Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay Doorashada, waxaanu sheegay in labada Doorasho ee Madaxtooyada iyo Barlamaanka isku mar la qaban karo, oo aanay wacnayn in la kala qaado, waxaanu sheegay cida diidan in isku mar la qabto inay tahay cidii doonaysay in muddo kordhin la sameeyo, waxaanu ku baaqay in la ixtiraamo go’aankii Maxkamada sare , Madaxweyanaha iyo Golayaasha.
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay Taliyha Saldhiga Koodbuur, oo uu sheegay in booqashadii uu booqday Ganacsade Cumar Caydiid dartii loo xidhay xilkiina looga qaaday, waxaanu yidhi mar uu shalay ka hadlayey munaasid soo dhaweeyn ah oo ay u qabteen Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan oo ku soo biiray"Waxaad ka warqabtaan in dalka ka socoto Diiwaangelini, Diiwaangelinta waxa la isku dayey in la dibin-daabyeeyo, oo aanay bilaamin, hasa yeeshe ILLAAHAY mahdi arintaas waanu ka guulaysanay, waxaan ku amaanaya go’aanadii adkaa Komishanka, waxaan ku adkaanaya is qabsiga gacmaha ee Axsaabta, waxaynu ka baxnay tijaabadii, waxaynu tijaabinay inay guulaysan karto Diiwaangelintu, waxaan Shacabka Togdheer ugu mahadnqayaa iyada oo lagu jiro xiili adag oo jilaala oo duruuf qalafsan inay go’aansadeen inay ka midho dhaliyan inay guulaysto Diiwaangelintu, dhamaan Shacbiga Togdheer aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa.
Waxaan u haystaa inaynu gaadhnay guul qaran, sababtu waxa weeye waxaynu ka caban jirnay inuu boob jiro, in lagu noq-noqdo Doorashada, waxay caddeeyeen oo ay ku guulaysteen in la qabto qof kasta oo isku daya inuu laba jeer uu ku noqdo, taasi waxay badbadinaysaa in Doorashadeenu aanay noqon mid lagu noq noqdo iyo mid lagu shubto toona”.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa mar uu ka hadlaayey aragtiisi ku waajahan inay isku mar dhacaan Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiilada ayaa yidhi “Waxa baryahan dambe hadalkeena ku batay erayo ah Doorashada Madaxweynaha iyo ta Barlamaanka is qaban mayaan, waxaanu Xisbi ahaan qabnaa dadka dhawaaqasi ka soo yeedhaya inay yihiin dadkii doonayey ama awalba ku fikir jiray in muddo kordhin la sameeyo, waxa aanu qabnaa tijaabooyin badan ayuu qarankani soo galay, oo ay ka mid tahay Diiwaangelintu, waana wada qaban karnaa labada Doorasho,waa inaynu ixtiraamna go'aankii Maxkamada iyo kuwii Golayaasha, iyo kii Madaxweyanha intaba, maanta suurtagal maaha in hawl inaga dhammaatay, aynu dib u soo celino, waxaanu ka digaynaa sabab kasta oo keeni karta in dib u dhac ku yimaado Doorashada, waxaan ILLAAHAY ka rajaynayaa inay inoo qabsoonto Doorasho xora oo xalaala”.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa mar uu ka hadlaayey Taliye xilkii lagaga qaaday booqasho uu ugu tagay Ganacsade Cumar Caydiid oo xidhnaa ayaa yidhi “Waxaan doonaya in aan kalmad ka yidhaahdo dhacdo maalin dhawayd ka dhacday saldhiga koodbuur,, waxaad ka warqabteen in halkaas lagu xidhay Ganacsade reer Somaliland iyo reer Jabuutiba ah, oo lagu booqnayey Saldhiga, waxa iiga horeeyey Saldhiga oo ku booqday Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye markii aan booqday waxa la joogay Xasan Gaafadhi iyo Marwo Ilhaan, oo labadu ka tirsan saraakiisha Xisbiga Kulmiye, waxa layaab leh in Taliyihii laga eriyo shaqada xabisagana la dhigo, oo la yidhaahdo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ayaad soo daysay inuu booqdo, waxa ka sii yaab badnayd in maanta la garnaynin cid xidha iyo cid soo daysay midna, Ciidamada Qaranka haddii ay Boolis yihiin iyo haddii ay Ciidamada kale ee qaranka yihiin intaba wey ka madax banaan yihiin siyaasada iyo ka mid noqoshada Axsaabta, anaga oo ku kalsoon waxa aanu ciidamada ugu baaqaynaa inay waajibkooda ub gutaan si qaranimo ah oo dhexdhexaadnimo ah”