Dadweyne Ka Markhaati Furay Lahaanshaha Beer Galbeedka Hargeysa Ah Oo Muran Adagi Ka Taagnaa

0
832

Picture4Hargeysa (Geeska )- Dad rayid ah oo madaxbannaan, ayaa ka markhaati furay lahaanshaha beer ku taal agagaarka cusbitaalka Shifo ee degaanka loo yaqaan Makhaayadda Inanta ee galbeedka Hargeysa, taas oo muran ku dhexmaray laba dhinac uu keenay dhimashada askar ka tirsan ciidanka booliska bilo ka hor. Dadkan oo ka kooban odayaal, waxgarad, kuwo jaar la ah beerta khilaafku ka taagan yahay iyo qoyska hore u lahaa beerta ee iibiyey, kuwaas oo ka kala socday deegaannada Buurta-kala-jeexan, Makhaayadda Inanta, Malowle iyo Xeedho, ayaa shir jaraa’id oo ay u qabteen warbaahinta shalay kaga warramay taariikhda beerta la isku haysto iyo qoysaskii la kala wareegay, iyagoo caddeeyey inay asalkeedii hore uu lahaa Marxuum Axmed Faarax (Guray), kadibna uu iibsaday Xaaji Maxamuud Xasan sannadkii 1982-kii, balse qoyskiisii lagu qabsaday dhawaan.

Ugu horreyn, Maryan Axmed Faarax (Guray) iyo Mawliid Axmed Faarax oo ah walaalo aabbahood lahaa beertaasi ka hor intii aan la iibin, ayaa shirkaasi jaraa’id oo ay ka hadlay kaga sheekeeyey taariikhda dhulkan oo lahaanshihiisu soo taxnaa ilaa waqtigii gumaystihii Ingiriisku ka talinayey Somaliland.

Marwo Maryan Axmed Faarax oo iyadu ahayd qofka iibiyey beertan, waxay tidhi, “Beertani waa tii aabbahay oo anigayga intaa le’eg waan ku dhashay, ilaa xilligii Ingiriiskii ayuu lahaa oo xataa laba jeer ayuu ku xidhay Ingiriiskii aabbahay oo waxa berigaa damiintay Il-dab iyo Xasan Xoorre oo markaa cuqaal ahaa. Markii dambe sannadkii 1982-kii iyadoo abbahay ku maqanyahay Itoobiya oo ay Miyiga degan yihiin ayaan anigu ka iibiyey Xaaji Maxamuud Xasan ilaa waqtigaasina isagaa lahaa beerta, sidaana waan ka sheegay maxkamad iyo meel walba.”

Maxamed Muxumed Faarax iyo Muxumed Cali Maygaag oo ah jaarka jihooyinka Waqooyi iyo Galbeed ka kala xiga beertan, ayaa iyaguna sheegay in cidda keliya ay weligood ku yaqaaneen beertan ay ahayd qoyska reer Axmed Faarax Guray oo markii dambena ka iibiyey Xaaji Maxamuud Xasan, isla markaana ay dhawaan uun maqleen muranka ka taagan lahaanshaheeda,

“Beertan waa la garanayaa oo ummadda iyo jaarka oo dhan wuu yaqaanay ciddii lahayd iyo ciddii iibsatayba weeye, dadka iminka yimi beerta ee qabsaday meel alla meel ay ka yimaadeen ma garanayno, iyagoo socda ayuun bay mar qudha sheegteen,” ayey yidhaahdeen jaarku.

Sidoo kale, Maxamed Isaxaaq Cabdillaahi oo ka mid ah odayaasha deegaanka, ayaa muranka ka taagan halkaasi ku tilmaamay inuu yahay dulmiga Ilaahay xaaraantinimeeyey, kaas oo ay aad uga xun yihiin haddii ay yihiin dadweynaha deegaanka ee xogogaalka u ahaa.

“Beertan cidda leh way caddahay, nasiib-wanaag iibiyaheedii baa nool, annaguna ilaa carruurnimadayadii waanu ku naqaanay beertaa ilma Axmed Guray. Annagu Islaamka kale ayuun baanu ka mid nahay ee labada beelood ee meesha isku haysta midna ma nihin, laakiin in aannu runta ka sheegno taariikhda ayaanu xaq u leenahay oo ah masuuliyad na saaran,” ayuu yidhi Oday Maxamed Isaxaaq, waxaannu intaa raaciyey, “Madaxweynaha, maxkamadaha iyo dawladduba arrintan hoos ha u eegaan, maaha in shacabka la isku dilo, nin wax dulmiyaya in lagu taageerana maaha.”

Oday Maxamed Axmed, ayaa isna ugu baaqay Madaxweynaha iyo hay’adaha dawladdaba in si caddaalad ah loo eego lahaanshaha beertan, waxaannu yidhi, “Waxaannu isugu nimi cawaaqib-xumada doodaha beeraha ka dhaca loo xukumayo nin aan waxba lahayn, waxaannu ka damqanay dhibaatadan halkan ka jirta iyo in aannu xukuumadda u caddayno cidda beertan asal u lahayd iyo cidda laga iibiyey ee leh oo ah sidaa la wada sheegay. Waxaannu leenahay halkan dhibaato hore ayaa ka dhacday ee yaanay mid kale ka dhicin, waxaannu u soo jeedinaynaa Madaxweynaha Axmed Maxamed Siilaanyo, Wasaaradda Daakhiliga, Maxkamadaha iyo boolisku in meeshan aad loogu fiirsado, caddaalad-darro ayaanu u arkaynaa waxa socda.”

Oday Cismaan Muxumed Faarax (Cismaan Hugur), waxa uu sheegay in ilaa markii da’diisu ahayd 3 sanno jir oo qoyskoodu degannaa deegaankaasi iyo iminka oo da’diisu tahay 68 jir uu xogogaal u ahaa in beerta lagu muransan yahay ay lahaayeen reer Axmed Guray, kana iibiyeen Xaaji Maxamuud Xasan, “Carruurta sabiga ah ee aan magacyada dadka aqoon ayaa haddii la waydiiyo yaa leh beertaas odhanaya waa beertii Bah-gobada. Annagoo dadka deegaanka ah in aannu xaqa sheegno waa nagu waajib, sidoo kale, labada dhinac ee meesha isku hayaa waa tolkayo oo in aannu kala qabanno xaq baanu u leenahay, dhexna waanu nahay. Waxaannu baaq dheer u fidinaynaa Madaxweynaha, garsoorayaasha, xukuumadda, Guurtida iyo salaadiinta in laga fiirsado arrintan iyo dadka dulmiga wax loogu xukumayo, halkaa wax xun baa ka soo socda ee ha qabato dawladdu” ayuu yidhi Cismaan Hugur.

Waxa kaloo iyaguna halkaasi ka hadlay Abiib Muxumed Caddaawe, Daahir Xasan Caynaan iyo Ibraahim Muuse Barre, kuwaas oo dhaar ku maray in iyagoo aan ujeeddo kale ka lahayn ay xogogaal u ahaayeen in beertaasi ay reer Axmed Guray ka iibiyeen Xaaji Maxamuud Xasan oo aanay cid kale ku ogayn, kuna maqal, waxaanay Madaxweynaha iyo hay’adaha dawladdaba ka dalbadeen in si degdeg ah oo caddaalad ah arrinteeda loo galo.