli karo caruurta iyadoo tixgelinta ugu waynna la siinayo caruurta reer guuraaga ah. Dugsiga waxa lagu qalabeyn doonaa, agabka waxbarashada, adeegyada hoyga, buugaag, rugta akhriska, qalabka tijaabooyinka lagu sameeyo, macalimiin iyo shaqaale maamul ah. Tani waxay u sahli doontaa caruurta reer guuraaga ah ee ku nool gobolka Sanaag in ay helaan waxbarashada dugsiga sare oo tayo leh.

Xafladdan dagax-dhigga waxa gudoominayay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane, Cabdillaahi Ibraahim Habane, waxa kale oo ka soo qayb galay xubno sarsare oo ka tirsan dawladda oo uu ka mid yahay Badhasaabka gobolka Sanaag Mudane, Axmed Cabdi, Duqa magaalada Ceerigaabo Mudane, Ismaaciil X. Nuur iyo dad ka socday bulshada gobolka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa ka hadlay ahmiyadda waxbarashada iyo sida ay waajib u tahay in da’yarta wax labaro. Waxa kale oo uu ku amaanay qaadhaan bixiyayaasha Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) taageerada ay marwalba la garab taagan yihiin Somaliland ee dhinaca waxbarashada iyo horumarinta. Isagoo ka hadlaya furitaankii munaasabada dhagax dhigga dhismaha iskuulka wasiirku waxa uu yidhi “Waxbarashadu waa aasaaska nolosha. Haddaynaan waxbarashada xoojin horumar ma gaadhayno tusaale ahaan ilmaha yar hadii aan wax labarin naftiisa iyo waalidkii midna waxba ma tari karo. Dugsigan waxa uu xidhnaa in kabadan 25 sano. Wasiiradii iga horeeyay ayaa hawshan soo bilaabay aniguna halkaas baan kasii qaadayaa ilaa dhamaystirka. Dugsigan waxa ka faai’daysan doona caruurta kunool gobolka Sanaag gaar ahaan kuwa reer guuraaga ah si ay waxbarashada dugsiga sare u dhamaystiran karaan. Hawsha dhismuhu markay dhammaato, dugsiga waxa lagu qalabayn doonaa dhamaanba waxyaabihii sahli lahaa in ardaydu helaan waxbarasho tayo leh.”

Sanduuqa Horumarinta Somaliland waa deeq lacageed oo loogu talo galay in lagu caawiyo Dawladda Somaliland kaas oo soconaya muddo afar sanno ah. Sanduuqa waxa loogu talo galay inuu qayb ka noqdo Qorshaha Shanta Sanno ee dhinaca Horumarinta Somaliland. Sanduuqa waxa maalgaliyay Hay’adda Horumarinta Caalamiga u qaabilsan Dawlada Ingiriiksa (DFID), Hay’adda Horumarinta Caalamiga u qaabilsan dalka Denmark (DANIDA), Dawladaha Norway iyo Boqortooyada Netherlands.

Booqo (www.somalilanddevelopmentfund.org) si aad macluumaad dheeraad ah uga hesho Sanduuqa iyo mashaariicda kala duwan.