Hargeysa (Geeska)- Dunidu waxa ay maanta maraysaa waqti aad u adag iyo duruufo dhinac kasta oo nolosha ka mid ah taabanaya oo qallafsan, dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo xitaa cimilo ahaanba, waxaa intaas u sii raacay, colaadaha ay sababaan waxa argagaxisada loogu yeedho. Arrimahaas oo khatar ku haya nolosha dalal iyo dadyow kala duwan ayaa khubarada odorosay saamaynta ay ku yeeshaan jiritaanka qaramadu waxa ay saadaalinayaan in labaatanka sano ee soo socda ay dhowr dal oo dunida maanta caan ka ahi burburi doonaan, duruufahaa foosha xun ee ku xeeran awgood.
Warbixintan oo uu Geeska Afrika ka soo ururiyey shabakadda Ilaaf iyo wakaalado wareed oo kale ayaa soo koobaysa qaar ka mid ah dalalkaas la filayo in ay khariiradda dunida ka baxaan kuwooda ugu muhiimsan oo qaarkood ay yihiin kuwo laga yaabo aragtida koowaad in uu akhristuhu liqi kari waayo.
1. Spain:
Khubaradu waxa ay aaminsan yihiin in dalka Isbayn uu gebi ka lushay tan iyo sannadkii 2008dii, waxa uu dalku la baaxaa degayaa duruufo dhaqaale oo aad u adag, sida tirokoobyadii ugu dambeeyey ay caddaynayaan ku dhowaad afar meelood meel (Boqolkiiba 25) ka mid ah muwaadiniinta dalka ee shaqayn kara ayaa bilaa camal la fadhiya. Laakiin mushkiladdu haddii ay intaas ku kooban tahay ayaaba ay sed noqon lahayd malaha ee’ waxaa u raacay in dalkani uu qarka u saaran yahay in uu u qaybsamo saddex dal; ugu horeyn waa gobolka Catalonia ee woqooyiga-bari dhaca oo u ordaya aadna ugu dhow in uu ka goosto dalka intiisa kale, mar labaaddana waa gobolka Basque (Basiij ama Baasiik) ee woqooyiga dalka Isbayn, oo isna sidoo kale dadaal adag muddo dheer ugu soo jiray in uu ka go’o dalka intiisa kale, waana gobolka uu ka dhisan yahay ururka ETA ee xagjirka ah, oo sannadkii 1986kii dilay 829 qof.
2. Kuuriyada Woqooyi:
In kasta oo dalkani mar kasta dunida u muujiyo awoodda uu u leeyahay isku-filnaanshiyo buuxa oo dhaqaale iyo difaacba leh, haddana khubarada daraaseeya awoodda jiritaan ee qaramadu waxa ay aaminsan yihiin in dalkani aanu awoodi karin in uu labaatanka sano ee soo socda sii jiro. Marka laga yimaaddo nidaamka siyaasiga ah ee ka jira waxa aanu kaba badbaadi karayn ayaa ay aaminsan yihiin, khayraadka dalkaas oo marba marka ka dambaysa gabaabsi sii noqonaya, lana filayo in ay meesha ka bixi doonaan.
Dadka lafa-gura arrimaha siyaasadda iyo jiritaanka dowladuhuna waxa ay ku doodayaan in sida keliya ee dalka Kuuriyada woqooyi ku sii haysan karo barta uu khariiradda dunida ku leeyahay ay tahay in uu ka baxo faquuqa hadda lagu hayo, oo uu xihdiidh ganacsi oo ballaadhan la yeesho dunida kale, si uu dhaqaale ahaan isu sii wadi karo.
3. Belgium:
Qof kasta oo innaga mid ahi waxa uu maqlaa dalka quruxda badan ee Beljam oo ah xarunta Midowaga Yurub, waxaana laga yaabaa in hadal haynteeda badan iyo dalka oo muddo dheer soo jiray awgood aynu moodno in uu yahay dal cago adag ku taaganay. Laakiin dalkani waxa uu ka kooban yahay laba waaxood oo habayaraato ee wax la sheegi karo oo isu hayaa aanu jirin, waa saddex gobol oo woqooyiga ah oo lagu magacaabo Flemish ama Flanders, muddooyinkan dambana aad loogu garan og yahay gobolka Afka Dutch ka ku hadla, waxaana magaalo madax u ah caasimadda dalkaas ee Brussels, iyo gobolka Wallonia oo isna lagaga hadlo afka Faransiiska.
Kala duwanaanshiyahaa dhaqanka iyo taariikhda ayaa dalkaas ka dhigay mid mar kasta uu ka jiro khilaaf siyaasi ah, aadna u adkeeyey in uu noqdo dal dawladnimadiisu midaysan tahay. Gobolka Wallonia bulshada ku nooli waxa ay badankoodu doonayaan in ay noqdaan laba midkood; Dal madax bannaan ama in ay la midoobaan dalka Faransiiska oo dhinaca ku haya. Sidoo kale gobolka woqooyi oo dadka dega Flemish lagu magacaabo ayaa qudhoodu doonaya in laga jaro qaybtaas kale.
4. China:
Waa run in uu yahay dalka ugu ciidanka badan dunida oo dhan, isla markaana ugu dhaqaalaha badan dunida, laakiin haddana waxaa hor yaalla mushkilado tiro badan, oo ay ka mid yihiin kuwo dabiici ah, sida deegaanka oo xaalkiisu aad u sii xumaanayo, xogaha la ururiyeyna waxa ay muujinayaan suurtogalnimada in kala badh webiyada dalkaas iyo biyaha kaydka u ah dalkuba ay wasakhaysan yihiin, taas oo khatar ku ah caafimaadka guud, khatarna u ah in ay burburiso dhaqaalaha dalka.
Dawoladda Shiinuhuna waxa ay qirsan tahayba in biyaha dalkaasi ay dhammaan doonaan sannadka 2030, kadibna loo baahan doono meel dalka biyo looga raadiyo si noloshu u sii socoto.
5. Ciraaq:
Ururka awoodda badan ee DAACISH oo dalkaas xoog ku leh iyo kala duwanaanta aragtida mad-habta ayaa la saadaalinayaa in ay sahaydaan midnimada dalka Ciraaq, waxaa iyaguna jira Kurdiyiinta woqooyiga Ciraaq dega.
Khubarada la socda xaaladaha dalka Ciraaq waxa ay odorosayaan in dalkaasi uu u kala go’i doono saddex dal oo kala ah, Woqooyiga ay Kurdiyiintu degaan, Carabta Muslim Sunniga ah oo galbeedka dalkaas jamhuuriyad ay leeyihiin ka dhisan doona iyo Shiicada oo koonfurta ka dhigan doona dal u gaar ah.
Xeeldheerayaashu waxa ay sheegaan in sida keli ah ee midnimada dalka Ciraaq ku badbaadi kartaa ay tahay, in Kurdiyiinta Ciraaq lagu qasbo in ay ka mid ahaadaan dalka, xitaa haddii loo ogolaanayo in ay yeeshaan awood federaal oo ay gaarkooda isu maamulaan, sidoo kale waa in laga takhaluso ururka DAACISH, waxaa soo raacda in saddexda dhinac si miyir qabta oo colaad iyo cuqdad hore la iska tuuray ay u wada hadlaan una mideeyaan dalkooda.
Arrimahaas oo dhammaantood u muuqda kuwo aan suurtogal ahayn ayaa la aaminsan yahay in ay qasab ka dhigi doonaan in dalka Ciraaq uu tirtirmo oo ay beddelaan saddex dawladood.
6. Ingiriiska:
Waa run in gobolka Scotland oo muddo aad u dheer u halgamayey madax bannaani uu ku fashilmay isku daygii aftida dadweynaha ee dhowaan dhacay, dadkuna u bateen in ay weli doonayaan ka sii mid ahaanshaha dalka Ingiriiska, laakiin lama dafiri karo awoodda kuwa gooni-goosadka ah ee weli u halgamaya in ay dhisaan jamhuuriyad madax bannaan oo magaca Scotland ah kaga mid noqota dunida, waxa aanay diyaar u yihiin in ay mar labaad iyo marar badan oo kalaba ku soo celiyaan isku daygooda gooni u goosashada ah.
Waxaa iyaguna jira dhaqdhaqaaqyo gooni-goosad ah oo si xoog badan uga socda gobolka Wales laga wado iyo Woqooyiga Ireland oo iyadu doonaysa in ay horta hesho Is-maamul awood badan, dad badanina aaminsan yihiin in ay tahay tallaabadii koowaad ee ay u qaadayaan dhinaca madax bannaani ay doonayaan. Haddaba waxaa ay xeeldheerayaal badani arkaan in Ingiriisku aanu sii sidan doonin magaca uu ku soo caano maalay ee Boqortooyada Midowday (UK) balse uu noqon karo dalal yaryar oo mid kastaa gaarkiisa u dhisan yahay.
7. Maraykanka:
Marka la eego heerka uu maanta taagan yahay dalka Maraykanka oo ah dal dhinac kastaba ka dhisan laguna tilmaamo quwadda adduunka ee dhaqaale iyo milateri, waxaa dad badan kuba adag in ay ku daraan liiska dalalka burburaya, waase ay dhacday.
Waxa uu soo maray waqti uu ahaa dal gudaha aad uga qaybsan, oo dagaallo sokeeye oo lagu le’day halakeeyeen, waana uu ka soo gudbay, waxase weli jira kala qaybsanaan siyaasi ah iyo mid dhinaca hiddaha ah oo gobollo badan oo dalkaas ka mid ah ka hortaagan in ay isu arkaan in ay gobollada kale ul-iyo-diirkeed isu noqon karaan. kala qaybsanaantaas oo hoos u guuxayeysay muddo dheer ayaa ay khubaro badani aaminsan yihiin in ay sababi doonto in gobollo door ahi ay iskood uga baxaan midowga Maraykanka.
Tan iyo sannadkii 2012kii oo keliya, waxaa dalkaas ka dhacday in 50 ka gobol (State) ee uu ka kooban yahay Maraykanku ay dhammaantood ka yimaaddeen codsiyo dadweyne oo ay saxeexeen boqollaal kun oo dad ah oo gobol kastaa uu doonaya in uu ka go’o Midowga Maraykanka. Gobollada ugu sii daran ee ay khubaradu saadaalinayaan in Labaatanka sano ee soo socda ay ka bixi doonaan midowga Maraykankanka waxaa calanka u sida Alaska oo dhaca woqooyiga bari iyo Taxes oo dhinaca koonfureed ah.
Duruufaha aynu dal kasta ku soo xusnay ee laga baqanayo in ay qaybiyaan intaas kuma koobna, sidoo kale dalalka ay dhibtaasi ka taagan tahayna intaas waa ay ka badan yihiin, maalin kastana tiradoodu waa ay kordhaysaa, waxaa iyaguna sii huraya colaadaha ka jira qaybo badan oo dunida ka mid ah oo gaadhay heer dalal ay dalal kale u xoog sheegtaan, qasabna ku muquuinayaan nidaamyada ka jira, arrimahaas ayaa dhammaantood ah xujo xoojinaysa doodda khubaradan oo marka si kooban loo sheego ah in labaatanka sano ee soo socda aanay khariiradda dunidu u qaybsanaan doonin sida ay hadda tahay.