Ciidamadii Ay Al-Shabaab Kenya Ka Qabatay Oo La Geeyay Saldhiga Al-Shabaab Iyo Dawladda Kenya Oo Jaho-wareertay

0
628

Nairobi(Geeska/W.Wararka)-Dawladda Kenya ayaa weli baadi-goob ugu jirta askar tiro badan oo aan la sheegin tiradooda oo ku jira gacanta Al-Shabaab kuwaas oo lagu qabtay weerarkii Ceel-cade ee ay Al-Shabaab dhawaan ku fulisay ciidamada Kenya.

kenya

Dawladda Kenya waxa ay diyaarado dagaal oo raadinaya ciidamadaas gaysay deegaanka uu dagaalku ka dhacay. Laakiin wargeyska The star ee Kenya ayaa shalay qoray in Al-Shabaab ay ciidamad ay Kenya ka qabatay gaysay halka xarunta u ah hoggaamiyaha Al-Shabaab. Wargeysku wuxuu sheegay in askartaas Kenyanka ah oo ay weheliyaan baabuur ay Al-Shabaab Kenya ka qabsatay si toos ah loo geeyay halka saldhiga guud u ah Al-Shabaab, taas oo lagu sheegay inay tahay deegaanka loo yaqaano Jilib.

Ciidamadan la qabtay waxa ku jira taliyihii ciidamada Kenya ee saldhiga la weeraray, kaas oo isaga markii u horaysayba la xaqiijiyay in ay Al-Shabaab hayso.

Dawladda Kenya ayaa ka gaabsanaysa inay sheegto tirada rasmiga ah ee kaga geeriyotay weerarkaas iyo weliba tirada rasmiga ah ee ay Al-Shabaab gacanta ku hayso, waxaana isa soo taraya dareen cadho ah oo ay dadka reer Kenya u qaadeen Madaxweynahooda Uhuru Kenyata.

Al-Shabaab ayaa soo bandhigay muuqaalada baabuurta laga gubay ciidamada Kenya iyo weliba maydka askarta Kenyanka ah, kuwaas oo sii kordhiyay cadhada dadka reer Kenya u qabaan dawladooda.