Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga Waddani sidoo kalena ah guddoomiyaha golaha wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shalay booqasho ugu tagay mujaahid Muuse Giire oo muddo u jiifay xanuun haleelay.
Guddoomiye Cirro oo ay weheliyeen qaar ka mid ah mujaahidiintii SNM, ayaa gelinkii hore ee jimcihii shalay booqasho ugu tagay Mujaahid Muuse Giire, oo ka mid ahaa mujaahidiinta ururkii SNM ee dalka xoreeyay, isagoo halgankii SNM si weyn uga qayb qaatay.
Guddoomiye Cirro, ayaa sheegay inuu Mujaahid Muuse Giire, ugu tagay si uu ugu muujiyo in umadda reer Somaliland abaal ugu hayso halgankii uu galay ee SNM, islamarkaana uu Alle uga baryayo inuu caafimaad taam ah siiyo, “Waxaa fursad qaali ah ii ah in aan maanta [shalay] gurigiisa ku soo booqdo muj. Muuse Giire oo ah raggii halgankii SNM bilaabay hadii ay hub tahay iyo haddii ay ciidan ururin tahay maantana aynu arkeyno xaalada caafimaad ee uu ku sugan yahay qarankani dadka Muuse oo kale ah muu ilaabin maalin uun baa loo abaal gudi doonaa inshaalah.” ayuu yidhi guddoomiye Cirro oo intaas raaciyay “Waxaanan qaranka Somaliland u soo jeedinayaa ragga uu Muuse ugu horeeyo in ay kaalinta ay dalka ku leeyihiin ay helaan.”
Wuxuu Alle uga baryay inuu caafimaad taam ah siiyo, isagoo ka sheekeeyay taariikhdii uu Mujaahid Muuse Giire ku lahaa halgankii SNM ee Somaliland lagu xoreeyay.
Mujaahid Ooto Biixi Caalin, oo isna guddoomiye Cirro ku weheliyay booqashadaas, ayaa sheegay in Muuse Giire, Lixle iyo Quule Aadan Dool ay ahaayeen raggii ku dhiirigeliyay inuu u talaabo oo uu ka qayb qaato halgankii SNM “Waxaan garanaya mujaahidkan , Quule Aadan Dool iyo lixle oo mafrashkii ina Aadan fadhiista waana ragii aniga I tashkiiliyey ee igu yidhi u talow SNM oo ciidankii Maxamed Cali u tag guri walba nin noocaas ah baa jiifa raga balan qaadka u sameynaya mujaahidiintii SNM ee maanta musharaxiinta ah waxaan leeyahay SNM waxaa ay noqotey waraabe waraabeyaal ka hadhay “ ayuu yidhi muj. Ooto Biixi.
Ooto Biixi, wuxuu sheegay in Mujaahid Muuse Giire, lacag aad u badan oo uu kala yimid Sucuudiga uu geliyay halgankii dib u xoraynta dalka ee SNM isagoo wakhtigaas ku sugnaa magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya, waxaanu in badan ka qayb qaatay hoggaaminta qorsheyaashii siyaasadeed iyo milatari ee SNM.
Caaqil Cabdillaahi Maxamed Cali (Hadi), oo isna halkaas ereyo kooban ka yidhi ayaa tilmaamay doorkii uu Mujaahid Muuse Giire ka qaatay halgankii dib u xoraynta SNM.
Mujaahid Muuse Giire, ayaa ugu dambayn guddoomiye Cirro uga mahadceliyay booqashada uu ugu tagay, waxaanu muujiyay sida uu ugu farxay booqashada guddoomiye Cirro oo ah murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani.