Cali Khaliif Oo Hargeysa Sacado Kooban Joogay, Una Gudbay Djibouti Iyo Laba Wasiir Oo Ka Hadlay

0
636

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay imaasha Cali Khaliif Galaydh oo Subaxnimadii shalay ka dhoofay Madaarka Hargeysa isaga una dhoofay dalka Jabuuti, si uu uga qayb galo wejiga labaad ee wada hadalada Somaliland iyo Khatumo.

1

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo Warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada amni daro ee muddooyinkii ugu dambeeyey ku soo kordhay Gobolka Sool, gaar ahaan Magaalada Laascanood, waxaanu sheegay in amaanka Gobolkaasi uu aad u wanaagsan yahay, balse aano iyo reero is hayaa ay jiraan, waxaanu xusay in tan iyo markii loo magacaabay Wasaaradda Arrimaha Guddaha inay wax badan ka qabtay, ciidamo aad u badana la geeyey, ugu horeyna wuxuu yidhi isagoo ka hadlaya Cali Khaliif Galaydh “Cali Khaliif waa run Hargeysa ayuu Saaka (Shalay), yimid, isagoo ka soo ambabaxay dhinaacas iyo Gobolka Buuhoodle, Magaalada Buuhoodle, soo maray waddada Laamida ah, ee dhinacaas iyo Laascanood ka timaada ee soo gasha Burco, halkan ayuu saaka ku soo waabariiste, halkan ayaa Diyaarad Jabuuti u socotay isaga iyo Rag la socday ay ka raaceen, dabcan waxa filayaa inuu u socday ama u jeeday isaga iyo jabhadiisa ama kooxdiisa, Jamhuuriyadda Somaliland ku wada hadlayeen, wada hadaladu u socday, sidaas ayey kaga amba baxeen,Madaarka Hargeysa”.

Wasiirka Arrimaha Guddaha mar wax laga weydiiyey waxa uu Somaliland u soo kordhin karo ayaa ku jawaabay “Cali Khaliif waa la og yahay oo Jabhad Mucaarada ayuu Madax u ahaa, wuxuu sheeganaayey maamul  qaybo ka mid ah dalka inuu oday ka yahay ama Beelo dalka ka mid ah inuu oday u yahay ayuu sheeganayey, dawladduna wada hadal bay la gashay oo si qaboob ayaa la doonaya in arinka lagu dhameeyo, imikana wada hadalkii baa socda, wax diidmo ah, in aanu dhula soo marin, in aanu ka soo degin midna muu jirin, waxa loo ictiraafsan yahay nin muwaadin ah, laakiin qaba firkad qaba dadka baadankiisa u cuntamayn, oo dadka badankiisu ansaxayn, tii uun baa wada hadalkeeda lala waday lagu jiraa”.

Wasiirka Arrimaha Guddaha mar wax laga weydiiyey xaalada amaan daro ee ku soo kordhay Gobolka Sool gaar ahaan Magaalada Laascanood ayaa yidhi “Wasaaradda Arrimaha Gudduhu kumay fashilmin, Wasaaradda Arrimaha Gudduhu mudadii aan joogay shaqadii ugu badnayd ayey ka qabatay Gobolka sidii ay u dejin lahayd, dagaaladaas ka dhacaya waxay la xidhiidhaan dagaalo daba dheeraday, Qabaa’il ama reero hore isku hayey dhex yaala, kuwii bay ka soo jeedaan, gacantii ugu adkayd baanu ku qabanay, ciidankii ugu badnaa baanu geynay,   mudadii aan joogay, waanu ku dhex jirnaa, nabadooda ayaanu ka shaqeeynaynaa, wax rabasho oo kale oo jira ma jiraan”