Hargeysa, (Geeska) Dhalinyarada Aqoonyahanka Koonfurta Magaalada Hargeysa ayaa taageero buuxda u muujiyey xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, waxaanay sidoo kale dhalinyaradaasi ay ku hambalyeeyeen Musharaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro go’aankii geesinimada lahaa ee uu ka qaatay khilaafkii golaha Wakiilada.
Dhalinyaradan ayaa sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, Ugu horayna Aqoonyahan Naasir Cismaan Muxumed oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Kulankan waxa aanu iskugu nimid anaga oo ah aqoonyahanada Koonfurta Hargeysa in aanu halkan ku muujino taageerada balaadhan ee aanu u qabno xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ee guushiisu muuqato.
Sidoo kale in aanu halkan kaga hambalyeyno Musharaxa xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ahna Gudoomiyaha xisbiga doorkii diblomaasiyadeed ee uu ka qaatay xalinta khilaafkii Golaha Wakiilada Somaliland oo inta la ogyahay qolyihii Kulmiye-na ay hurinayeen khilaafkaasi.” Ayuu yidhi Aqoonyahan Naasir Cismaan Muxumed.
Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Mr Haashin Mahdi Cabdi waxaanu yidhi “Marka Somaliland la eego cida wax badasha waxna doorataa waa dhalinyarada, anaguna waxaanu mar walba diyaar u nahay siyaasiga taladayada qaata, siyaasiga og dadkiisa iyo siyaasiga ku socda hadafkii ay dadkiisu u doorteen, kaasaanu anaguna inta badan garbihiisa nahay, siyaasiga ka soo horjeedsadana waxaanu diyaar u nahay in aanu halkii aanu ka soo qaadnay dib u dhigno xididadana u siibo” ayuu yihdi Aqoonyahan Haashim Mahdi Cabdi.
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Fadxi Cabdi Axmed Qaalib, waxaanu yidhi “Gudoomiyaha xisbiga Waddani ahna Musharaxa xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo runtii aan ku hambalyeynayo sidii uu u damiyey khilaafkii shir-gudoonka Golaha Wakiilada ka aloosnaa oo runtii u muuqatay inuu u dhameeyey si odaytinimo ah oo dal iyo dad jacayl uu ku jiro oo aad ka dareemi karto sidii hawshu ku dhamaatay.
Waxaynu ognahay in dawladaha Afrika amaba Caalamka ay ku yartahay Musharax Mucaarid oo dhameeya arimaha noocaas oo kale ah, iyadoo ay joogto xukuumadii iyo xisbigii aynu talada dalka u dhiibanay.” Ayuu yidhi Aqoonyahan Fadxi Cabdi Axmed oo ka mid ah dhalinyarada iyo aqoonyahanka Koonfurta magaalada Hargeysa.
Jamaal Caydiid Ibraahin oo isna ka mid ah dhalinyarada Koonfurta Hargeysa ayaa waxa uu yidhi “Deegaanada way kala dhaqaaqeen xisbiga Kulmiye, waxaana sabab u ah todobadii sanadood ee ay xukunka haysay xukuumada Kulmiye hal Riig iyo hal waddo oo ay u sameeyeen deegaanadan haba yaraatee ma jiraan” ayuu yidhi Jamaal Caydiid Ibraahin.