Hargeysa(Geeska):-Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Md:Axmed X.Cabdilaahi Caddami, ayaa beeniyey warar muddooyinkii danbe sheegayey in ciidanka qaranka Somaliland iyo maleeshiyada Khaatumo uu dagaal culusi ku dhex maray deegaanka Horu-fadhi, waxaana uu tilmaamay in kaliya ay ahayd jidgooyo ay maleeshiyadaasi u sameeyeen ciidanka qaranka oo halkaasi maraayey balse aanu jirin dagaal toos ah oo si rasmiya u dhex maray ciidanka qaranka Somaliland iyo maleeshiyada Khaatumo.
Md:Axmed X.Cabdilaahi Caddami, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay warbaahinta kula hadlaayey magaalada Hargeysa, "Iyada oo kooban waxaan odhan karaa waxba kama jiraan, marka ay sidaas tahay ee aan u jawaabo, wax qarsooma ma jiraan meel dagaal lagu qaadaynaa iska daa maalmo, iyo todobaadan toona ee hadduu saacado socdo waa la ogyahay, caalamka hada joogaana waa caalamkii ay isgaadhsiintu horumartay, hawada laga sawirya iyo dhulka laga qabayeyba wax qarsoomi karaa ma jiraan, markaa dee dabcan qolyaha waa shaqadoodiiyoo saxaafadu xaq ayey u leedahay laakiin waxaan odhan lahaa malaha waxaa fiican oo dee haddii la yidhaahdo mid walbana ha laga dabo tagana waa lagu wareerayaa oo lagu shaqo seegayaa. Haddaba hadalka oo kooban wax ku saabsan ciidan dhaqdhaqaaqii waxaa ugu danbaysay muddo hada laga joogo Shan cisho. Shantaa cishana maalinta ay u dhaqaaqeen meel kale ayey u socdeen oo ay joogaan ciidan kale oo Somaliland ahi.”.Ayuu yidhi Md:Axmed X.Cabdilaahi Caddami.
Wasiirka wasaarada gaashaandhiga Somaliland Md:Axmed X.Cabdilaahi Caddami oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:“Dhulka ay marayeen waa dhul Somaliland ah ayey marayeen markii ay tageena meesha Horu-fadhi wakhtiga inta marka ay u soo socdaan waad maqasheen oo waxa dhacay waa jidgooyo oo niman Khaatumo ka tirsan ayaa meel u galay oo xabado ayaa lagu riday iyaguna waa ay u jawaabeen, arrinta wax ka danbaysay oo dhacday ma jirto, ciidankii wax dib u noqosho ah oo meeshii uu ku soo socday ah ma jirto, xagii uu ku soo socday ayuu tagay oo xataa iyagii ma uusan dabo galin, amar iyo fasaxna uma haysan xataa intaa dhacday maadama oo ay hadaba joogaan magaalada Hargeysa ay joogaan madaxdhaqameedkii Buuhoodle oo haddiiban nabad galyo iyo nabad kuwada noolaansho laga wada hadlaayo amar markaa kuma ay haysan in cagta cagta la isu saaro dabadeedna la is eryado, fool xumo ayuunbay ahaan lahayd, madax joogta ee madaxdhaqameedka ahna sida ay tahay ayaan uga waranay oo isla maalinteedii ayaanu uga waranay.".