Balicad(Geeska)-Cali Khaliif Galaydh oo ku magacaaban Madaxwaynaha kooxda la baxay Khaatumo, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay safarkii wasiirkii Caafimaadka Somaliland ku tagey Magaalada Buuhoodle.
Galaydh oo saxaafadda kula hadlay deegaanka Balicad oo uu u guurey markii laga saaray Buuhoodle, ayaa sheegay in intii uu ku sugnaa Muqdisho ay u suuro-gashay in Xukuumadda Soomaaliya ay u ogolatay Maamulka Khaatumo inuu noqdo maamul-goboleed; wixii horumar ahna ay Qaybtooda ku leeyihiin.
Sidoo kale, Galaydh ayaa ku dooday in Gaadiidkii iyo dadkii Wasiirka Cafimaadka Somaliland ku soo dhaweeyay Buuhoodle ayna ahayn kuwo Somaliland leedahay, balse ay ahaayeen kuwo Puntland laga leeyahay, isagoo intaas ku daray inuu xidhiidh ka dhexeeyo Somaliland iyo Puntland “Kuwa Hargaysa kasoo diray Xagla-toosiye Waxay wadaan Ruwaayad ay u dhigayaan dadkooda; isaguna Ruwaayadaas ayuu u yimid ee Annaga wax dhib ah naguma hayaan. Baabuurta xaglatoosiye ka hortimid iyo dadka ka horyimid dad Somaliland maaha, waa shacabka reer Puntland, shacabka reer Buuhoodle iyo khaatumo inay arkaan xidhiidhka u dhxeeya Somaliland iyo Puntland weeye, waanay dhacday.”
Isagoo ka hadlaya waxyaabaha ay kala hortagi karaan wufuuda Somaliland, wuxuu yidhi “Niman xabad kala hortagaya ma nihin, waa dhulkoodii, hadday yimaadaan oo dan la ogyahay oo faa’iido ah oo mashaariic ah u wadaan ahlan wasahlan gaalaba waa lga qaadanayaa, laakiin hadday fadqalalo iyo waxaan dadka dantooda ahayn wadaan, dadkaan u dulqaadanaynba.” Ayuu yidhi Cali Khaliif oo u muuqda inuu soo dhaweeyay mashaariicda horumar ee Somaliland.