Cudurka Afingiriisiga lagu yidhaahdo ‘Heart Attack’ oo aynu afkeenna ugu turjunnay Wadne-Qabad ayaa ah in dhiiggu uu mar keliya si kidis ah uga go’o wadnaha, arrintaas oo inta badan ku timaadda xididdada dhiigga keena oo qarxa ama xidhma, sidaasna uu dhiiggu kaga joogsado wadnaha.
Wadneqabadku oo ka mid ah xanuunnada loogu dhimashada badan yahay dunida maanta sida ugu habboon ee looga hortegi karaa waa in la’ la socdo bilowga calaamadihiisa oo inta badan la arko bil ka hor inta aanu dhicin, sida uu ku warramay degelka Daily Health ee arrimaha caafimaadka ka faallooda oo uu Geeska Afrika turjumay qaar ka mid ah calaamadaas lagu arko qofka xanuunkani ku soo fool leeyahay, kuwaas oo qofku haddii u uisku arko ay ku qasab tahay in uu dhaqso ula xidhiidho dhakhtar takhasus ah, si loo ogaado in ay tahay digniin tilmaamaysa in wadne qabad qofka ku soo fool leeyahay. Haddaba calaamadahaas waxaa ka mid ah:
Laabta oo culays / cadaadis laga dareemo
Calaamadaha ugu waaweyn lagu garan karo in xaalad wadne qabad qofka ku soo waajahan tahay waxaa ka mid ah in la dareemo culays ama cadaadis badan oo laabta saaran, taas oo inta badan ku timaadda halbawlaha oo qayb ahaani xidhan tahay awgeed.
Waxaa qalad ah in sida marar badan dhacda uu qofku dhayalsado cidhiidhigaas, ama wadnaha oo garaaciisa khalkhal ku yimaaddo, sida in uu siyaado ama isku daro deg-degis iyo haddana dib u dhicis iwm, qaybta saree e laabta ama garab ama gacanta oo qofku ka dareemo cadaadis aad u badan ayaa iyaduna calaamad muhiima ah.
Calaamadaha hargabka
Qufac joogto ah ayaa iyaduna ah calaamad muujin karta in dhiiggu aanu sidii saxda ahayd u wada gaadhayn jidhka, sidaa awgeed waa in aan la dhayalsan oo dhaqso dhakhtar looga latashadaa.
Dhidid iyo dawakhaad
Qofka oo si joogto ah oo aan sabab la sheegi karo lahayn u dhidida, si joogto ahna u dareema dawakhaad / wareerid, waxa ay taasi calaamad u noqon kartaa in dhiiggii maskaxda gaadhayey uu ka yar yahay intii loo baahnaa, taasina waxa ay ku iman kartaa xididdada dhiigga oo buka, ama xidhan.
Maskaxdu in ay dhiig heshaa waxa ay muhiim u tahay shaqadeeda oo dhan. Marka ay dhiiggaas saluugto waxa ay maskaxdu soo deysaa hormoonno digniin ah oo xaalad degdeg ahi in ay jirto tilmaamayaa, waana kuwaas keenaya dhididka iyo wareeridda labadaba. Sidaa awgeed xaaladan oo kale waxa ay u baaahan tahay in degdeg dhakhtar loo tuso.
Burbur iyo daal
Cidhiidhi ku yimaadda xididdada wadnaha dhiigga ku habaa waxa ay keentaa in aanay wadnaha iyo guud ahaan jidhka oo dhamiba helin dhiig ku filan, taas oo muddo jiitanta qofka ku keenta daal, burbur iyo wahsi badan ama tamar la’aan, ayaa aakhirka keenta in dhiiggu ka wada joogsado wadnaha oo ay dhacdo xaaladda wadne-qabadku.
awooddarro guud
Marka ay jirto xaaladda ah in aanu wareegga dhiiggu si fiican u socon ama aanay xididdadu si dabiici ah dhiigga u wada qaadayn, waxaa dhacda in muruqyadu ay waayaan dhiig ku filan, taasina ay caqabad ku noqoto shaqadooda, arrintaasina waxa ay qofka ku keentaa awoodd darro badan.
Neefsiga oo cidhiidhi noqda
Suurtogal uma aha sababadu in ay si sax ah u shaqeeyaa haddii ay dhibaato dhinaca wadnaha ahi jirto. Waayo hoos u dhac ku yimaadda dhiigga wadnaha gaadhayaa waxa ay caqabad ku tahay shaqada sababbada. Marka ay sambabadu waayaan dhiig ku filanna waxaa hoos u dhacaysa awooddii ay u lahaayeen neefsiga saxda ah.
Haddii aad cidhiidhi dhinaca neefta ah isku dareento waxaa jirta khatarta ah in wadne qabad iman karo, sidaa awgeed waxaa muhiim ah in aad dhakhtar la xidhiidho, si guud ahaaneedna xaaladaha aynu soo sheegnay oo aad midkood ama dhammaantood isku aragtaa waa digniin khatar sheegi karta sidaa awgeed waa in aad dhakhso ugu tagto dhakhtar ku takhasusay cudurrada wadnaha.
In waqtiga ku habboon aad dhakhtarta u tagtaana waxa ay ka hortag u noqonaysaa in aad ka hortagto cudur naftaada galaafan kale, oo ku soo fool leh wadnahaaga.