Markii talada dalka Kulmiye qabtay 2010 waxa ay la kulmeen Bangigii oo madhan oo mushaharka shaqaalaha lagu leeyahay. Wasiirkii wakhtigaa ee maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi wuxuu u maareeyey si aqoon iyo kartiba leh.
Waxa uu bixiyey shaqaalaha lacagtoodii, Waxaa la bixiyey lacagtii la kordhiyey waxaa la soo daabacay lacag cusub shilling Somaliland ah, waxaa aaminay dalka iyo dadka iyo kililka shanaad oo wax ku iibsaday. Barnaamijkii Maxamed Xaashi Wasiir kii hore waxaa muddo ku shaqeeyey Dawladda. Somaliland waana lagu dagay waxaanay wada shaqayn ka dhaxaysay maaliyadda iyo Baanka Somaliland. Hadddaba, waxaa jaadku kow ka yahay sicir bararka. Maalin walba waxaa sarrifka jaadka ee noqdaa waa 500,000 US Dollar. Xukuumadda waxaa ka soo galaya waa cashuur khasaare wadata. Golaha Wasiirada ee 70-ka ah waxa laga doonayaa barnaamij dhaqaalaha dalka ku saabsan oo ay u dejiyaan dalka hadii kale waa in ay dawladdu ka fiirsato masuulka la magacabayo wakhtigan oo kale. Ninka aqoonta dhaqaale leh dalkuu badbaadinayaa. Wasaaradda maaliyaddu waa in ay la timaadaa barnaamij dhaqaalaysiin ah, looma diran baabuur iyo riig toona oo waxaa ku shaqo leh wasaarado ay dawladdu u igmatay.
Wasiirada iyo xildhibaanada waa in mushaharkooda ku qaataan shillinka Somaliland marka ay qaataana waa inaanay bedelin hana aaminaan shilinka, idinkaa kow ka ah masuuliyiintaay. Haddii aad xal rabtaan wada shaqayn joogto ah la yeesha wasaaradaha Maaliyadda iyo Ganacsiga iyo Baanka. Haddii kale waa sidii Abwaankii Gaariye Yidhi,
Nin dawee la leeyahay
Dambi uu badh leeyahay
Xalka doon la leeyahay
Isaguu u daranyoo
in uu daaro ma ogola
daaraanta mililka leh,