Dawladda Masar Oo Hub Faro Badan Ugu Deeqday Soomaaliya

0
50

Muqdisho (Geeska) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in Soomaaliya ay si madax banaan u go’aamin doonto xulafadeeda gudaha iyo dibedda, maadaama ay si fiican u garaneyso

danaheeda gaarka ah.

Hadalkan ayuu wasiirku ka sheegay ka dib markii Muqdisho gaadhay markab xamuul ah oo siday gargaar milateri oo aad u badan oo ka yimid dowladda Masar.

“Waan garanaynaa dantayada, waxaanan kala dooran doonnaa xulafadayada iyo cadawgeenna. Mahadsanid Masar,” ayuu yidhi Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada ciidanku ay hoosta ka xariiqayso xoojinta xidhiidhka difaaca ee Soomaaliya iyo Masar.

Waxa uu sheegay in ay Masar ka heleen shixnadaha hubka casriga ah ee ugu ballaadhan ee ay Soomaaliya ka hesho xulafadeeda caalamiga ah,

wuxuuna sheegay inay calaamad u tahay tallaabo dheeraad ah oo lagu xoojinayo saameynta sii kordheysa ee Soomaaliya ay ku leedahay masraxa caalamka.

Bishii August, Masar iyo Soomaaliya waxay kala saxeexdeen heshiiska difaaca iyo hab-maamuuska iskaashiga milateriga, xilli uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud booqasho ku tagay Qaahira.

Heshiisku wuxuu dib u xaqiijinayaa sida ay uga go’an tahay labada dal xoojinta xidhiidhka laba geesoodka ah iyo xoojinta amniga gobolka.

Sida uu sheegay Axmed Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, heshiiskan

gaashaandhigga ayaa qaabeyn doona istaraatiijiyadda dalka ee dagaalka lagula jiro argagixisada