Ciidanka Qaranka Oo Maanta Labaatan Jirsaday

0
608

Picture5Hargeysa(Geeska)-Ciidanka qaranka Somaliland ayaa maanta labaatan jirsaday, waxaanay maanta 2 Febarwari 2014 ku beegantahay sannad guuradii 20aad ee ka soo wareegtay 2 Febarwari ee 1994, markaas oo ciidanka qaranka la aasaasay.

Ciidanka qaranka Somaliland oo labaatankaas sannadood si fiican u koray ayaa maanta la filayaa in loo qabto munaasibado loogu dabaal degayo oo ay ka qayb geli doonaan madaxda ugu saraysa qaranka Somaliland.

Ciidamada qaranka ayaa kaalinta 1aad kaga jira ilaalinta amniga iyo xuduudaha qaranka Somaliland, waxaanay gacanta ku hayaan inta badan ee xuduudaha Somaliland