Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan-Cirro), ayaa ugu baaqay xukuumadda Madaxweyne SIILAANYO inay curiso sharcigii lagu maamuli lahaa hantida qaranka Somaliland leeyahay ee Guurtada iyo ma guurtada, isla markaana waxa uu ku sifeeyey hab-dhaqanka xukuumadda talada haysa ee wakhtigan inay ina tusinayso inay sii tahriibayso.
Cabdiraxmaan-Cirro waxa uu sidaa ku sheegay mar uu shalay ka hadlayay Xaflad lagu wanqalay Xafiis Cusub oo Xisbiga WADDANI ka Furtay Degmada Axmed Dhagax ee Gobolka Maroodi-jeex ee Magaalada Hargeysa.
“Farxad weyn ayay ii tahay inaan ka soo qeybgalo degmadii ugu horeysay ee Gobolka Maroodi-jeex oo aanu si rasmiya Xafiiskeedi u furno, waxaan u mahadnaqayaa Cidkasta oo hawshaasi ka qeybqaadatay oo gacan ka geysatay….waxaan idinka mahadnaqayaa inaad garateen sababta la idiinku soo horeysiiyay…..waxa la yidhi Hargeysi markay toosayso waxay ka toosta halkan (Axmed Dhagax), waxaanan idiin nimi wakhtigii ugu haboonaa.”Ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Cirro. Mar uu Cabdiraxmaan Cirro la hadlayay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo waxa uu yidhi“Waxaanu idiin nimi wakhti uu dalku ku jiro xaalad adag, oo aad ka warqabtaan xaalada ka taagan Golaha Wakiillada.Dawladanimadu waa ku dhaqanka Sharciga, dawladnimadeena markanu adkeynayno waa inaynu ku dhaqanaa sharciga, waa inaynu ku dhaqanaa Dastuurka, Golaha Wakiillada Somaliland waxa uu u taagan yahay inuu shuruuc sameeyo, oo uu xukuumadda ku sameeyo dabagal,inuu dadka ka wakiil yahay, shaqada ugu muhiimsan ee aad u doorateen waa intaas, intii way hayaan, waxay difaacayaan sharciga iyo Dastuurka. Wixii awood ah ee xukuumadda sharcigu siiyay Golaha Wakiilladu uma diidana inay hanti iibin karto, laakin waxa la leeyahay sharciga ha waafaqsanaato, sharcigii hantidan lagu maamuli lahaa ha keento.” Xaalada maanta qarankeenu taagan yahay waxa la doonayaa in la bad-baadiyo,“Waxaan imika u soo jeedinay xukuumadda inay soo curiso sharcigii lagu maamuli lahaa hantida qaranku leeyahay ee Guurtada iyo ma guurtada oo aan la odhanin Aqalkii Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf ayaa qirin-qiir ku jira….Xukuumaddu marar baddan waxay tidhaahdaa wax ayaanu dhisnay bal idinku baadha’o imisa Guri ayay dhistay? Imisa Gurina way iibisay? Tirada la garanmaayo ee waxa la leeyahay waa shanboqol iyo lix boqol iyo toddoba boqol iyo qaar aynu ognahay iyo qaar aynaan ogayn-ba…dhismayaasha ay xukuumaddu dhistay waxay noqonayaan tobban ama dhowr iyo tobban inta baddana waxa dhisay hay’ado caalamiya…..Xaalada maanta qarankeenu taagan yahay waxa la doonayaa in la bad-baadiyo, cidda ugu horeysa ee mutadawiciina ee xaggii SNM-ta ku jirtaa waa Xildhibaanada Golaha Wakiillada intii xil-isasaartay, laakin Ciidanku waxa uu u baahan yahay Ciidan daba-fadhiya waxa uu u baahan yahay saad iyo Hub, intiiba waa idinka”Ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Cirro “Waxaanu diyaar u nahay inaanu umaddayada u adeegno, oo aan sifaha sharciga ugu adeegno, oo wixii aanu sharci-darro u aragno ka qabano, … inaga oo wax difaacayna, innaga oo sharciga ku taagan, innaga oo Golaha Wakiillada taageereyna”Ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Cirro
Cabdiraxmaan-Cirro waxa uu ku sifeeyey hab-dhaqanka xukuumada Madaxweyne SIILAANYO wakhtigan ku dhaqmayso sidii xukuumad is dhiibtay waxaanu yidhi“Waxaad moodaa qolada xukuumadda KULMIYE waxay u dhaqmaysa xukuumad is dhiibtay oo aan doonayn inay dalka dib ugu soo noqoto, oo aan shacbiga waxba ka rabin, haday nabadgelyada tahay, haday sida loo maamulayo tahay, haday shacabka maalinkasta la dhibaateynayo tahay,haday shacbiga la tooganayo tahay ee aan hubeysnayn.Haddii ay tahay dhibaatooyinka waa weyn ee maaanta ka taagan arrimaha dibada waxaas oo dhami waxay ina tusinayaan inay xukuumaddu sii tahriibayso”.