“Cali Khaliif Waa Oday Ka Muuqda Odayada Dhulbahante, Talooyin Ayaana Looga Baahanyahay”

0
661

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye ayaa hadlay Safarka Madaxweynaha, waxaanu sheegay in Madaxweynuhu ka qayb galay Shir Siyaasiya oo ka dhacay Degmada Xudun, waxaanu tilmaamay in Shirkaasi daba socday Shirkii Awr-Goobays, isla markaana Guddi u saaray.

1

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Cali Khaliif, iyo qodob kale, waxaanu yidhi  isagoo ugu horeyn ka hadlay dib ugu soo laabashada dalka ee Cali Khaliif Galaydh“Cali Khaliif Galaydh waa Oday weyn oo Siyaasiya oo ruug caddayaa, inuu dalkiisa ku soo noqdana aad baan u soo dhaweeynayaa, soo dhaweeynta aanu soo dhaweeynaynaana maaha in Deeganaada Sool, Xaysimo Buuhoodle iyo Ceerigaabo inuu isagu ka talinayo, balse Cali Khaliif waa Oday ka muuqda Odayada Dhulbahante, meesha ay hadda marayso Somaliland ayaanu kala qabsanayaa, talooyin baana looga baahan yahay”.

Xildhibaan Koore ayaa mar uu ka hadlaayey safarka Madaxweynaha ayaa yidhi “Safarka Madaxweynuhu wuxuu ahaa xogogaal u noqoshada abaarta ka taagan dalka, oo aanu anaguna kula soconay, waxa jiray  shir siyaasiya oo ka dhacday Xudun, oo shirkii hore ee Awr-goobays daba socda, meel fiican baa wax la isla dhigay iyo sidii loo sii aniba qaadi lahaa shirkii Aw-goobays, Odayguna Guddi buu u saaray”

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi “Doorashadu cid gaar ah uma taalo ee waa arin qaran, oo wakhtigeeda ayaa laga hadli doonaa”.

Xildhibaan Koore isagoo ka hadlay Turkiga ayaa yidhi “Masiirka Somaliland inaga ayaa ka talinayna, Safiir hadal yidhi ka talin maayo, xanaaq iyo qaylo uma baahna, ee waxa ku filan oo qudha mawqifkaygu waa madax banaani, taladda, masiirka, qiyamka, hogaaminta iyo xuquuqda dalka Somaliland inaga ayuu inoo yaala oo ka talinayna, Turkiguna Somaliland waxba kuma qasbi karo”.