Cali Gurey Oo Ka Jawaabay Eedaymo Ay Xukuumadu U Jeedisay Xisbiyada Mucaaradka Ah

0
704

Picture4Hargeysa(Geeska):-Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Mujaahid Cali Yuusuf(Cali Gurey) ayaa si adag uga jawaabay eedaymo ay Xukuumada Siilaanyo u soo jeedisay Xisbiyada Mucaaradka ah,ku waasi oo ku eedeeyey in ay Axsaabta Mucaaradku ay iyagu xidheen Xuduudaha Xidhan ee dalalka Itoobiya iyo Jabuuti.waxana uu tibaaxay in aanay waxba ka jiirin in Xisbiyada Mucaaradku ay Xidheen Xuduudka ay Somaliland la leedahay Dalalka Itoobiya Iyo Jabuuti.

Mujaahid Cali Cali oo shaley qaar kamida warbaahinta kula hadlaayey magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Xukuumadu ay ogtahay sababaha loo xidhay Xuduudka dalalka Somaliland la jaarka ah,waxaana uu carabka ku adkeeyey in hadii aanay awood u lahayn in ay soo furan Xuduudka ay meesha baneeyaan si ay Mucaaradku u soo furaan. "Xuduudahan inagu wada xidhmay ee Jaarka oo ay Xukuumadu dhawr goor ka hadashay,warkii ugu danbeeyey ee ka soo baxay Wasiirka Arrimaha guduhu waxaa uu ahaa Xuduudahan Xidhitaankooda waxaa ka danbeeya Mucaaradka,waxaan idiin sheegayaa Xukuumadu waa ay ogtahay sababaha loo xidhay Xuduudaha anaguna waanu ognahay haday sheegi waayeen annaguna sheegi mayno,laakiin waxaan Wasiirka leeyahay haddii uu mucaaradku Awood u leeyahay in uu Xuduudaha Itoobiya iyo Jabuuti uu xidhi karo furina karo dee iskaga taga aanu furnee,Wasiirka Arrimaha guduhu waa uu ka hadlay mar uu isagu ka imanaayey Itoobiya waana uu sheegay nay ka wada haleen kuna qanceen sababaha loo xidhay xadka oo ay la xidhiidho arrimo nabad galyo awgeed".Ayuu yidhi Mujaahid Cali Gurey. Cali Yuusuf waxaa uu sida oo kale ka hadlay eedaymo uu Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Siilaanyo Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) u soo jeediyey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna sida oo kale Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi,kaasi oo uu ku eedeeyye in uu muddo Shan sano ah oo sharci darro ah uu kordhistay,waxana uu carabka ku dhuftay in Golaha Baarlamaanka ay Xilka u kordhisay Xukuumada Siilaanyo,waxana uu  yidhi:  "Wasiirka Warfaafintu waxaa uu Baarlamaanka ku eedeeyey gaar ahaan guddoomiyaha Baarlamaanka in uu Shan Sanadood uu kordhistay,waana aynu naqaanaa oo marka Madaxweynaha Muddo kordhin loo samaynaayo qodabka 82-ee Dastuurka ayaa caddeeya xaaladahaas oo waxaa kordhiya Guurtida,Baarlamaanka se waxaa kordhiya Madaxweynaha,Shantan Sanadoodna waxaa kordhiyey Madaxweynaha oo ah muddadii ugu dheerayd oo la sameeyo muddo kordhin,waxaana ay ahayd xilli ay shir gudoonka Wakiilada iyo Madaxtooyadu bogooda burcad laysu mariyey oo ay isjeclaayeen oo ay shuruucda siday wada doonaan u wada dhigan jireen oo ay kan iyo keerba isu siin jireen oo ay isku marnaayeen.kolkay imika kala dano noqdeen in ay isku eedeeyaan waxii ay iyagu hoos isula ogalaadeen maaha,markaana anagu waanu diidanayn oo waanu ka soo hor-jeednay". Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Yuusuf waxaa uu sida oo kale madhalays ku tilmaamay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya uga socda dalka Turkiga,waxaana uu ugu baaqay Xukuumada Madaxweyne Axmed Maxmed Maxamuud (Siilaanyo) in ay si gabi ahaanba ka baxda wada hadaladaasi. "Wadahadalada Turkigu waa wada hadalo madhalays ah oo bohona,oo gudhan  oo galoof ah oo wax allaale iyo wax ka soo baxayaa aanu jirin Ijiid aanu ku Jiidana waa gacmo daalis.Wadahadaladana hadaanad hadaf ka lahayn ama dee aanad dalxiis ahayn oo aanad islahayn dabeda iska soo yara daawo oo Turkiga tag wax wada hadaladaasi ka dana ma jiraan waan soo jeedinay imikana waanu soo jeedinaynaa,waxaan leenahay wadahadalada Turkiga waxaa ka fiican in aynu iskaga baxno haddaynu nahay Somaliland kana bixi maayaano waxaad arkaysaa Somaliya mar qudha ma soo hadal qaadaan wada hadaladaa dan iyo muraadna kama laha ma jecla,Qolada ay kaga dhagan tahay ee wad wadaa ee aad moodo in ay Xiisaynayaan oo xiise dheerada u qabaan waa Somaliland waxaan anagu leenahay Iskaga baxa"Ayuu yidhi Mujaahid Cali Gurey.