Hargeysa(Geeska)-Murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan-Cirro ayaa wiil dhallinyaro ah oo khamiistii lagu dilay degmada Dila oo weftigiisa lagu soo dhawaynayay, wuxuu dusha ka saaray maamulka degmada Dila iyo madax sare oo KULMIYE ah oo Hargeysa joogta.
Md. Cirro oo hadal ka jeediyay munaasibad habeen hore Borama ka qabsoontay oo lagu qaabilay taageerayaal Waddani ku soo biiray, wuxuu yidhi “Waxaan tacsi u dirayaa inankii dhallinyarada ahaa ee shalay xabadu ku dhacday ee geeriyooday Alle haw naxariisto, qoyskiisana Samir iyo iimaan haka siiyo.”
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “shalay waxaan idhi masuliyadda cidda leh hala baadho waa la baadhay oo waxay ku cadaatay masuuliyiinta degmada dila iyo madax sar sare oo kulmiye ah oo Hargeysa joogta.”