Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Oo Ka Digay In Doorashada Madaxtooyada Dib Loo Dhigo

0
646

Picture6Hargeysa  (Geeska)-Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, oo ka mid ah Siyaasiinta Madasha Wada-tashiga, isla markaana hore uga mid ahaa Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweynaha xumaan mooye aanu wanaag ka dhex oolin, isla markaana uu qiray waxa uu qabtay, waxaanu sidoo kale uga mahadnaqay qorshaha Doorashooyinka Qaadhaan bixiyayaasha, Wasiirka Maaliyadda iyo Xisbiyada Qaranka .

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo sheegay in qaar ka mid ah Wasiiradu ay Madaxweynaha ka hortaagan yihiin dhamaystirka Diiwaangelinta, waxaanu Madaxweynaha ugu baaqay in aanu Wasiiradiisa talo ka qaadan ee uu ku dhaqaaqo fikirkiisa, oo uu dhamaystiro Diiwaangelinta, si Doorashada  loo galo.

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo shalay ka hadlay Shir Jaraa’iid oo Madasha Wada-tashigu ku qabtay Crown Hotel, ayaa sheegay inuu Madaxaweynuhu iska ilaaliyo  Dhabihii uu Daahir Rayaale qaaday Sannadkii 2008, wakhtigaas oo Doorashada  dib loo dhigay, balse uu ka badheedho, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay   “Muddo dheer waxa aan ahaan jiray Guddoomiye ku xigeenka labaad ee XIsbul xaakimka Kulmiye, muddo badan ayaanu Mucaarad ahayn,  dood badan ayaa na soo maray oo Doorashooyinka ku saabsan, waxa aan ogahay in Dawladaha Afrikanka gaar ahaan Dawladda Somaliland inay jecel yihiin inay sii fadhiyaan oo Doorashooyinka carqalad galiyaan, oo cudur daar aan wax ka soconaynin ay la yimaadaan, taas waanu ka baaran degsanahay, xeeladaha ay wadi karaana waanu la soconaa, ilamana aha inay arintaas wax ka socon karnaa, waxa aan doonaya inaan dhawr Nin halkan uga mahadnaqo, horta Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaan u mahadnaqaya, waad ogtihiin anagu iskuma wanaagsanin, xumaan mooye wanaag naga dhexeeyo,  laakiin Nin walba intiisa waa la siiya, markii aanu isku Kulmiye aanu ahayn waxa uu ahaa Nin Dimuqraadiyada aaminsan, oo mar walba carabka ku dhufta  geedi socodka Dimuqraadiyada buu ahaa, waxa uu ahaa Nin ka soo horjeeda oo diidan kordhistii ay Dawladdii markaasi ay doonaysay inay ku kacdo ka soo horjeeda, oo Xaaraan ku sheegi jiray, Youtube-kana waa laga arki karaa isaga oo leh Mr Daahir Rayaale kuuma aqoonsayno Madaxweyne haddii ay maalin kugu dhaafto, Taariikhdaas ayuu leeyahay, Taariikh wanaagsana weeye, mid kalena wuu ku mahadsan yahay oo Barlamaanka intii is hor taagay 2012, wuu caddeeyey oo waxa u yidhi Maalin lagu dari maayo, wuu ka badheedhay,ta Saddexaad ee uu ku mahadsan yahayna waxa weeye inuu sheegay, saxeexayna inay Diiwaangelini dhacayso, oo Doorashado wakhtigeedii qabsoomayso”.

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxa kale oo mahada leh Wasiirka Maaliyada, lacagtii looga baahnaa halkaas ayuu soo dhigay oo waxa uu yidhi Lacagtii waa diyaar, oo wuxuu yidhi waxba igamama xidhna aniga.

Waxa kale oo mahad leh Nimanka Deeq bixiyayaasha ah iyana wey soo dhigeen oo wey inala dadaaleen, wax kasta wey inala diyaariyeen, nidaamkii ayey inoo dhigeen, oo kharashkooda intii ku baaqi ahayd halkaas ayey dhigeen. Saddexda Xisbina wey mahadsan wey qaateen, wey aqbaleen, weyna isla saxeexdeen, Komishankuna uu mahadsan yahay oo inuu arintaas hirgeliyo ayuu diyaar u ahaa, waxa aan is idhaahda waxa aad tahay Nin Maskax leh ayaad tahay oo wax walba fahmee Saladu halkee ayey ka xidhmi la dahay, haddii intaas oo marxaladood dhaceen maxa carqalad ku ah, Doorashadii wakhtigeedii ayey dhacaysa ayaa la yidhaahda, dawladdana marka aynu la hadalno waxa ay tidhaahda Maalin lagu dari maayo, haddana wixii suurtagelin lahaa oo ah Diiwangelinta Dawladdii wey dhaqaajin ladahay, anagu sirta ma hayno ee waxa mararka qaar la yidhaahda Wasiiro awood weyn baa ku fadhiya arintii, oo Madaxweynihii wuxuu saxeexay diidan inuu fuliyo, anagu ma hubno taas, laakiin haddii ay taasi jirto waa jab iyo hoog, goorma ayeynu arki jirnay Wasiir Madaxweynihiisi ka hor yimaada, Madaxweynaha waxa aanu u sheegaynaa oo aanu ka codsanaynaa Raggaasi haddii ay jiraan oo ay iyagu ku fadhiyaan bahashii oo ay Diiwaangelintii carqalad ku wadaan, oo marba marmarsiiyo sameeyanyaan, dalka dantiisa ma wadaan, adiga dantaada ma wadaan, dantii Somaliland ma wadaan, tii shacabka ma wadaan, tii nabada ma wadaan, adiga ayaa awoodi leh, inaad Nimaankaas dadka ka qabatid, oo arintaas hirgelisid, adiga ayaanu kaga fadhinaa oo ay waajibkaaga tahay”.

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Dawladdu waxa ay inoo caddeeysay oo marar badan ku dhawaaqday oo Saaxibkay Dhuxul oo ah Afhayeenka Madaxtooyada oo ah Nin aanu isku wanaagsan ahay, uu yidhi “Doorasho aad ogtihin inaydaan helayn, oo la idinka helaayo maxaad kaga deg degaysaan”, waxa aan leehay  waxba kama qabno haddii aynu Doorasho galno, oo la idin doorto Salaan iyo hambalyo ayaan idinku daraynaa, balse dareenka meesha jira waxa weeye in la leeyahay Nimankiinani waad ka baqaysaan Doorashada, waxba lagama baqo, UDUB 2008 Doorashada wey ka baqday, waxa aan u maleeynaya Nimankii Daahir Rayaale kula taliyey bahasha dib iskaga dhig inay Sillaanayana kula talinayaan dib iskaga dhig, waxa aan hubaa Maalintii haddii uu Daahir Rayaale geli lahaa Doorashadaas oo aanu 2008 dib u dhigeen uu naga heli lahaa ama in yar ayaanu kaga heli lahayn,  markii dambe ee laga galay 2010, waanagii dhulka ku masaxnay, waxa aan leehay  ha ka baqina oo tii iska ilaaliyo haddii aad Siyaasi tahayna waa la badheedhaa, Ninka Siyaasiga ah ee baqaa inuu dhacaa waa sidii Nin Ciyaar ciyaaray oo yidhi in la iga badiyo ma ogoli,  haddii aad heshaan waanu idiin tahniyadaynaa, haddii aad kalena si wanaagsan ayaad u dhiibi doontaan”.

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir isaga oo ka hadlaaya Dimuqraadiyada Somaliland ayaa yidhi “Somaliland mushaakil badan ayaa jira, cadaw badan ayeynu leenahay, arimaha inoo bisil ee faa’iidada inoo leh ee Caalamku inagu eega, waxa ka mid ah Dimuqraadiyada, haddii ay inaga xumaatana waxa dhacaya laba wax, Caalamka oo fara baas imika inagu hayaa albaabada ayuu inaga xidhanayaa,Somaliland oo Wadan dambe Ictiraaf u doonaysaa ma jirto, ta kale Nabadeeni ayey khalkhal gelinaysaa, anagu haddii aanu nahay Madasha kursi dooni mayno, Dawladdan iyo ta soo socotaba kursi ka dooni mayno,Niman kursi ku tartamaya ma  nihin, laakiin xaqaygaa odhanaya Doorasho ayaanu xaq u leenahay cid aanu uga tanaasulaynaa ma jirto, anigu Nin dagaal ma ihi, waligay maan dagaalamin, Nin dhaawacan oo Dhabarka  ka jabay ayaan ahay, laakiin se Nina ka yeeli maayo haddii la igu xidhayo iyo haddii la igu dilayaba Doorasho la’aan ayaan kugu xukumayaa, ina kala badbaadiya, oo xaqa aynu ku kala socono, ina tartansiiya oo Saddexdiina Xisbi kii hela ayaanu anagu taageersan ahay,laakiin Nina xaaran nagu xukumi maayo”.