Dagaalka Diblomaasiyadeed Ee Sucuudiga Iyo Iran Oo Xaasaasi Noqday Iyo Xulafada Sucuudiga Taageertay

0
709

Sucuudiga ayaa xidhiidhka diblomaasiyadeed u jaray dalka Iran, waxaanu diblomaasiyiinta Iran ee Sucuudiga jooga ku amray inay dalka kaga baxaan 48 saacadood.

1

Boqortooyada Sucuudiga ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqdey in ay jartey dhamaan xidhiidhkii Diblomaasiyadeed ee ay la wadaagtey dalka Iran, kadib weerarkii kooxo ka cadhaysan dilkii wadaadka Shiicada ahaa ay ku qaadeen Safaaradda Sucuudiga ee Tehraan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sucuudiga Caadil al-Jubeir ayaa gelinki danbe ee Axadii sheegay in ay weydiisteen Diblomaasiyiinta Iran in ay Boqortooyada kaga baxaan 48 saac gudahood.

Caadil al-Jubeir ayaa sidoo kale sheegay in dhamaan shaqaalihii Safaaradda Sucuudiga ee Tehran laga soo badbaadiyey Tehraaan. Diyaarad sidey diblomaasiyiintii Sucuudiga ayaa ku degtey garoonka diyaaradaha ee Dubai, waxaana ay isla habeenkii u  duuleen Boqortooyada Sucuudiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa sheegay in subaxnimadii Axadda markii la weeraray Safaaradda ay gargaar u dirsadeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, laakiin dalabkooda oo saddex jeer ahaa waxba lagama qaban oo dhegaha ayaa laga fureystey.

Weerarka safaaradda ayuu ku tilmaamey GARADARRO. waxa uu yidhi “Iran waxay taariikh iyan caado u leedahay “Ku xadgudubka Ergooyina Diblomaasiyadeed”, waxaana uu tixraac u soo qaatey Safaaraddii Maraykanka ee Tehran sanadkii 1979 iyo Safaaraddii Britain sanadkii 2011.

Waxa kale oo uu yidhi “Gardarooyinka ka dhanka diblomasiyadda iyo ergooyinka waxay xadgudub ku thay dhamaan heshiisyada caalamiga ah,.”

Wasiirka ayaa ku eedeeyey Iran in ay ka qaybqaateen weerarka isla markaana safaaradda laga qaatey dokumitiyadii iyo kunbuyuutaradii.

Maalintii Sabtidii Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Sucuudiga ayaa ku dhawaaqey in ay dil lagu fuliyey 47 qof oo ku eedeysnaa Argagixiso iyo khal-khal in ay geliyaan Boqortooyada, waxaa kamid ahaa 4 qof oo mad-habta Shiicada haysta kuwaas oo uu ka mid ahaa wadaad lagu magacaabo Nimr, kaas oo sanadkii 2011 ku baaqey in Bariga Sucuudiga laga gooyo Boqortooyada oo kacdoon la sameeyo xilli ay socdeen kacdoonadii Carabta ka dhacay.

Wadaadka ugu sareeya Shuurada IRAN ee Ayatullah Ali Khumeyni ayaa maalintii Aadii Sucuudiga uga digey cawaaqib xumada ka dhalan karta wadaadka Shiiciga ah ee ay dileen, waxaana uu yidhi aargudasho rabbaani ah ayaa sugeysa,

Madaxweynaha IRAN Xassan Rooxaani ayaa isagu ku dhawaaqey in la soo qabto kuwii ka danbeeyey in ay safaaradda gubaan oo u dhacaan, waxaana uu canbaareeyey dilkii wadaadka Shiciga ahaa ee u dhashey dalka Sucuudiga.

Go’aanka Sucuudiga ayaa saameyn ku yeelan kara dedaalada nabadda ee dalka Siiriya oo Iran ay faraha kula jirto, sidoo kale waxa uu saameyn ku yeelan karaa wada hadalka Nukliyeerka ee u dhexeeya Iran iyo Maraykanka, oo Sucuudigu ka soo horjeedo.

Xulafada Sucuudiga

Saddex dal oo xulufo la ah Sucuudiga, ayaa xidhiidhka u jaray Iran ama yareeyay, kadib markii Sucuudigu  xidhiidhka u jartay Iran, taasi oo ka dambeysay markii la weeraray safaaradda Sacuudiga ee Tehran.

Bayaan lagu baahiyey wakaaladda wararka qaranka ee BNA, ayaa Bahrain waxa ay diblomaasiyiinta Iran ugu baaqday inay dalka uga baxaan muddo 48 saac ah gudahood.

Sudan iyana waxa ay sheegtay inay xidhiidhka u goysay Tehran, sababo la xidhiidha “Weeraradii xaasidnimada ahaa” ee lagu qaaday safaaradda Sacuudiga ee Tehran, Axaddii.

Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inay xidhiidhka hoos u dhigayaan, sababta oo ah “Faro-gelinta joogtada ah ee Iran ay ku hayso arrimaha gudaha ee dalalka Khaliijka Carbeed, oo gaaray heer aad u sarreeya”.

Imaaraadka waxay ay xidideen tirada diblomaasiyiinta Iran ee dalkaas, islamarkaana waxa ay mataaladda Iran ee dalkaas ay hoos ugu dhigeen heer arrimo fulito, intii ay ka ahaan lahayd heer safiir.

Iran ayaa cambaareysay tallaabadii ay Sacuudiga ku jareen xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyey labada dal, waxaana ay sheegtay in taasi ay xiisad ka hurineyso gobolka.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Iran, Hossein Jaber Ansari, ayaa sheegay in diblomaasiyiinta Iran aanay weli ka bixin dalka Sacuudiga, balse la diyaariyey qaabkii ay uga soo bixi lahaayeen.