Haddana wax ima seegaanee
Maxamed cabdiraxmaan lugooyo
Muddo hadda laga joogo 56 sanno oo ku beegnayd January 1958, ayaan fasalka kowaad ee Dugsiga Reece School oo loogu magic-daray Badhasaabkii ama Guddoomiyihii Maxamiyadda Somaliland ee Sir Gerelad Reece oo ahaa Ninkii dhisay dugsigaas hoose ee saddexda fasal ahaa.
Waxa fasalka igula jiray dhallin markii dambe caan ka noqotay Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Faysal Cali-waraabe Guddomiyaha xisbiga UCID iyo Xasan Ciise Jaamac Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland iyo qaar kale oo badan oo aan halkan lagu wada sheegi karin.
Sannadkii 1975 aniga oo Boqortooyada Midawday (UK) arday ka ah ayaan wax aan ka qaybgallay xaflad sanadeedkii ururka saxiibnimada Ingiriiska iyo Soomaalida (Anglo Somali friendship society) waxa kale oo ka soo qaybgalay Dr Cabdillaahi Axmed Guuleed iyo Xasan Ciise Jaamac, waxa aan la kulanay Lady Reece oo ahayd Marwadii Badhasaabkii Reece. Markii aan u sheegnay in saddexdayadu aanu ka ka soo baxnay Reece School oo aan Shahaadooyinkii Mastarka iyo Daktooraha samaynayno oo kala ahaa Chemistry, Physics iyo Law, ayey farxad is haysan kari wayday oo tidhi Reece waa xannuunsanayaa ee marka aan gurigii ku noqdo oo aan u sheekadiina u sheego iyo saddexdii qol ee uu dhisay ragga ka soo baxay farxad ayuu la bogsanayaa.
Waxa aan arrintan ku xusuustay warbixintii Bankiga Dunida ee Somaliland dhinca waxbarashada, taas oo sheegtay in 50% carruurta dalku aanay waxbarasho helin. Haddaba ilmihii waxbarasho seegaaba waa dhaqaale iyo horomar iyo fursad dalka iyo dadka iyo dunidaba ka luntay, ilaa goorma ayeynu u adkaysandoonaa arrintan?
Madaxweyne Clinton ayaa markii u horaysay ee la doortay ayuu isugu yeedhay aqooonyahanno oo uu warsaday tallo wixii uu qaban lahaa, waxay taladoodii ku soo ururiyeen Waxbarashada iyo wadooyinka, dekadaha (Infra –structure) xooga saar oo dhaqaale geli. taas ayaa dhalisay in siddeedii sanno ee Madaxweynaha ahaa inuu dhaqaalihii Maraykanku u sare u kaco oo khasnadii dawladdu buuxsanto oo meel la kala dhigo la waayo, oo cashuurtii dadkii loo ceshay. Waar ma ku dayn karnaa!!
Dhinaca Waxbarashada haddii aan taabanno waxay ku dhisan tahay macallinka iyo tababarkiisa, hadda waxa faraha ku haysa hay’ad INGO ah oo macaash doon ah oo kharash badan, waxa ay ahayd in laba xarumood oo tababarka macallinka ah laga kal sameeyo bariga iyo galbeedka dalka oo dawladda iyo wasaaraddu gacanta ku hayso.
Dawladdu ma leha meel macallin lagu tababaro ilaa hadda, waxa qoraha qoraalkani qabaa in afka Soomaaliga laga joojiyo in wax lagu dhigto, isaga luqo ahaan uun loo barto, hase yeeshee yaan wax lagu dhiganin waxa ay hoos u dhigaysaa aqoonta ardayga.
Afaafkaas dunida cilmiga lagu barto ha lagu bilaabo caruurta marka ay yar yihiin, oo buugtan Af Soomaaliga lagu qorayo ha laga guuro, sababta oo ah dunidii oo soo koobnaatay oo dhaqaalihii iyo noloshii dunida oo isku xidhmay. Sidaa darteed, Af Somaligu waa ina takoorayaa ee aan dunida ku xidhanno.
Sannadkii 1958, waxa mar qudha magaalooyinka reer Somaliland ka bilaabmay guryo dhis dhagax ah halkii ay hore dadku ugu jireen aqallo Soomaali. Lacag ayaa dadka Soo gashay taas oo ka dhalatay dhoofinta xoolaha ee loo dhoofiyo Boqortooyada Sucuudiga iyo sheekada Ictimaadka la soo furanayo.
Arrintaas oo horomar weyn keentay, waxa fure u ahaa oo bilaabay marxuun la odhan jiray Suufi Xasan oo reer Hargeysa ahaa. Markii xoolaha Soomaalidu ay dalabka yeesheen ee lacagta laga helay, ayaa waxa bilaabmay in la dhaqaaleeyo oo lacag la geliyo xoolihii waxa bilaabmay kaydinta biyaha ama kacaankii Berkadaha.
Waxa la sameeyey kumayaal berkadood oo biyaha loogu kaydiyo xoolaha, arrinkaasna waxa uu ka bilaabmay Hawdka Burco oo waxa la sheegay inuu ugu horeeyey cilmgaas qoyska reer Sheekh Cismaan Nuur. Weli halkii ayaan joognaa waxa loo baahan yahay kacaan xagga farsamada iyo ganacsiga ah dadka iyo dalka wax ku soo kordhiya. Ayaan-darro hadda tujaarta ugu waaweyn dalka waa kuwa ka ganacsada Jaadka iyo Sigaarka, weli lama hayo kontankaa sanno ka dib cid wax ku soo kordhisa nolosha bulshada iyada oo macaashaysa weliba.
Awoowgay Maxamed Gees oo ganacsade ahaan jiray ayaa waxa uu ii sheegay mar aan u holaday inaan ganacsade noqdo, isaga ka faaloonaya ganacsiga: Jiilaalkii waxa laga ganacsadaa oo dalka la keenaa cunto, waayo dadka ayaa u baahan oo ay noloshu u jabaysaa adna aad macaash ka helaysaa.
Gu’giina waxa laga ganacsadaa dharka oo dadku inay xaragoodaan oo ay is qurxiyaan oo farxaan ayey u baahan yihiin, cuntadii xoolahooda ayaa ugu filan. War bal day sida loo xisaabtami jiray. Maanta shilin uun baa la eryayaa meel kasta haka yimaadee.