Cabdiqaadir Obsiiye Oo Ku Taliyay In Distoorka La Furo

0
636

Hargeysa(Geeska)–Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye Oo Ku magac Dheer  Madaxweynaha Mustaqbalka ayaa Mar kale ugu baaqay Goleyaasha Baarlamaanka Somaliland inay Xeerarka horyaala ee ay Qorshahooda wadaan ku daraan in Dastuurka la furo oo la ogolaado Musharax Madax Bannaan oo aan xisbi ka sharaxnayn inuu ka qayb qaato tartanka Doorashooyinka Madaxtinimada ee la qorsheeyay inay  dalka ka dhacaan Sanadkan Fooda inagu soo haya.

1

Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo Baaqan  Golaha Wakiilada  ayaa si adag ula hadlay Golaha Wakiiladda,islamarkaana u soo jeediyay inay Xeerarka ay gacanta ku hayaan ee ay wadaan ku daraan ina Dastuurka la furo oo la xalaaleeyo in Musharax Madax Banaanin ka qayb qaato Doorashooyinka Dalka ka dhacay,Waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Waxaaana ugu baaqayaa Golaha Wakiiladda inay Hawl maalmeedkooda ay hadda gacanta ku hayaan iyo Xeerarka ay wadaa ku daraan Qodobka ogolaanaya in la furo Dastuurka,si loo helo Musharax Madax bannaan,Waxaan Mar Kale,mar saddexaad iyo Mar Afraadba ku celinayaa Inaanay iska dhaga tirin Baaqa Siyaasiyiinta Doonaysa Musharax Madax bannaan iyo doonista Shacabka,ayaan si gaar ah fariinta u gaadhsiinayaa Baarlamanka iyo Madaxweyaha Dalka”.

Siyaasiyi Cabdiqaadir Cali Obsiiye ayaa sheegay in Somaliland u baahan tahay in la helo Hoggaamiye Wanaagsan oo gaadhsiiya Horumar muuqda oo la mid ah ka ku tallaabsadeen Dalalka ay isku mar qaateen Xornimada,Waxa la gaadhay Wakhtigii aynu ka dhaqaaqi lahayn halka aynu taaganahay ee ay inagaga tageen Dawladihii iyo Dadkii inala faca ahaa. Waxa la gaadhay Wakhtigii aynu ka kori lahayn oo aynu jebin lahayn deyrka innagu xeeran ee ah Qabyaalad, Nin Jeclaysi iyo Hunguri, taasina waxay ku imanaysaa in la igala eego fikirkan ee aan jeedinayo oo la qaadaa dhigo, la rog-rogo, hadday tahay Xukuumadda, hadday tahay Goleyaasha Qaranka iyo Bulshadaba.”

Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiyay ayaa sidoo kale Waxa uu yidhi “Waxaynu u baahan nahay Madaxweyne wanaagsan oo Diin leh oo halkan aynu joogno innaga dhaqaajiya,kaasi Waxa uu ku imanayaa Doonista Shacabka haddii kale waxa ay umadu u afduubnaanaysaa Ashkhaas aan doonista Shacabka ku iman oo nidaamyo kale ku yimid,sida haddaba ay ku socoto”.