Cali Xoor-Xoor Oo Beeniyay In La Iibinayo Dekedda Berbera

0
614

Picture4

Hargeysa(Geeska):-Maareeyaha dekada magaalada Barbera Eng.Cali Xoor Xoor, ayaa ka hadlay dekada magaalada Barbera oo muddooyinkii danbe la sheegayey in la iibinaayo shirkad la yidhaahdo Dubey World oo fadhigeedu yahay magaalada Dubey, waxaana uu sheegay in aanay waxba ka jirin wax iib ah oo lagu samaynaayo dekada magaalada Barbera, isaga oo carabka ku dhuftay in kaliya la wado barnaamij horumarin lagu samaynaayo dekada magaalada Barbera kaasi oo lagu raadinaayo shirkadii lagu aamini lahaa sidii ay horumarin balaadhan iyo maal gashi ay uga gaysan lahayd dekada Barbera si ay uga mid noqoto dekadaha u dhisan qaabka ugu casri san ee dunida.

Eng.Cali Xoor Xoor, ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Barbera, waxaaana uu sheegay in barnaamijkii horumarinta dekada Barbera la siyaasadeeyey isla mar ahaantaana bulshada loogu rogay dhinac kale oo aan sax ahayn.

"Saxaafada muddooyinkii u danbeeyey waxaa ku soo noqnoqonaayey barnaamij o dhanaaya dekada Barbera waa la iibinayaa, waxa weeyaan meesha horumarka ay dawladu doonayso oo aanu annaguna kula jirno mooyaane wax kale oo jira ma jiraan, waxaad moodaa barnaamij siyaasadeed in laga dhigtay arrinka dekada Barbera horumarintiisa laakiin maaha arrin cidna lagu eedayn karo oo haddii waxii wanaagsanaa aynu wax xun ka dhigno oo xaga xun uun ka rogno, dee waxaa ay noqonaysaa umad aan jihaysnayn ayeynu noqonaynaa, waxa weeyaan waxa wanaagsan waa in aynu wax wanaagsan u qaadanaa, waxa xuna waa in aynu wax xun u qaadanaa.”.

Eng.Cali Xoor Xoor, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu sheegay in barnaamijkan lagu baadi doonayo shirkadii ka shaqayn lahayd horumarinta iyo maalgashiga dekada Barbera aanu ahayn mid hada la bilaabay balse shirkada hada wada hadalka lagula jiro marar badan oo horeba kulamo la’la sameeyey.Waxaana uu yidhi:

“Barnaamijkaas in badan oo hore waan ka hadalnay imika inta soo korodhay ee hadalka cusub keentayna waxa weeyaan waftigii warbaahinta galay ee la'lahaa waxay tagayaan Dubey, waftigaasi muu bixin ee waxaa uu ka tirsanaa uun gudidii hore ee gacanta ku haysay arrinkaas oo ah wasiirka arrimaha dibada, wasiirka madaxtooyada, wasiira hawlaha guud, wasiira macdanta, wasiirka ganacsiga, wasiirka qorsheynta iyo aniga.Dubey lama tagin haddii la tagayna waxa la doonayo ee la'la soo kulmayaana waa  Dubey world waana shirkad weyn oo dekadaha caalamka maalgaliya, markii ugu horeysayna maahee intii ay xukuumadani jirtay dhowr goor oo hore ayaanu kulanay labada jeer ee hore barnaamijkii la waday ayuunba hadana halkii ka sii socda oo horeba waxaa loola kulmay laba jeer oo hore ama afar jeer oo hore.".

Maareeyaha dekada magaalada Barbera Eng.Cali Xoor Xoor, waxaa uu ugu danbeyntii sheegay in aan dalka gudihiisa laga heli karin maal-gashi ka feeya horumarinta dekada Barbera sidaas awgeedna ay dalka dibaddiisa uga raadiyeen shirkad dekada ku samaysa maal-gashi iyo marumarin balaadhan, waxaana uu xukuumada Siilaanyo u difaacay in ay tahay mid danaynaysa ka shaqaynta iyo horumarinta dekada Barbera.

"Dekada Barbera kuma horumarin karno maal galin aynu ka helno dalka gudihiisa laakiin waxaa aynu u helaynaa maal galin banaanka ah oo farsamadiina wadata, waxa weeyaan dubey oo qudha uun tagi mayno se shirkad Sucuudi ah ayaanu iyadana u tagaynaa marka ta ugu manaafacaadka badan ee shacabka u dan ahna waanu raaci doona haddii aanu labadoodaba dantayada iyo waxa aanu doonaynana ka waynana dee raadin tayadu halkaas ayey ka sii socon doonta. madaxweynahana yaan cay looga dhigin dekadda Berbera ayaa uu horumarin u raadinayaa, wax lagu caayo ma noqon karto, dawladana wax lagu caayo ma noqon karto, annaguna waxaanu hubnaa in aan wax qalad ahi ka soo bixi karin waayo annaga ayaaba halkan u joogna, barnaamij loolan loo galo maaha, waa barnaamij daneed, danta ay leedahay uun ha la eego oo ha loo raaco.".Ayuu yidhi Eng.Cali Xoor Xoor.