Hargeysa (Geeska)- Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay Saddexdii qarax ee ka dhacay Magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay in aanay cidna ka baryayn Nabadgeliyada, oo aanay cidna u daba fadhiyin, oo ay ilaashanayaan.
Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo isaga iyo odayaal kale ay Shalay Shir jara’iid ku qabtay Royal Hotel ee Magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka ka dhex taagan Xisbiga Kulmiye waxaanu ku taliyey in khilaafkani aanu samayn ku yeelan Nabadgeliyada dalka waxaanu ugu horeyn yidhi “Nin-na ka baryi meyno nabadgeliyada Hargeysa, cidna isku daba taagi mayno, Shaani yar oo la tuuray haddii ay nagu kelifto in aanu Dhiigayga u daadino waanu u daadinaynaa, mana doonayno cid dambe oo meelahaas wax ku qarxisa”.
Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin waxa ay ahaayeen markii hore Niman Muhaajiriin ah, oo ka hijrooday Xukunkiii Afweyne, markii dambe Ururkii SNM soo abaabulay, kana noqday Mujaahidiin, Shuruucda Xisbigana idinka ayaa keensaday, Shuruucda Xisbigana waxa lagu ansixiyey Shirweyne, wixii Shirweyne lagu ansixiyeyna maaha in Muran iska gelisaan”.
Dhanka waxa iyana Shirkaas Jara\iid ka hadlay Salaadiiin, Madax dhaqameed iyo Cuqaal ka soo jeeda Beesha degta Koonfurta Magaalada Hargeysa ee Ciidagale, waxayna ku baaqeen in Nabadgelyada iyo Amaanka la ilaaliyo, waxayna si toos ah u taageereen Musharaxnimada Madaxweynaha.