Dabley Hubaysan Oo Weerartay Goobta Diiwaangelinta Sabo-wanaag Iyo Guddoomiyaha Lughaya Oo Ka Hadlay

0
592

Hargeysa(Geeska)-Dabley hubaysan oo aan la aqoonsan ayaa shalay duhurnimadii weerar ku qaaday goobta diiwaangelinta ee magaalada Sabo-wanaag oo ay isku hayaan xuduuda gobalka Maroodi-jeex iyo xuduuda gobalka Awdal, waxaanay burburiyeen agabkii yaalay oo ay qaateen.

1

Guddoomiyaha degmada Lughaya Cabdillaahi Cali Sheekh Nuur, oo u waramay xalay wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegay in dablaydu khalkhal gelinta diiwaangelinta goobtaas u adeegsadeen rasaas, “ 12:30 duhurnimo ee shalay ayaa shaqaalihii Komishanka ee goobta ka  hawlgalaayey ayaa waxa soo weeraray shan baabuur oo ahaa afar Laangaruusar iyo Xaajiyad, iyagoo adeegsanaya rasaas, waxbana may weydiin shaqaalihii goobta ku sugnaa.” ayuu yidhi guddoomiyaha degmada Lughaya.

Wuxuu intaas raaciyay “Rasaas  badan ayaa goobtii ka dhacday, wax dad ah oo ku dhintay ma jiraan, hal askari ayaa murayaad gaadhi oo xabadi ku dhacday ay gacanta ka jeexday, shan baabuur oo laba komishanku lahaa taayirada ayaa laga toogtay, qaarkood Mishiinada ayey xabadu ka gaadhay, kadib markii lagu kala yaacay ee Shaqaalihii Komishanku hoosta ka soo xidheen xafiisyada  waxa gacanta loola tagay shaqaalihii oo qaarkood dhaawacyo la gaadhsiiyey gacana loola tagay.”

Ugu dambayn wuxuu sheegay masuulkani in sidoo kale ay kooxda hubaysani rasaas la dhaceen Koombiyuutaradii goobta yaalay, iyagoo qaatay qalabkii goobta yaalay iyo dhukumentiyo kale.

Guddoomiyaha ayaa geesta kale, wuxuu telefishanka Star TV u sheegay in salaadiin ka tirsan deegaanka Hargeysa ay ku lug lahaayeen weerarkaas, kuwaas oo aanu magacaabin, balse uu sheegay in ciidamada ammaanku wejiyadooda garanayaan.

Dawladda Somaliland ayaan ilaa hadda wax war ah ka soo saarin arrintan, iyadoo sidoo kale aan si rasmi ah loo aqoonsan dablaydaas.