Cabdiraxmaan-Cirro Oo Booqyda Suuqyada Kala Duwan Ee Hargeysa

0
657

Picture3

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha  Barlamaanka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxman Cirro), ahna hoggaamiyaha Waddani ayaa u kuur galay xaalada dhabta ah ee ay ku nool yihiin Bulshada magaalada Hargeysa ee ku ganacsada suuqyada kala duwan ee caasimadda Hargeysa.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxman Cirro) iyo Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga, ayaa Shalay Subax, si kedis ah booqosho ku tagay Suuqa Gobonimo iyo qeybo ka mid ah Suuqa Waaheen, waxaana ugu horeeyn ku horeeyey Meherada ka furan Kheyriyada ama Diyaarada hoosteeda, halkaas oo uu kula shaaheeyey qaar ka mid ah Bulshada ku dhaqan Caasimadda oo goobahaas ku sugnaa, kuwaas oo aad  u soo dhaweeyay kormeerka indho indhaynta ah ee guddoomiye Cirro, waxaanay uga warameen xaaladaha dhabta ah ee suuqyada iyo nolosha.

Intaas kadib ayaa Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan Cirro), uu u sii gudbay Meherado kale oo Suuqa Waaheen ku yaala, waxaanu Bulshada ugu baaqay inay isku duubnadaan oo ay qaranimadooda meel uga soo wada jeestaan.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa markii uu Suuqa Waaheen uu ka tagay u sii gudbay Suuqa Gobonimo, gaar ahaan waxa uu si lama filaan ah uu u tagay Xisbiga, oo ah xarunta ugu weyn ee Ganacsiga, ee ay ku ganacsadaan dadka xoogsatada ahi, waxaanu halkaas kala kulmay soo dhaweeyn aad u balaadhan, isaga oo ugu baaqay inay halkaas ka sii wadaan ganacsigooda, halka ay dadkiina ay sheegeen inuu yahay Masuul aad iyo aad u wanaagsan oo Bulshada ku xidhan, isla markaana Masuuliyiinta la mid ahi aanay u iman aragna.