Danjire Cawil Oo Ka Hadlay Wada Hadalada Somaliland & Somaliya Iyo Loolanka Ka Dhex Taagan Muuse Biixi Iyo Wasiirada Khaarajiga Iyo Maaliyada

0
615

Picture7Hargeysa(Geeska)-Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo ahaa wasiirkii maaliyadda ee xukuumadii hore ee Madaxweynihii  Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ka hadlay heshiiskii ay dhawaan Somaliland iyo Somaliya ku kala saxeexdeen wadanka Djibouti, waxaanu soo dhaweeyay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele uu goob-joog ka noqdo wada hadalada labada wadan.

Danjire Cawil, oo isagoo jooga magaalada Nayroobi ee wadanka Kenya u waramay Geeska Afrika, wuxuu kaloo ka hadlay loolanka siyaasadeed ee u dhexeeya guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis  iyo wasiirka maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ee salka ku haya murashaxnimada xisbiga KULMIYE Madaxweyne Siilaanyo dabadii.

Ugu horayn Md. Cawil, oo ka hadlaya heshiiska labada wadan dhex maray iyo weliba in Djibouti wada hadalada door laga siiyo wuxuu yidhi, “Wada hadalada iyo war-murtiyeedka ka soo baxayba waan soo dhawaynayaa. In Djibouti lagu soo daro wada hadalada aad ayaan u soo dhawaynayaa waanan ku farxay, waayo Ismaaciil Cumar  Geele waa nin arrimaha Somalida aad ula socda waana nin haddii aynu nahay Somaliland ku kalsoonahay, iyaguna way ku kalsoonyihiin markaas inuu isku keen dhagaysto oo uu ina dhex fadhiisto waa loo baahanyahay. Wada hadalada Turkiga waxa iskugu tagaya uun laba madaxweyne oo laba mabda’a kala sita. Madaxweyne Siilaanyo wuxuu sitaa inuu ilaaliyo jiritaanka madaxbanaanida Somaliland, Xasan Sheekhna wuxuu sitaa ilaalinta midnimada Somaliya, markaas meel la isugu iman karo iyo wax ka soo bixi kara midna ma jiro. Marka ay sidaas tahayna waxa loo baahanyahay cid dhex fadhida oo isu dhagaysata oo talada ugu haboon soo jeedisa. Ismaaciil Cumar Geelana waa nin maskax furan oo arrimaha Somalida aad ula socda, markaas waxaan qabaa inuu ina dhex fadhiyo haddii kale wax wada hadalada ka soo baxayaa ma jiraan.”

Danjire Cawil, oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi, “Dawladuhu markay wax isku qabsadaan hab ayaa lagu kala baxaa, maanta dunida cid lama khasbi karo, haddii ay laba dawladood is fahmi kari waayaan oo ay wada hadalada ku heshiin waayaan waxa lagu kala baxaa habka ah in dadka afti laga qaado, aakhirkana waxay noqonaysaa in la yidhaahdo aynu shacabka Somaliland afti weydiino sidii Itoobiya iyo Ereteriya. Markaas in dawlad dhexdhexaad ah oo Djibouti ah ay shirarka labada wadan dhex fadhido waa muhiim, haddii kale wada hadaladu waxay noqonayaan kuwo aan dhammaanayn. Wada hadalada oo sii dheeraadana Somaliland dani uguma jirto, Somaliyana dani uguma jirto. Markaas waxaan qabaa in wada hadalada la soo afjaro si loo kala baxo.”

Danjire Cawil oo la weydiiyay bal sida uu u arko loolanka ka dhex maraya siyaasiyiinta kala ah guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi iyo wasiirada arrimaha dibadda iyo maaliyadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale ee salka ku haya murashaxnimada madaxweyne ee xisbiga KULMIYE, marka uu Madaxweyne Siilaanyo baneeyo, waxaanu soo jeediyay inaan shacabka lagu mashquulin wax aan dhawayn, iyadoo laga yaabo in isbedelo kale yimaadaan shan sannadood ka dib, waxaanu yidhi  “Madaxweyne ayaa murashax ah, xisbigiina nin ayaa guddoomiye ka ah, maxaa la isku hasytaa markaas.  Waa inay siyaasiyiintu tidhaahdo arrintu wakhtigeedii ma joogto, Muuse iyo Samaale haddii ay leeyihiin Salaadiin ayaanu reerka u noqonaynaa waa wax kale, haddiise ay siyaasad tahay wakhtigeedii lama joogo oo shan sannadood ka dib waxyaabo badan ayaa is bedelaya oo siyaasadu meel ma taagna. Oo wejiyaal kale oo aan waxba u ogayn ayaa iman kara. Markaas waa in reerka kala qaybinta iyo mashruucan laga samaysanayo laga daayo i si aan dadku u kala qaybsamin, ilayn haddii ay beeluhu kala qaybsamaan qaranka ayaa kala qabsamayee. Markaas waa inaan umadda la kala qaybin oo aan lagu jaho-wareerin waxaan dhawayn iyo siyaasad aan wakhtigeedii joogin.”