CIA Oo Qorshaynaysa Inay Weerar Internetka Ah Ugu Jawaabto Wadanka Ruushka

0
618

Maraykanka ayaa doonaya in ay aargoosi toos ah ku sameeyaan Ruushka oo hore loogu eedeeyey weerar dhanka Internetka ah in ay Maraykanka ka fuliyeen.

1

Maraykanka ayaa marar badan ku eedeeyey in Ruushku fuliyeen weeraro badan o dhanka Internetka ah kaas oo ay ku xadeen xogo badan oo Maraykanku lahaa. Sidoo kale waxaa Ruushka lagu eedeeyey in ay doonayaan in ay saameyn ku yeeshaan Doorashada 2016 ee Maraykanka iyaga oo isticmaalaya weeraro Internetka ah.

Maraykanka ayaa hadda qorsheynaya in ay ka aargoostaan kooxaha Ruushku soo abaabuley ee weerarada danabaysan fulinaaya (Cyperattack), kaas oo ceeb ku noqon doona hoggaanka Ruushanka, sida uu qorey Telefishanka NBC.

Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka Joe Biden ayaa barnaamijka Meet the Press ee ka baxa Telefishanka NBC u sheegay in ay fariin u dirayaan Putin.

– Waxay fariintu tilmaansandoontaa boos, si wanaagsan loo doortey, taas oo yeelan donta saameyn weyn ayuu yiri Biden.

Fariinta ay Putin u dirayaan ayuu sheegay in aysan dooneyn in dadka Maraykanku ogaado, oo la shaaciyo.

Koox la sheegay in ay taageerto Xukuumadda Ruushku ayaa u dhacay Xogta Xisbiga Dimoqraadiga ee Marayknka Kunbuyuutaradooda kadibna kala baxay xog aad u badan, taas oo lagu shaaciyey WikLeaks, taas oo kaliftey in ay is casisho Guddoomiyihii Xisbiga Komishanka Xisbiga Dimoqraadiga ee Maraykanka Mrs. Debbie Wasserman Schultz.