Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa si ay khibrad iyo waayo aragnimo siyaasi ah ku jirto uga digay in si fudud lagu wareejiyo haamaha shidaalka oo ay xukuumadu u qorshaysay inay ku wareejiso shirkado dhawr ah oo qaarkood dhawaan la aasaasay.
Md. Cabdiqaadir Jirde, oo shalay saxaafadda la hadlay ayaa si weyn u soo dhaweeyay warbixin ay shalay golaha horkeeneen guddiga ilaalinta hantida qaranku ee ay kaga digeen wareejinta haamaha. Isago ka hadlaya warbixinta ay golaha keeneen guddigu, lana hadlaya golaha wakiilada, wuxuu yidhi “Awoodda ay xeer hoosaadka ku leeyihiin ayay ka mid tahay hawlahaas inay daba galaan waxaanay u shaqaynayaan qaranka, waxay xisbi ugu adeegayaan iyo ashkhaas maaha, warbixintana golahaa leh oo ay horkeeneen, waana warbixin aad u wanaagsan, mucda warbixintuna waxa weeye wareejintan haamaha la wareejiyay horta dhab ma tahay waynu u baranay waynu naqaanaa xukuumadu marnaba ma cadayso oo ma sheegto oo heshiiskii ma keento, inay wareejisay way cadahay laakiin heshiis la keenayaa nooma muuqdo. Baarlamaanku hadduu dabageli waayo waa baarlamaan xilkiisii gudan waayay, waa meel ka dhac in xildhibaanada baarlamaanku ay suuqa ka soo helaan haamihii ayaa la wareejiyay, waxa muuqata inaanu baarlamaanku fulinta ka haysan meeqaamkii uu lahaa.”
Isago hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Haddii aanu maanta sidaas kaga hadhnana dee khaaaraha dhacaya waad garanaysaan. Dawladu wax way wareejin kartaa oo shuraako ayay cid kula geli kartaa laakiin qawaaniin ayay leedahay. In dad gaar ah dhabarka laga taabto meesha ma taalo, muwaadin kasta oo reer Somaliland ah oo khibrad iyo aqoon u hayaa waa inuu tartankaas gala. “
Cabdiqaadir Jirde, oo hadalkiisa sii watana una muuqda inuu khibrad ku dhaliilayo in shirkadaha la hadal hayo lagu wareejiyo haamaha shidaalka islamarkaana isweydiinaya hantida ay shirkadaha lagu wareejinayaa haystaan, wuxuu yidhi “Wuxuu guddoomiyaha guddigu inoo sheegay in 18-kii bilood ee u dambeeyay lacag ku dhow 24 milyan oo dollar ka soo xerooday, meelo wax lgu qabtay way jiraan laakiin miisaaniyada kama muuqato. maxaa kelifay in shirkadaha la yidhaahdo idinku maanta qaata ma qolada haamaha ayaa xilkii ka soo bixi wayday, ma lacagtaas lacag ka badan ayaa laga doonayaa inay soo saaraan, meesha sanadkii ka soo baxaan 24 Million oo doolar ninka lagu wareejinayo ee raasamaalka lihi waxa laga yaabaa inaanu haysanba 24-ka Million ee sanadkii ka soo baxaya markaa muxuu ku doonayaa, soo maaha uun naas nuujin iyo nin la kobcinayo, 24-ka milyan ee ka soo baxa marka ay dawladu wareejinayso waxa weeyaan awoodayadii ayey ka waynaatay oo anagu lacag uma hayno.”
Wuxuu Jirde dib ugu noqday wakhtigii uu Marxuum Cigaal haamaha Total ku wareejiyay iyo sababta keentay, waxaanu yidhi “markii marxuunku wareejinayey shirkadihii ka shaqaynayay doodu waxay ahayd ma awoodi kartaan haamahan dayactirkooda, waxaad haysataana ma kafayn karaan dayactirka haamaha, markaa haka dhiganina naas la maalo uune in wax la galiyo ayaa loo baahan yahay, yeynu doonananay markaas shirkad Caalami ah oo hantida intaas leeg haysata oo Total la yidhaa awoodna u leh inay hantida intaas leeg galiso waxay galisana hadhaw halkaas kala soo baxdo. Baarlamaankana waajib ayay ku tahay, xiniinyo la isma amaahiyo, awoodu baadi ma noqoto, hadduu baarlamaanku awoodiisii qabsan waayo fulinta qaadatay, baarlamaanku waa inuu awoodiisii dib ugala soo noqdaa fulinta.”
Ugu dambayn wuxuu xildhibaanku isweydiiyay bal in shirkadaha la hadal hayaa haystaan lacag ku dhow lacagta sannadkii u dambeeyay ka soo xerootay haamaha shidaalka, waxaanu yidhi “Waar ninka lagu wareejinayaa maanta halkan ay joogaan ma dhaafin karaa oo wax ma ku tari karaa, sida noo muuqataa waa maya oo awoodeedii iyo khibradeedii malaha, shirkadahana waxa igu maqaalo ah in qaarkood imikuun la yabyabay. Raasamaalka ay leeyihiin 24 milyan ugu yaraan toban jeer maka badanyahay oo shirkadiiba 240 milyan oo dollar ma haysataa shirkad waliba waa maya, markaas waxa weeyaan kaalay maal, sidaasna dalku ku socon maayo, waanu ka daba tagaynaa mooshina wuu noqonayaa waana loo codaynayaa halkeedana wuu marayaa.”