“Dawlada Kulmiye Ceel Baa Ugu Yaroo Kamay Qodin Gobolka Hawd, Dadkiisana Wax Umay Qaban”

0
1023

Cabdi Haybe oo ka tirsan xisbiga Waddani

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaalena Wasiir ka ahaa, ayaa ka hadlay cabashada Ganacstada reer Somaliland ku waajahan isticlaamka Dekadda Berbera iyo Shirkada gacanta ku haysa ee DP World, waxaanu ku taliyey in laga noqdo heshiiska Dekadda ee DP World, madaama uu sheegay in shaqadii Dekaddu ay istaagay, waxaanu xusay in wax badan oo laga sii digaayey ay imika soo baxeen.

Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye ay faragelin ku hayaan Xisbiga Waddani,waxaanu ugu baaqay inay joojiyaan, waxa kale oo uu Madaxweynaha ugu baaqay inuu magaciisa iyo sharaftiisa uu ilaashado, oo wakhtigaas kooban ee u hadhay uu ku qabto Doorasho xor iyo xalaal ah, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya Dekadda Berbera “Dekadda Berbera, in badan baa laga hadlayaa, oo in badan baa odayaashu ka qayliyeen, dhibaatadii laga digayey ayaana imika dhacday, oo waatan imika dhibaatadu ka taagan tahay, wixii umaddu ka qaylinaysay ayaana imika dhacay, Shirkada DP World haddii aanay umadda waxba u qabanaynin, meesha ha laga saaro, Ganacstadii baa qaylineysa, khasaarihii iyo dhibtii aanu ka sii digaynay, ayaana imika dhacay, markaas madaama wali la isku cakiran yahay, in arinka laga noqdo, oo Dekadda sideedii hore lagu soo celiyo ayaan ku talinayaa”.

Siyaasi Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey faragelin uu sheegay in ay Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ku hayaan Xisbiga Waddani ayaa yidhi “Dawladda Kulmiye, waxaan ugu baaqayaa inay joojiso fadhatada iyo faragelinta ay ku hayso Xisbiga Waddani,waxa kale oo jira dad iyagu xilal ka haya Dawladda, oo Kulmiye adeegsanayo, waxa inagu soo biiray, oo Xukuumaddan Kulmiye ina bartay dhaqan xumo ah in qof xil haya, in qof kale oo ay ilmaadeer yihiin inta uu doonto, in looga qaado, oo isaga lagu bedelo, waana wax aad looga xishoodo in qof meel fadhiya, oo xil haya in qof kale uu yidhaahdo iiga qaada, oo aniga ha la igeeyo, markaas dhaqan xumadaas cidii shaqooyinka ku helay, ayaa dadkii wareerinaya, oo dhalinyaradii wareerinaya, oo kolba shir ay Xukuumadda iyo Kulmiye dabada ka riixayaan qabanaya, oo dadkii reero reero u kala jabinaya, qofka xil ka haya Xisbi ee Xisbi kale u caraara, waa dhaqaale raadis, ee waxaan leeyahay Dawladdan Kulmiye ceel baa ugu yare kamay qodin Gobolka Hawd, dadkiisana waxba umay qaban, ee dabayshu wey socotaa, dadkuna waa Waddani, ee waxaan leeyahay dadka yaan la khaldin, oo Xisbi iyo Xukuumad ay ku hungoobeen yaanay khaldin, ee Waddani ayaa dadka wax u qabanaya,oo guud ahaan Shacabka reer Somaliland wax u qabanaya, oo cadaalada dadka ugu adeegaya ee dadka waxaan leeyahay balanteenu waa Waddani, ee codkiina siiya”.

Dhinaca kale Siyaasi Cabdi Haybe wuxuu soo dhaweeyey, oo uu hambalyey heshiiska dhexmaray labada dhinaca ee Golaha Wakiilada.