Hague(Geeska/W.Wararka)-Dacwad oogayaasha maxkamadda dambiyada dagaalka ee caalamiga ah ayaa dawladda Kenya ku eedeeyay inay hortaagantahay dhukumentiyo muhiim u ah dacwadda oo ay dawladu xayiraad saartay in la helo.
Fadhigii shalay ee dhagaysiga dacwadda ka dhanka ah Madaxweynaha Kenya Mr. Uhurru Kenyatta oo ay qareenadiisu filayeen in la soo afjari doono lana laali doono dacwadaba, mar haddii ay dacwadii daciiftay ka dib markii ay laba markhaati ka baxeen maragfurkooda, ayaa waxa ay dacwad oogayaashu sheegeen inay muhiim tahay in la helo xisaabta maaliyadeed ee Madaxweyne Kenyatta.
Fadhiga shalay ayaa dacwad oogaha maxkamadaas Benjamin Gumpert wuxuu garsoorayaashii maxkamadda u sheegay inay dawladda Kenya xanibtay macluumaad muhiim ah, gaar ahaan dhaqaalaha Madaxweyne Kenyatta oo ay sheegtay inay qodob muhiim ah ka tahay dacwad oogistooda. “Waxa ka mid ah eedaymaha aanu ku eedaynay Mr. Kenyatta inuu si shakhsi ah lacag aad u badan u siiyay kuwii uu adeegsanayay ee farriimihiisa qaadayay islamarkaana uu dhaqaalihiisa qaybo ka mid ah ku fuliyay rabshadihii.” Ayuu yidhi dacwad ooguhu.
Wuxuu maxkamadda ka codsaday dib u dhigis in lagu sameeyo fadhiga maxkamadda ilaa inta dawladda Kenya lagu qasbayo inay xogtaas bixisiyo.
Madaxweyne Kenyatta oo aan maxkamadda joogin balse ay qareenadiisu ku sugnaayeen ayaa loo haystaa dambiyo ka dhan ah aadanaha oo la geystay kaddib rabshadihii xigay doorashadii Kenya ka dhacday sanadkii 2007-da, rabshadahaas oo ay ku dhinteen in ka badan 1200 oo qof.
Mr. Steven Kay oo ka mid ah qareenada difaacaya Madaxweynaha ayaa haweenaydan dacwad oogaha ah ku eedeeyay inuu jiho cusub u leexiyay dacwadii, taas oo ah inay dawladda Kenya xanibaad saartay xogo kale, “Markuu uu ogaaday inay dacwadu hoos u dhacday ayuu dhinac kale u wareegay.” Ayuu yidhi qareenku.
Kooxda difaacaysa Madaxweynaha ayaa waxa ay ku doodayaan in dacwad oogaha aanu haysan caddeymo ku filan si loo maxkamadeeyo hogaamiyaha Kenya.
Mr Kenyatta ayaa naf ahaantiisa waxa uu sheegay in sanadkii la soo dhaafay mar ay maxkamadda ICC-da ay soo wajahday arrin tan oo kale ah oo ku aadan caddeyn yari kiiska nin la eedaysnaa sidaa lagu hakiyay kiiskaasi oo meesha looga saaray.
Dhankeeda, dacwad oogaha ayaa codsiga qareenada Madaxweynaha Kenya ee ah in la soo afjaro kiiskiisa waxa ay ku tilmaantay mid waqtiisa ka soo hormaray.