Berbera (Geeska) – Xogo ay baahiyeen qaar ka mid ah khuburrada Cilmi-baadhista ee Itoobiya, ayaa lagu shaaciyey waxyaabaha ku lamaan heshiiska dhex maray Somaliland iyo Itoobiya.

Khuburrada Itoobiyaanka ah oo ay ka mid tahay haweenayda Magaceedu yahay Blen Mamo ay sheegeen in xilli horeba ay Itoobiya kor u qaadday isticmaalkeeda Dekedda Berbera ee Somaliland, gaadhsiisayna 30%, iyadoo hore isticmaalkeeda Dekeddu ugu koobnaa 19%. Laakiin, marka heshiiska la dhamaystiro ay

ay Itoobiya Isticmaalkeeda Dekedda Berbera gaadhsiin doonto 40%, iyadoo alaabooyinkii ay kala soo degi jirtay ama ka dhoofin jirtay Jabuuti u soo wareejinaysa Berbera.

Warka ayaa intaa ku daray in Itoobiya ay Isticmaalka Dekedaha Jabuuti ku bixin jirtay 5 Bilyan oo dollar sanadki, dhaqaalahaas oo heshiiska ka dib u soo wareegaya dhanka Somaliland.

Xogta ay Khuburrada Itoobiyaanka ahi baahiyeen ayaa sheegtay in Dawladda Federaalka Itoobiya ay lacag ka badan $ 143 Milyan dollar ku maalgelinayso Ternimaalka Gaasta ee Dekedda Berbera, taasi oo dhaqaalaha labada waddanba wax weyn ku soo kordhinaysa.  Blen Mamo waxay qoraalkan oo ay ku baahisay barteeda X ama Twitter-ka ku sheegtay oo kale In jidka Berbera Corridor ee isku-xidhaya Somaliland iyo Itoobiya uu dhamaaday 98%, laakiin la soo wado

Mashruuc ku kacaya $ 1 Bilyan dollar, kaas oo lagu horumarinayo dhinaca Zaadka iyo tiknoolajiyadda casriga ah ee adeegyada jidka Berbera Corridor.

Sidoo kale, Macluumaadka la baahiyey oo laga soo xigtay Masuuliyiinta Dawladda Itoobiya, ayaa intaa ku daray in  sanadkan gudihiisa la bilaabayo Jidka tareen isku  xidhi doona magaalada Ayshaca oo ku taalla gobolka Siti ee Itoobiya, oo dhinaca koonfur kaga beegan Djibouti, xadna la leh galbeedka Somaliland, waxaana dhismaha jidkaa tareen ku baxaya kharash dhan 1.5 Bilyan oo dollarka Maraykanka ah.

Waddada tareenka ayaa dhererkeedu noqon doonaa 310KM oo ah inta ay isku jiraan Ayshaca iyo Berbera, waxaana uu ku xidhi doonaa magaalooyinka Diridhaba iyo Addis Ababa.

“Horumarkan waxa uu noo muujinayaa sida Itoobiya iyo Somaliland ay uga go’antahay inay si buuxda u fuliyaan

heshiiska isfaham, sidoo kalena kor u qaadaan xidhiidhkooda iskaashi ee ku saabsan dhaqaalaha iyo amniga..” ayay sheegeen khuburrada Itoobiya ee ay xogtan baahiyey.